Wararka ka imanaya Degaanka Kalshaale ee Degaanka Galbeedka Buuhoodle aya la sheegaya in Muran Xoogle ka Dhashay Marki Odayaasha Buuhoodle iyo Maleeyshiyada SSC Yimaaden Kalshaale, halkaas oo beryahan muran Ka taagna, Baraago iyo Dhismayaal dib uu habeyn balaadhan lagu waday.
Maleeshiyo Isko Magacowday SSC iyo Odayaal Beeled ka Socda Buuhoodle aya shalay Yimi Degaanka Kalshaale halkaas oo ay Dadka Degaankaasi ka wadeen Mashruucyo Balaadhan, Odayaasha aya halkaas la Kulmay Odayaal iyo Ganacsato ka soo jeeda Degaanka Qorulugud, waxaaney halkaas Amar iyo Hanjabaad is wadata Kula Kaceen Odayaashi iyo Ganacsatadi Halkaas Mashruuca Ka Wadey Lagu Horumarinayay Degaanka, Waxaaney ku Amreen inay Ku Noqdaan Halki ay ka Yimaaden, Dumiyaana waxi dhismi ah iyo waxi Baraago ah ee Halkaas laga Hirgeliyay, Hadaaney Sidaas yeelin 24 Saacadood Gudahood waxa Talaabo Culus ka Qaadi Doona Ciidamada Maamulka SSC- (Waa Siday Hadalka Uu Dhigeen) waxaaney sheegin waxi Khasaaraha ee Halkaas ka soo gaadha iyago inaaney Masuul ka ahayn.
Odayaal isla Goobtas joogay aya sheegay inay sii wadayaan Dhismayaasha iyo Mashruucyada Ganacsatado Qurbojoogi ahi wadaan, waxaaney sheegen inaaney Cid alaala cid wax uga Duminayn, waxaano kale ay sheegen inay Degaanka Hore ay uu Degaanaan jiren, laakin laga wada Guuray Dagaaladi Regimeki Siyaad Barre Lagu jiray Ka wada hayaamen.. Waxaana Isla Halkaas ka dhashay Muran Buuq iyo Cagojugleyn Ka soo yeedhaysay Maleeshiyadi SSC, Shirkaasna waxu ku dhamaaday Natiijo La'aan, waxaana Isla Goobahas Yimi Ciidamo ka soo Socda Buuhoodle iyo Maleeshiyada SSC, Geesta kalena waxaana Isla Xalay Halkaas soo Gaadhay Dhalinyaro Fara Badan oo Hubeysan oo Ka kala socda Degaanada Qorulugud- Coodanle iyo Habri-heshay waxaa Hadda laga baqanaya Halkaas inay isko Dhacaan Labaaas Ciidan ee is Horfadhiya, Haddi ay isko Dayaan inay Dumiyaan Baraaga iyo Dhismayaasha Halkaas laga Hirgeliyay.
Waxi Warkan Ka soo baxa waxaan ugu dhakhasa badan inagala socodsiin doona Shabakada Buraoonnline.com
Buraoonline.com
Buuhoodle