Maleeshiyada Nabad-Diidka Oo Walaac Ay Ka Qabaan Ciidamada Qaranka Ee Kulaalaya Buuhoodle Oo Kaantaroolada Laga Soo Galo Magaaladaasi Isku Urursanaya
Hargeysa, December 22, 2010 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ka samaystay deegaanka Maygaagle oo qiyaastii 18-Km u jirta magaalada Buuhoodle ee ay fadhiyaan maleeshiyada nabadiidka ah ee isku magacawday SSC ayaa la sheegay, in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida Kal-shaale ee colaadu ku dhex martay beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud ay Maleeshiyada nabad-diidku ka werwer qabto, in ay ciidamadaasi u soo ruqaansadaan gudaha magaalada Buuhoodle ee ay ka taliyaan.
Ma jiro war ay shaaciyeen Maleeshiyada nabad-diidka Buuhoodle, hase yeeshee sida ay xalay Haatuf u xaqiijiyeen dad ku sugan Buhoodle ayaa waxay noo sheegeen, in maleeshiyada nabad-diidku ay magaalada jihooyinka laga soo galo isku urursadeen, iyagoo ka cabsi qaba in ciidamada qaranka ee ku sugan masaafo u jirta 18-Km ay ku soo ruqaansadaan gacan ku qabashada maamulka Buuhoodle, iyadoo ilo-wareedyada aanu ka helayno deegaanada hoos yimaada degmada Buuhoodle ay sheegayaan, in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidahaasi ay yihiin ciidamo hub culus ku gaashaaman, islamarkaana saldhigyo muhiim ah ka samaystay deegaanadaasi, hase yeeshee ilaa hadda ciidamada qaranka ee ku sugan jiidaasi ayaa wali ku guda jira sugida amaanka jiidihii colaadu ka dhacday iyo kala dhex galka beelihii colaadu dhawaan ku dhex martay Kalshaale.