Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wararkii Ugu Danbeeyay ee Ku Saabsan Iska hor Imaadkii

Siyaasada Soomaali Galbeed

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Wararkii Ugu Danbeeyay ee Ku Saabsan Iska hor Imaadkii

Postby Siciid85 » Sat May 22, 2010 10:42 pm

Wararkii Ugu Danbeeyay ee Ku Saabsan Iska hor Imaadkii ka Dhacay Xuduuda Caalamiga ah

Image

Danood (CakaaraNews) Waxaan maanta idiin soo tabinay in ciidamada Liyuu Booliska ay caabiyeen weerar ay dad nabad-diid ah oo isku qarinaya nidaam beeleed oo ka yimid degaanka Buuhoodle, balse warar sugan oo aan haatan helnay ayaa sheegaya in ciidanka weerarada caabiyay ay yihiin booliska caadiga ah oo ku hawlanaa hawlaha baadhitaanka badeecadaha ka soo galaya xuduuda.

Wararkan oo aan helnay ayaa sheegaya in Booliska caadiga ahaa ee ku sugnaa Xuduuda caalamiga ah ay horaan u lingaxeen xadka iyagoo sharciga ku soo dabaalaya, waxayna gacanta ku dhigeen gawaadhi sharci darro ah oo gaadhaya 30 gaadhi oo si sharci darro ah u soo galayay Degaanka Soomaalida.

Sida la wada ogsoon yahay Baabuurta ka timaada Degaanka Buuhoodle ayaa caan ku ah ka ganacsiga kontorobaanka, isla markaana waa gaadiid aan lahayn wax aqoonsi sharci ah oo lagu garto. Taas aawadeed ayaa ciidamada booliska ee ilaalinayay xuduuda ay baadhitaanka gaadiidkaas u adkeeyeen, kadib markii qaar fara badan oo gaadiidka adeegsada marinkaa hore loogu qabtay iyagoo soo galinaya hub sharci darro ah, iyo qalab ka mid ah qalabka maraakiibta oo laga soo furtay maraakiibta madax furashada loogu haysto gobolka Puntland.

Wariyaha Shabakada CakaaraNews ee Gobolka Wardheer ayaa noo soo sheegay in markii ay booliska ilaalinta xuduudu ay qabteen gawaadhidaa sharci darada ah ay maleeshiyo beelaadyo is uruursaday ay weerar ku soo qaadeen, balse Ciidankii Ilaalada xuduuda ay si adag iskaga caabiyeen iyagoo dib u riixay maleeshiyaadkii dagaalka soo qaaday.

Wuxuu kaloo wariyuhu noo sheegay in Ciidamada Sida Gaarka ah U Tababaran ee Liyuu Boolisku oo aan markii hore joogin aagga uu dagaalku ka dhacay ay haatan u baqooleen dhanka Buuhoodle.

Wuxuu wariyuhu sheegay in Booliska Ilaalinta Xuduuda Degaanka oo aan lahayn tababarka Liyuu Booliska, balse ku dayday mooraalka iyo guulaha ay keeneen Ciidanka Liyuu Booliska ay xirfad wanaag ka muujiyeen inay caabiyaan shaqaaqada ay ku soo qaadeen dadka ka soo duulay dhanka Buuhoodle.

Wararku waxay intaa ku darayaan in caawa fiidkii ay ciidmada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Liyuu Boolisku ay u baxeen dhanka Buuhoodle.

Ciidankaa baxay ayaa la sheegayaa inay ka kooban yihiin saddex regiment oo ay kala hogaaminayaan Shaalaqe Ciid oo fadhigiisu yahay Gobolka Wardheer & Shaalaqe Deeq oo saldhigiisu yahay Gobolka Qoraxeey.

Waxaa wararku ay intaa ku darayaaan in Ciidamada Liyuu Booliska ee haatan ay gaadheen meeshii qulqulatatadu ka dhacday iyagoo gacanta ku haya xaalada agagaarkaas, si ay amniga & xasiloonida u ilaaliyaan.

CakaaraNews

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Soomaali Galbeed - Politics”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests