Xaflada Dhagax dhigga iskuul Boodhin ah oo secondary ah ee magaalada Cali Ciise,
Waxa maanta la dhagax dhigay iskuul cusub oo heer secondary ah tuulada cali ciise ee degmada Duruqsi gobolka togdheer, halkaas oo uu hore uga furnaa dugsi hoose/dhexe oo ay ilaa muddo 3 sanadood ah ardaydu ka baxaysay balse aanay haysan secondary ay ku biiraan, furitaanka dugsigan boodhinka ah ayaa u noqonaysa fursad qaali ah arday badan oo reer cali ciise ah iyo weliba magaalooyinka xuduudka ku teedsan, sida duruqsi, yicibyabooh, bilcille, bisiqa haradda iyo weliba qaar kale oo badan.
Xalflada furintaanka dugsigan iyo weliba howligintiisaba dhismihiisaba waxa maalgelinayey, jaaliyada iyo shicibka reer cali ciise, mana jirto wax haba yaraatee caawimo ah oo debada ka timid,
Furitaankii xaflada waxa ay ka soo qaybgalay xubno ka kala socday qaybaha kala duwan ee Degmada Duruqsi, Burco iyo weliba qurbaha.
Dadwayne tiro Badan oo 150 qof kor u dhaafaya ayaa halkaa ku kulmayey oo isugu jira cuqaal, Masuulka wassarada Waxbarashada ee Gobolka togdheer Mr. Cabdi Axmed Siciid iyo masuliyiin faro badan oo wasaaradaas ka tirsan, xildhibaano goloha deeganka ee Burco iyo xubno qorbo jog ah.
Waxa halkaas hadal dheer ka jeedieyey Cismaan Sh Maxamud Jama oo ah xubnaha soo abaabulay barnaamijkan hirgelinta Secondary ga boodhin ka ah, waxa uu ka hadalay cismaan baahida loo qabay in ay cali ciise secondary boodhin ah yeelato iyo sidii ay uga howlgeleen iyo marxalidihii kala duwanaa ee loo soo maray.
Waxa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyha waxabarshada ee gobolka togdheer Mr. Cabdi Axmed Siciid oo hambalyo iyo boogaadin u ujeedieye dadkaa is xilqaamay, islamarkaa waxa uu muujiyey in ay wasaarada ahaan soo dhawaynayaan iskuulkan cusub ee kusoo biiray, wuxuuna sheegay in uu ahaa mid loo baahnaa oo islmarkaani dabooli doona baahi wax barshao oo ay wasaaradu ka warqabaty, kuna talo jirtay sidii ay wax ugu qaban lahayd.
Waxa iayaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Salaan Cismaan Aaden, Kormeerka guud ee wasarada ee gobolka Ibraahim Cabdi Yare . DO.ga Degmada , Maamula Schoolka hoose/ Dhexe ee Cali ciise Maxamed Cabdi Cigaal iyo G/xigeenka Degmada Duruqsi, Dhamaantood waxay ka hadleen soona dhaweeyen boodhinkan secondary ga ah ee cusub waxayna muujiyeen himilo iyo hiigsi cusub.
Mohamed Hussein Aidid
Burao Somaliland
Sawirada
http://hadhwanaag.com/detail.asp?id=20977