Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

!!!!!!!!!!!!!!!!Tariikh Yar Oo Kooban!!!!!!!!!!!!!!!!!

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CrooKed-I
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Tue Feb 25, 2003 7:00 pm
Location: TaLeX-CouNTY--> THe LaST DeRViSH
Contact:

!!!!!!!!!!!!!!!!Tariikh Yar Oo Kooban!!!!!!!!!!!!!!!!!

Postby CrooKed-I » Wed Apr 25, 2007 8:06 pm

Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego; ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka fogaadeen, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.




Taariikhda aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur oo sayidka maxamed awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Waxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.




Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeednna. waxuu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1). Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la weriyey in shiikh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu weynaa.




Shiikh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey dooxada "Casuura" oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo sodon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxa la weriyey shiikh cabdille isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro seed magan, kuna caan baxdey "Caro Seed" waxa la yidhi, waxay u dhashay 10 caruur ah, waxaana u weynaa Maxamed, hase ahaatee shiikh cabdille carruurtii uu dhalay waxey tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.




Shiikh Cabdille xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta "Taleex" 1913, qabrigiisuna waxa. laga dhisay qudbad caan ah



Maxamed cabdulle xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed ma laaso oo ah Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo "Sacmadeeqo" oo magaalada buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay "Gobaysane",Waxaana la sheegay inuu ahaa gu' barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1856. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay yidhaahdeen: sayidku maxamed saddex meelood ayuu ka la mid ahaa nabigii"scw" magaca da'da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn mayso guguu dhashay.wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah.Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo, reer miyigana waxaa u taliya roobka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn.Dabeecada ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoolaraac noqdo



Sidaas daraaddeed, waxaan oran karnaa:Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa xoolraac, lamana sheegin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa baa quraanka loogu bilaabay.Macallinkii quraanka u dhigi jirey waxa lagu naanaysi jirey "Kud quraan". maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax lala yaabo ma aha oo ardada ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo badnaan iyo firfircooni. waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in calaamooyinkii macallimadu. ka muuqato,isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cimiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo.Hase yeeshee, gadaalkii xertii buu ku mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.



Dhulka masaajid iyo madaaris midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go'nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo, ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado. waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato.



Haddaba, waxaa hubaal ah in Aw maxamed shirkaas culimda diintu markay dadka wacdiga iyo waanada u jeedinayaan ka faa'ideysan jirey. Sheeko ku-tiri-kuteen ah waxaanu ku maqalnay in Aw maxamed soddomaadkiisii dhul badan oo dalka gudihiisa ah oo kala duwan maray isagoo cilmi doon ah hase ahaatee taasi run iyo been miday tahay lama oga, waxaase la weriyey inuu cilmiga ka bartay Shiikh la odhan jirey Shiikh Abokor shiikh Ibraahim laguna naanaysi. jirey Abokor fool-dheere, oo degmadiisa ahayd dhinaca waqooyi ee webiga shabeelle waxa la wariyey sayid maxamed baa eegay Ceelka Walwaal, kolkaasuu dhererkiisii la yaabay oo waxuu yidhi "Cilmigii Abokor-fooldheere" ayaa buuxin lahaa, meel kasta cilmiga ha ka barto, nin kastaba ha ka akhristee, waxaa hubaal ah inuu sayidk maxamed diinta islaamka iyo Af cariba aad u yiqiin, gaar ahaan qaybta loo yaqaan "Cilmiaale" oo afka carabiga furaha u ah, markaasna wuxuu la baxay Shiikh maxamed Shiikh cabdille. Qore: A.A. mohamed

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Togdheer”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest