Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

s/c

Qaybta Soomalida Kenya

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
sacad_4life
Posts: 2
Joined: Sun May 06, 2007 4:37 pm

s/c

Postby sacad_4life » Sun May 06, 2007 5:02 pm

Asalaam aleykum




Quluubta waxay udhexaysa Qalayl iyo Raxmad
--------------------------------------------------------------------------------

1) Qaluubta , axwaashooda iyo noocyadooda:

Waa maxay qalbigu?

Qalbigu waa cad yar oo ku yaala korka dhiniciisa bidix ee laabta , macna ahaana waa Fu’aadka Insaanka oo Ilaahayna Ka hadlay, waana guriga / hooyga Imaanka , Taqwada, Ixtiraamka, Thikriga, Jacaylka iyo Nabadgalyada

sidoo kale waa guriga Kufriga . Nifaaqa , Riyaaga , Xiqdiga , Xaasidnimada , Karaahiyada iyo Walwalka.

Waxuu tilmaamay Rasuulku s.c.w. siday isugu xidhan yihiin Imaanka iyo qalbigu waxuuna yidhi Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay (( Imaanka ma aha rajo ee waa wax ku sugnaaday qalbiga camalkuna ka run sheegay )) sidoo kale waxuu yidhi Rasuulku s.c.w. ((lama aqbalo Imaan aanu la socon Camal sidoo kale Camal aanu la socon Imaan)).

2) Axwaasha Quluubta:

-Maxaa loogu bixiyey qalbiga /wadnaha qalbi ?

Waxaa loogu bixiyey qalbiga qalbi sida u isu gagadiyo oo isugu gadiyo khayr iyo shar.
Rasuulku s.c.w. waxu yidhi xadiis macnahiisu yahay ( waxaa loogu bixiyey qalbiga qalbi siduu dhakhso isugu gadiyo ).

Waxuuna ku matalay Rasuulku s.c.w. qalbiga xadiis macnahiisu yahay sida (baal yaala meel banana ah oo dabayshu marba dhinac u rogayso ).

Sidoo kale Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay (qalbiga ibn aadanku waxuu ka isgagadi badan yahay digsi dab xoogleh la saaray oo kar dartiis is gagadinaya)

Qalbiyadu kuma sugnaadan hal xaal waxayna ku jiraan gacanta Ilaahay oo siduu dono ayuu ka yeelaa.

-qalbiyada Muminiintu waxu galiyaa Imaan, Ixsaan, iyo Adeecida Ilaahay.

-qalbiyada Gaaladana waxu galiyaa Nifaaq, Riyaa iyo Xasad.

Waxaas oo dhamina waa qudrada Ilaahay , Xikmadisa iyo Cilmigisa.


3) Axwaasha Quluubta:

Qalbiyadu waxay u dhexeeyaan Imaan iyo Kufri waana 4 xaaladood

Waxaa laga wariyey Cali Bin Abii Daalib ama Abuxudayfa r.c in u yidhi Rashuulku s.c.w. qulubtu waa 4 nooc

1- Qalbi nuuraya oo iftiimaya kaasina waa qalbiga muuminiinta
2- Qalbi daboolan o xidhan kaasna waa ka kaafirka
3- Qalbi qalooca /foorara waana ka munaafiqa
4- Qalbi u dhexeeya laba dhinac oo marba midjiidanaayo mar iimaanka ayaa jiita marna dhinaca nifaaqa kuwaasina waa kuwa isku qasay laba camal oo kala ah mid wanagsan iyo mid xun, qalbiguna waxu yahay marba xaal oo kuma sugnaado hal xaalad qudrada Ilaahay.

Rasuulka s.c.w. waxu yidhi xadiis macnahiisu yahay (( qofku waxuu waabariista isaga oo muslim ah waxuna galabsadaa isaga oo gala , waxuuna galabsadaa isaga oo gala waxuuna waabariistaa isaga oo muslim ah) sido kale waxuu ku ducaysan jiray Rasuuku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay (( Ilaahi Qalbiyada gagadiyo ku sug Qalbigayga diintaada,
Ilaaha quluubta dirow u dir qalbigayaga daacadaada ).


4) Noocyada Quluubta:

1-Waxay noo sheegeen culimadu in ay jiraan Laba Quwadood oo xoog leh kuwaas oo ku tartama /isku haysta Quluubta , kuwaasina waa quwada khayrka iyo quwada sharka.

-Quluubta ay buuxisay quwada khayrku waa quluubta muuminiinta, waxaana buuxiya Imaan, Taqwaa, Makaarim Al-Akhlaaq, xubnahooduna waxay u dhaqaaqaan camalka wanaagsan halkaas oo caqligu raaco wanaaga laabtana way ku daabacantaa wanagas qalbiguna waa ku farxaa kuna xasilaa digriga Ilaahay, qofkaasina waxuu dareema macaanka wanaagaas ku sugnaaday qalbigiisa.

-waxuu yidhi Rasuulku s.c.w. xadiis macnahiisu yahay (qofki jeclaada lakulanka Ilaahay Ilaahayna waa jeclaada lakulankiisa ).

-malaa’ikta Ilaahay markay nafta ka qaadayaan Muuminiinta waxay yidhaadan (nafti xasilonaydey usoo noqo dhinaca Rabigaa adiga oo raali lagaa yahay adiguna ku raali ah jazada aad heshay Ilaahay agtiisa ) macnaha aayada.


2- Quluubta ay buuxisay quwada shartuna waxaa daboolay shar aad u xoog leh waxuuna u jiidaa dhinaca xumaanta akhlaaqdiisuna waa xumaataa oo acmaasha waa xumaata, waxay noqotaa laabtiisu mid xidhan, fu’aadkiisuna waa mid la haysto, waxuuna raacaa hawada naftiisa oo amarta xumaanta, waxuuna ku dhacaa macaasida iyo dunuubta, qalbigaas waxba kama tarto xasuusinta Ilaahay la xasuusinaayo iyo digniinta Ilaahay, quluubtaas waxay ku dhegtay oo raacday Aduunyo, Xoolo iyo Dumar oo wax kale uma jeedo, Ilaahay kuwaas inagama dhigo aamiin.


5) Marka Qalbigaagu waa kee?

Qofka muslimka ah waa in uu yaqaano naftiisa isaga oo ka eegaya Qalbigiisa nooca uu yahay.

Hadii qofku uu dhadhamiyo macaanka Imaanka laabtiisuna ku fido oo Fu’aadkisuna ku farxo una soo jeesto acmaasha wanagsanIlaahayna jeclaado, haduu intaas qofku isku arko Qalbigiisu waa wanaagsan yahay khayr badana waa lagu tuhmaa.

Hadii uu intaas ka xarinmo oo shaydaan u qurxiyo acmaasha xun xun ee u samaynaayo, ogow Qalbigaas waa xumaaday sidoo kale camalkiisuna waa xumaaday, waxuna ku jiraa jid aad u khatar ah Ilaahay ha inaga badbaadiye.

Rasuuka s.c.w. oo ka run sheegaya arintaasna waxu yidhi macnaha xadiiska ( korka waxaa ku jira cad yar oo haduu wanaagsanado korka intiisa kalena wanaagsanaanayo haduu xumaadona korka intiisa kale xumaanayo cadkaasina waa Qalbiga ) Bukhari, Muslim

Marka waxaa waajib inagu ah in qofkasta ku dadaalo siduu u badsan lahaa quwada khayrka isaga oo Imaankiisa badinaya kana fogaanaya waxkasta oo shar ah, badsanayana Istiqfaarka iyo tasbiixda.

Waxaana ku qaadan doonaa qaybta danbe hadii Ilaahay intaas nafta inagu sugo, waana socdaa waxii aan ka run sheegayna waa ilaahay xagiisa waxii aan khaldayna waa naftayda iyo shaydaan Ilaahay baana waydiisanayaa danbi dhaaf.

Wa bilaahi tawfiiq.


wcs

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

Return to “Somali Kenyans - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests