Dhaliyyarada reer burcaad budhkii iyo tooridii way dhigeen Waxa Lughaya News u suurto gashay in ay cagaha saarto magaalada Burco maanta oo ah Axad, marka aad u fiirsato Burco waa magaalo wayn oo ay nolosheedu adag tahay hadii aanad cid ku tiirsanay.
Dhinaca dhaqaalaha maqaaladu waxa ay ku tiirsan tahay ka ganacsiga xoolaha nool oo ah lafdhabartooda , waxa taasi soo raaca ka ganacsiga jaadka oo ay dad faro badani u arkaan lafdhabarta dhaqaale ee soo raacda xoolaha nool, sidoo kale bagaashka ayaa magaalada aad u yimaada kaasi oo laga soo waarado magaalada Boosaaso.



