Golihii Degaanka Degmadda Widhwidh oo La Qaybsaday ay.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CrooKed-I
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Tue Feb 25, 2003 7:00 pm
Location: TaLeX-CouNTY--> THe LaST DeRViSH
Contact:

Golihii Degaanka Degmadda Widhwidh oo La Qaybsaday ay.

Post by CrooKed-I »

(Widhwidh}07.11-05

Waxaa Maanta lagu Dhawaaqay Sida loo Qaybiayay Golaha Deegaanka ee Degmada Widhwidh oo ka Koobnaa 17 Xubnood........

Waxaa in Mudo ahba ka socday Degmada Widhwidh ee Gobolka Cayn Qaban qaabo Xoogleh oo loogu Jiray Qaybinta Xubnaha Golaha Deegaanka.

Xubnahan oo ka Kooban 17 Xubnood waxaa loo Saaray Gudi ka Kooban 17 Xubnood waxanay Hawshaa ku Jireen 17 Maalmood.

Maanta oo ahayd Maalinti 17aad ee ay Hawshan ku jireen ayaa lagu dhawaaqay Qaybinta Golaha Deegaanka ee Deg widhwidh waxanay u dhacday Sidan.

A- Tuulooyinka.

1- Balicad 1 Xubin
2- Banyaal 1Xubin
3- Dhalaamancune 1 Xubin
4- Bali Hadhac 1 Xubin
5-Shululux

B- Gudaha Magaaladda Widhwidh

Waxaa loo Qoondeeyay Labo iyo Toban Xubnood. oo loo kala Qaybiayay Beelaha Degaanka

1- Beesha Barkad 8 Xubnood
2- Beesha Yaxye 2 Xubnood
3. Beesha Hayaag1 Xubin
4-Beesha Jaamac Siyaad 1 Xubin

Waxaa kale oo Jira Labo Tuulo oo kala ah Laasadaar iyo Dhabansaar oo Dib loo Dhigay Saamigooda Sababo Jira awgeed Waxayna Qayb ku Yelan doonaan 12ka Xubnood ee Magaalada Widhwidh.

Warkan Waxaa Maanta Widhwidh Online u Xaqiijiayay Xog'hayaha Gudiga Saami qaybinta ee Degmada Widhwidh C/qani Max'ud Salaad oo ay Garab fadhiyaan Gudoomiyaha Gudiga Saamiqaybinta Haybe Cali Xasan( Haybe Cali Guray) iyo Gudoomiyaha Gobolka Cayn Mudane Kayse Cabdi Yuusuf.

Hawshan oo ay ku Baxday Qarash Dhan 40,000,000 ( Afartan Milyan oo Shlin) waxaa iska kaashaday Dadwayanaha Deegaanka iyo Maamulka Degmada iyo weliba Kan Gobolka.

Gudiga Saamiqaybintu waxaa kale oo ay soo sareen Wareegto ay ku Amrayaan in Dhamaan Xubnaha Golaha Degaanka lagu Soo Xulo Mudo 13 Maalmood ah, laga Bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/11/2005.

Maalinta la qaban doono Xafladda ku dhawaqista Goolha Deegaanka waxaa lagu Cusumay oo Imaandoona Mas'uuliyin Sarsare oo ay ka mid Yihiin Wasiirka Horumarinta Reermiyiga iyo Dawladaha Hoose Mudane Cali Cabdi Awaare, iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Axmed Cabdi Xaabsade.

Degmadda Widhwidh waxaa ay Noqotay Degmadii ugu Horaysay ee ka tirsan Goboladda SSC ee Si Rasmi ah loogu Heshiiyo Qaybinta Xubnaha Golaha Deegaanka.

C/qaadir Cali
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Post by LiQaaye_TDH »

Jaamac siyaad aa ka ogolaado, waakase!!!!
User avatar
kkk47
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2261
Joined: Wed May 04, 2005 9:11 am
Location: It is my way or the high way no-land but Somaliweyn
Contact:

Post by kkk47 »

smellyland
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Togdheer”