Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ardayda Jaamacada Burco oo Hadyad Dhaqan Gudoonsiisay.....

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Ardayda Jaamacada Burco oo Hadyad Dhaqan Gudoonsiisay.....

Postby LiQaaye_TDH » Wed Apr 25, 2007 1:06 pm

Ardayda wax ka dhigata Jaaamacad Burco ee gobolka togdheer ayaa maanta markii u horaysay hadyad sagootisa ku qaabishay macalimiin ajaaniba oo xiligan wax ka dhigta jaamacadooda.

Munaasibad loog talo galay sagootiska Macalamiintan oo u dhalatay wadanka Soodaan laguna qabtay Hotel City Plaza Burco ayna ka qaybgaleen ardayda jaamacada, gaar ahaana qaybta Maamulka iyo ganacsiga iyo macalimiintan ayaa waxa lagu godon siiyey qalab kala gedisan oo ka kooban agabka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliland, kaasi oo loo qoondeeyey inay macalimiintaasi ay ula safraan wadankooda.

Diiriye Sugaal Rooble oo u hadlayey ardaydan jaamacada ee qalabkan gudoonsiinaysay ayaa waxa uu sheegay in umada soomaalinad iyo kuwa dhigooda suudaan ay wax badan ka wadaagaan nolosha iyo dhaqankaba, isla markaana ay soo dhaweynayaan inay arday ahaan wax ka bartaan macalimiinta soodaan iyo kuwa kale ee wadamada Afrika iyo Carabtaba.

Afhayeenkan ardaydu waxa kale oo uu sheegay in hadyadan oo ka kooban qalabka hoyga ee dhaqanka, cuntada, Xoolaha iyo xaragadaba uu ka turjumayo in bulshadu ku faanto dhaqankeeda, isla markaana ay bulshada kale ee dhigeeda ahi wax ka ogaato sida uu u dhigan yahay” waxaanu ku faanaa dhaqankayagu inuu ku haboon yahay hadyadaha qaaliga ah, waxaanu rajaynaybnaa inaad nala hubisaan ayuu yidhi”

Prof. Shariif Maxbuub oo ka mid ahaa macalimiinya la gudoonsiiyey hadyadan dhaqanka ayaa waxa uu cadeeyey inay talaabadani uga dhigan tahay mid xusuusinaysa niyada uu u hayn doona Soomaaliand iyo sawirka aan ka qaatay bulshada Burco oo ah mid furfurn “ ma iloobayo inaan laq macaamilay bulsho leh ixtiraam iyo qadarin oo aan dhexdooda qariib marnaba ku noqon ayuu yidhi”

Prof. Shariif waxa kale oo uu balanqaaday inuu ardayda soomaaliland uu la garab istaagi doono inmuu ka gacan siiyo aqoon waxa uu ku dhaamo haday tahay khibrad iyo haday tahay wax barashoba wadanka guda hiisa iyo dibadiisaba.

Dhinaca kalena macalimiintan Soodaanta waxay ka mid tahay raxan macalimiina oo sanadkan gudahiisa wax barasho ka waday jaamacada magaalada Burco ,kadib markii ay maamulka jaamacadu wadahalo kula soo galeen qaar ka mida jaamcadaha wadanka Soodaan.

Reported By Yuusuf I.Warsame, Ilkacase
Burco

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Togdheer”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests