Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Abdisalaam Hereri gets his own neighborhood "Hereri Hills"

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Abdisalaam Hereri gets his own neighborhood "Hereri Hills"

Postby MrPrestige » Sat Jul 12, 2014 6:16 am

In South East Hargeisa. Congrats to Siciid85's cousin :up: .

Hargeysa (OWN) Mid kamid ah xaafadaha magaalada hargeysa ayaa loogu magac daray weriyaha weyn ee caanka ah Mudane C/salaam Ibraahim Hereri,
xaafadan oo ku taala koonfur bari ee magaalada hargeysa ayaa wakhtiyadii hore dadku waxay u yaqaaneen xaafada Findland.

Boodhweyn ayaa lagu dhejiyey irida wadada baabuurtu uga leexato kaaso lagu xardhay “Hereri Hill” magaca Cusub ee sida wadajirka ah loogu wanqalay
xaafadan.Mid kamid ah odayaal dhaqameedka xaafadan degan oo magaciisa layiraahdo Boqor Maxamed Nuux Aadan oo aanu wax ka weydiinay sababta
keentay in xaafadan loogu magac daray weriye Hereri ayaa waxa uu yidhi:- “Soomaalidu wakhtiyadii hore sida aduun weynuhuba sameeyo waxay samayn
jirtay shakhsiyaadka taariikhda baalka dahabka ah kaga qoran waa la weynayn jiray xataa Caruurta dhalata ayaa loogu magac dari jiray, sidaa awgeed
xaafadana waxaanu C/salaam Hereri ugu magac daray Miisaanka, Sumcada, Magaca, Maamuuska iyo Milgaha uu ku dhex leeyahay dhamaanba bulshada
ku hadasha afka soomaaliga, anaga ka xaafad ahaan sharaf ayey noo tahay inaanu u bixino magaca weriyaha weyn ee Hereri, isagana ka hor intaanan
boodhka xaafada magaciisa ku qorin ayaanu ka codsanay waanu naga aqbalay.


Goobaha laga raaco basaska “Bus Station” ee u kala goosha xaafaha bariga hargeysa ayaa dadka degan xaafadaha hereri hills waxa ay tilmaan ka dhigtaan
boodhka xaafada oo ku yaala halka ay ku kala leexdaan jidweynaha haleeya iyo dariiqa Hereri Hills iyagoo dadku wadaha baska ku oranaya “ii Jooji Baabuurka
kolka aad gaadho Boodhka Xaafada Hereri Hills”.Malaayiinta qof ee ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa siweyn ula-dhacay soona dhaweeyey isla markaasina Abaal bur iyo dheeraada uga haya Weriyaha ruug cadaaga ah ee C/salaam Hereri Barnaamij aad u qiimo badan oo sadexdii sano ee u dambeeyeyba ka
bixi jiray Televisionka Universal kaasi oo Hereri ku magac-dhebay “Hereri Iyo Hargeysa, waxaana barnaamijkaasi siweyn u wada raaligeliyey dhamaanba soomaalida
ku nool daafaha caalamka iyo mandaqada geeska africaba.


Taasi waxay sababtay in bulshoweynta reer hargeysa taageerada baaxada leh ee ay u hayaan Saxafiga soomaaliyeed ee C/salaam hereri inay gaadho heer loogu
magac daro xaafadaha waaweyn ee magaalada hargeysa.Maraanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sida uu arko C/salaam xaafada loogu magac daray ayaanay
noo suurtagelin inaanu ku helo khadka taleefanka.C/salaam Hereri iyo Saaxiibkii Axmed Xasan Cawke ayaa sanadihii u dambeeyeyba waxaa geeloodu miranaayey magaalada hargeysa, halkaasi oo noqotay saldhigooda labaad ee ugu weyn saldhig nololeedyada ay ka degan yihiin dunida guudkeeda, waxaana joogitaankooda hargeysa
uu wehel u noqday shacab iyo xukuumad labadaba.Bar kulameedada bulshadu isugu timaado ayaa hadal haynta labada saaxiib saamayn xoogan ay ku leedahay, waxaana siweyn loogu majeerta hankooda ka koray waxyaabaha halkeeyey warbaahinta maanta, sidoo kale waxaa si gaar ah loogu tilmaama Cawke iyo Hereri ka fogaanshaha ay
ka fog yihiin ku dhex milmida siyaasada somaliland iyo tan soomaalida labadaba. Isku soo wada duubo xaafada Hereri Hills ayaa noqonaysa dhamaanba geyiga soomaalida Xaafadii u horaysay ee loogu magac daro Weriye Soomaaliyeed.
C/risaaq Yusuf Cali “Terra”.

http://oodweynemedia.com/xaafadda-harge ... an-hereri/

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Waqooyi Galbeed”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests