Postby hope4all » Tue May 22, 2007 8:34 am
Dhibaatooyinka Haysta Dadka Somaaliyeed
Magaalada Muqdisho ilaa iyo imika wax nabad galyo ah Kama jirto, waxaana soo noqotay canshuurtii baada ahayd ee dadka iyo gawaadhida laga qaadi jirey. Day daydii qoryaha sitey oo loo furey qaadkii oo dadka dhibaatooyin badan ku haya.
Kumaan Kun qof oo u badan agoon, dhumar iyo caruur, waayeel oo ka so qaxay magaalada Muqdisho una so qaxay magaalada hareeraheeda. Taas oo nabad galyo la’aan iyo baahi ay hayso.
Labadan caruura ee dhisaybalka ah oo aabahood iyo hooyedood waxay ku dhinteen dagalki dhowan ka dhacey Muqdisho, waxaana lagag tagay tuulo u dhow magaalada Afgooye, iyaga a ann ilaa imika aan haysen cid caawiya ama ilaalisa.
Dhibaatoyinka Somaaliya gaadhey sanadkan manta ah wax lagu qiyaaso ma jirto. Xaaladaas oo kale wax laysku eego ma aha. Ilaahey halaga cabsado, arintaas yaynaan isku eegin walaaladeenin Somaaliyeed. Hadaynaan istaageerin oo aynaan istiirin waxaa inaga dhargaya haadka.
Ka soo qayb gala yar iyo weynba, aabbo iyo hooyooyin shir lagu qaban doono White City Community Centre oo ku ag taala Fatima Community Centre Jimco 25th May 2007 7.30pm-9pm.
Shirkaas oo ku saabsan wixii loo qaban lahaa walaaledeena Soomaaliyeed ee dhibaateysan.