viewtopic.php?f=18&t=173462&st=0&sk=t&sd=a
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal waxa uu ka hadlay qiimaha ay nabadgalyadu u leedahay jiritaanka dalka, isla markaana waxa uu carabka ku dhuftay in aanay wadamo badan oo Afrika ku yaalaa haysan dimuquraadiyada iyo nabadgalyada Somaliland haysato.
"Waxaan leeyahay nabadgalyada aad ha loo illaaliyo oo waxaynu ku faanaa waa nabadgalyada, oo aanay wadamo badan oo Qaarada Afrika ku yaala aanay ka suuragelin in ay heleen nabadgalyada aynu haysano. Markaa waxaan leeyahay dimuquraadiyada, nabadgalyada iyo horumarka ha la adkeeyo oo halkaa halaga sii wado." Ayuu yidhi Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Cabdiqani Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.
mashallah to our suldan big up rageedi.



