Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Rumaysadkayga Sayid Ciise Masiix

Soomaalida Africa ku dhaqan

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
bwarsameh
Posts: 10
Joined: Wed Mar 03, 2004 7:00 pm

Rumaysadkayga Sayid Ciise Masiix

Postby bwarsameh » Sat May 06, 2006 7:05 am

[i]“Runtii kuli inta doonaysaa in ay si cibaado leh Ciise Masiix ugu noolaadaan waa la silcin doonaa”
2 Timoteyos 3:12[/i]

[b]Reerka aan ka Dhashay[/b]
Waxaan ka dhashay reer Soomaaliyeed oo ehelu diin ah aniga oo ku dhashay tuulo yar oo ku taal Galbeedka Soomaaliya. Waxaan ahay Soomaali aan carna isku rogin. Waalidkey waxay ahaayeen reer guuraa xoolo dhaqato ah. Waxaa guri innoo ahaa aqal Soomaali yar. Waxaan xusuustaa caruurnimadaydii aniga oo awr bacadle ah dusha ka saaran hooyana ay hoggaanka u hayso iyada oo weliba igu maaweelinaysa heeso caruureedyo wanaagsan.

Markii aan jiray uun dhowr isbuuc ayaa waxaa i gardaadiyey nin si weyn deegaanka oo dhan looga yiqiin aadna looga baqi jiray. Ninkan oo aan “Shabeel” ugu yeeri doono ayaa iga soo dhuftay gacmihii aabbahay oo markaa horay iyo dib iila car caray isaga oo igu leh “Sidaan yeelo yeel, saantayda qaad.” Qaar raggii tuulada ka mid ahaa ayaa kolkaa rasaas cirka u ganay haweenkiina way mashxaradeen si ay ugu damaashaadaan munaasabaddan muhiimka ah.

Eebbe ayaan ka nabad galay in aan raaco raadka “Shabeel” ama sidiisa oo kale u dhaqmo. Ninku wuxuu ahaa mid aysan xalaashu iyo xaraantu u kala soocnayn; wuxuu ahaa nin gacan fudud oo dagaal badan in kastuu dad badana geesi u ahaa.

Aniga yaraantaydii ma aanan ahayn wiil Soomaali reer guuraa ah sidii lagu yaqaanay. Waxaan ahaa mid aan isla weynayn oo nabadda jecel. Hooyaday ayaa tan dhibsatay. Alla imisa jeer ayaan dhegahayga ku maqlay iyada oo ku calaacalaysa “war wiilkan iyo ninkii gardaadiyay bal isu eega, xaggee masiibadu ka timid”! Sida aan la soconaba wiilasha reer miyiga waxaa lagu ababiyaa iyaga oo yar in ay libaaxyo yaryar noqdaan. Dhawr jeer ayaan isku daday inanimadaydii in aan libaax yar oo kale iska dhigo bal si aan hooyo uga farxiyo balse kuma guulaysan!

Markii aan yaraa waan feker dheeraa maskaxna badnaa. Waxaan su’aalo ka keeni jiray “waxa sidan loo yeelo oo sidan loo yeeli waayay.” Waxaan dood ka jeedin jiray diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida oo ay galdaloolo iiga muuqdeen. Wakhtigaas isaga ah iguma jirin in aan isaga baxo diinta Islaamka in kasta oo caruurta kale ay iigu yeeri jirieen magacyo ay ka mid yihiin “baadari”, “Kirishtaan” iwm. Ciyaalka xaafada aniga ayay ii man jireen marka ay fekero xeel dheer doonayaan waxayna u tegi jireen walaalkayga dagaalka badan marka ay doonayeen in ay libaaxyo yaryar iska dhigaan.

Waxaan ku soo koray waxna ku soo bartay Muqdishu. Dugsiga sare waxaan ku soo dhameeyay Xamar aniga oo halkaasna ka soo shaqeeyay. Aabbahay wuxuu ahaa wadaad aad loo xusheemyo loona qadariyo waxaana intaas u dheeraa isaga oo jilibka aan ka dhashay u ahaa hoggaamiye dhaqameed. Aabbahay wuxuu ahaa xaafidul Qur’aan aad u fidin jiray diinta. Aabbahay aad ayuu ii baray diinta Islaamka isaga oo damacsanaa in aan noqdo wadaad isaga oo kale ah xilkiisana aan la wareego marka wakhtigiisu dhamaado. Shaki la’aan lama uusan socon in aan mar uun noqon doono Masiixi raaca Sayid Ciise Masiix fidiyana Injiilkiisa tawbadkeenka iyo badbaadada.

[b]Sida Rabbigu ii Hanuuniyey[/b]
Maadaama uu Qur’aanku wanaag badan ka sheego Sayid Ciise Masiix ayaan go’aansaday in aan barto Masiixa iyo risaaladiisaba. Waxaan gacanta ku dhigay Kitaabka Qudduuska Ah (Holy Bible) oo ku turjunnaa af Ingiriis. Waxaan aabbahay la wadaagay xiisahayga sii kordhaya ee aan u hayay Sayid Ciise Masiix iyo tuhunka iga sii gelaya sheegashada Maxamed ee ah in uu yahay nebigii ugu dambeeyay ee Eebbe soo diray. Aabbahay wuxuu iigu hanjabay in uu nafta iga qaadi doonaa haddii aan mar kale sidan oo kale aan wax uga sheego “nebi” Maxamed iyo Islaamkaba.

Saddex sanno kadib oo aan baranayay Kitaabka Qudduuska Ah ayaa Rabbigu i hanuuniyey hanuun cad sannadku markuu ahaa 1986. Dhowr aayad oo ku yaala Kitaabka Qudduuska Ah ayaa si gaar ah ii taabtay sida “wacdigii Ciise dadka ku wacdiyey markuu buurta joogay” oo laga heli karo Matayos 5-7. Run ahaantii waxaa aad ii raali geliyey Kitaabka guud ahaantiis iyo runta risaalada uu sido.

Waan xusuustaa maalintii aan Rabbiga isu dhiibay oo aan tawbad keenay aniga oo rumaystay Masiixiisa qaatayna Injiilkiisa.

Idaacadda Codka Nolosha Cusub ayaa ee Nairobi, Kenya, ayaa aad iiga caawisay sidii aan si qoto dheer ugu fahmi lahaa una baran lahaa iimaankayga cusub.

Rabbigu wuxuu isticmaalay dad ka wacdiya idaacado bal si aan u garto mugdiga aan ku noolaa una fahmo baahida aan u qabo badbaadadiisa. Horay ayaan u ogaa in aanan marnaba badbaadadayda shaqaysan karaynin balse sida lagu helo deeqda badbaadada Eebbe lama aanan socon. Kitaabka Qudduuska Ah ayaan ka bartay in waxa keliya ee la iga doonayaa si aan u badbaado ay uun tahay aniga oo tawbad keena rumaystana Sayid Ciise Masiix. Waxaa halkaas iiga haray diin hal xiraale ah iyo welwelkii aan ka qabay bal janno ama naar midda aan ku dambayn doono marka wakhtigaygu dhamaado. Sayid Ciise Masiix waxaan ka helay badbaado sugan oo hubanti ah.

Idaacadda Codka Nolosha Cusub oo laga soo baahiyo Seychelles ayaa aad iiga gargaartay barashada Kitaabka. Idaacaddani waxay ii soo dirtay buugaag iyo kutub iyo qalab kale oo iga kaalmeeyay barashada Kitaabka. Intii aanan si weji ka weji ah ula kulmin Masiixi kale oo aan Rabbiga la caabudo kalana faa’iideysanno, CNC ayaa ii ahayd isha iigu muhiimsan ee koritaanka iimaankayga. Markii aan ka maqlay CNC dad Soomaaliyeed oo ku hadlaya afkayga hooyo ayay i gashay farxad weyn iyo dhiiranaani waayo waxaa ii sii cadaatay in ay jiraan Soomaali kale oo Masiixiyiin ah.

Reerkaygu aad ayuu uga naxay markii aan noqday Masiixi. Waxaan xusuustaa hooyaday oo naar iiga digaysa kadib markii aan la wadaagay in aan Masiixi noqday. Waxaan hooyo u sheegay in aan helay Injiilkii nebi Ciise oo ay culumadeennu innoogu sheekeeyaan in uu lumay waa hore! Waxaan dabadeed tusiyay Kitaabka Qudduuska Ah oo dhan aniga oo u sheegayna in Tawreed iyo Sabuurna ay halkaa ku jiraan.

Hooyaday aad ayay iiga xumaatay waana ii carootay oo waxayba u qaadatay in aan caasi noqday. Qaar ka mid ah qaraabadayda ayaa aad ii colaadiyey oo ii fafakanay si ay ii wax yeelayaan. Markii hore waxay moodayeen in aan yara waashay balse markii ay hubsadeen in aan jinni ka fayoobahay ayay aad ii colaadiiyeen iiguna hanjabeen dil iwm.

Waxaan ku adkaystay caqiidadayda cusub iyo xornimada aan ka helay Masiixa iskutallaabta ku dhintay kadibna dhimashada ka soo sara kacay si uu demiyadeenna innooga cafiyo una helno badbaado.

Ehelkayga iyo saaxiibadaydiiba waxaan u sharraxay sababta aan u doortay Sayid Ciise Masiix una diiday Maxamed. Hadal maa aan badine arrintii ayaan toos u abaaray beerkana uga dhacay; waxaan u sheegay in aanan rumasynayn in Eebbe nebi ka soo daba diray Sayid Ciise Masiix si nebigaasi u keeno risaalo cusub oo qilaafsan tii hore.

Ehelkayga ayaa ugu dambayntii i deyriyey iina sheegay in aan guriga uga tago oo aan aragooda dhaafo.Waxaa ii colloobay saaxiibadaydii waxaana iga goostay ehelkii oo dhan. Waxaan ku dhawaaday in aan waayo shaqadaydii sababo la xiriira rumaysadkayga Sayid Ciise Masiix.

Sida aan la soconaba dadkeennu ma fahamsana diinta Masiixiga weligoodna Kitaabka Qudduuska Ah ma akhriyin. Soomaalidu waxayba moodayaan in Masiixinimada iyo gaalnimadu ay isku mid yihiin!

Ugu dambeyntii waan la heshiiyey reerkaygii iyo ehelkii oo dhanba kadib markii “gaalnimadii” ay filayeen ay iiga muuqan weyday. Anigu waxaan horay u ahaa Muslim nadiif ah oo aad u toosan edeb iyo anshaxna lagu yiqiin. Tayooyinkaygaas wanaagsani waa uun sii kordheen markii aan hanuunay. Ehelkaygu waa rumaysan waayay in wanaag mooyee aan waxa dhib ahi iiga imman caqiidadayda cusub. Anigu weligay ma yeelan balwad ha ahaato sigaar ama qaad ama wasx ka sii fool xunba. Waxaa mahad leh Eebbaha aniga sidan ii dhawray.

[b]Silcin[/b]
Inkastoo aan Masiixi noqday 1986 lama aanan kulmin wax Masiixiyiin kale ah illaa 1992. Raadiye yar oo aan lahaa ayaa ii ahaa halka keliya ee aan caqiidada ka kororsado. Si degdeg ah ayay arrimuhu isu bedeleen 1992 markaas oo aan la kulmay Soomaali Masiixi ah. Islaan aad loo jeclaa oo u dhalatay Sweden ayaa isku keen bartay Liibaan magaalkada Muqdisho. Waan garanayay Liibaan balse weligey ma ogayn in uu Masiixi ahaa oo imaankiisa wuu qarsan jiray cabsi darted. Liibaan iyo anigu waxaan kiniisad yar oo guri ku kulanta ka aasaasnay Muqdishu 1993. Liibaan iyo aniga ayaa wadajir kiniisadaas yar wadaaddo uga ahayn. Horraantii 1994 waxaan gaarnay 14 xubnood.

Xeero iyo fandhaal waxay kala dhaceen 1994 markii la ogaaday in koox yar oo sii koraysa Masiixiyiinna ahi ay kiniinsad ka samaysteen meel xaafadooda ah. Waa markaas markii silciska runta ahi bilowday.

Liibaan ayaa ahaa shahiidkii ugu horreeyay; waxaa la toogtay subax hore isaga oo sii shaqo tegayo. Liibaan wuxuu ahaa kalkaaliye caafimaad. Dr. Goobe oo aad looga yiqiin Muqdishu ayaa isna ku xigay; Goobe waxaa la toogtay habeen isaga oo ka soo baxay rug caafimaad oo uu ka shaqaynayay. Maydkiisa oo rasaas badani ku taal ayaa aroortii la helay.

Waxaa isna la afduubay kadibna la dilay Maxamed Xaaji oo bare ka ahaan jiray Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Xaajigu wuxuu wax ku soo bartay Canada wuxuuna ahaa xilligii la dilayay samafale aad loo jeclaa.

Waxaa isna la dilay Sheekh Doon oo lala toogtay xaaskiisii Muslimadda ahayd kadib markii qolo hubaysani u soo dhacday habeen iyaga oo hurda. Nasiib wanaag caruurtooda ayaa ka badbaaday rasaastii la huwiyay waalidkood xilli ayba hurdayeen.

Saleebaan ayaa ahaa isna Masiixi qaali ah oo shahiiday kadib markii qolooyin asal raac ahi kala degeen baskii uu saarnaa xilli uu ka soo baxay shaqadiisii oo uu ku soo jeeday gurigiisa. Waxaa Saleebaan la toogtay dharaar cad iyada oo ay arkayaan dadkii baska la saarnaa.

Laba qof oo keliya ayaa ka badbaaday gawraca loola bareeray Masiixiyiinta Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan—aniga iyo mid kale oo aanan magacaabi karayn.

Gacan ku dhiigleyaalkii geystay dilalka ayaa maanta xornimo ku socda waddooyinka Muqdisho waana la garanaya kuwa ay yihiin. Eebbe ayaa la xisaabtami doona iyaga.

Eebbe waa uu aqbalay shahiidiintaas iyaga oo ah runtii kuwo guulaystay waayo waxay daacad u ahaayeen sayid Ciise Masiix illaa dhimashada. Eebbe ayaa ku leh Kitaabkiisa “Illaa dhimashada aamin ahaw, anna waxaan ku siiin doonaa taajka nolosha” Muujintii 2:10b.

Eebbe gacan ku dhiiglayaasha ha soo hanuuniyo hana noqdaan kuwo rumaysta Sayid Ciise Masiix illeyn sidaas oo keliya ayay ku liibaani karaane.

[b]Gebagebo[/b]
Kadib markii isku dayo dhawr ah lagu sameeyay naftayda ayaan isaga tegay Soomaaliya oo aan u kcitimay waddan kale 1996. Waxaan halkaas ku biiray jaamacad aniga oo ka qalin jebiyaay 4 sanno kadib aniga oo qaatay shahaadada loo yaqaan Bachelor of Theology (B.Th.). Intii aan jaamacadda dhiganayay waxaan joogto u soo booqan jiray Soomaaliya si aan halkaas dadka ula qaybsado iimaankayga. Maanta waxaa dalkii ka jira kiniisado guriyeedyo badan oo ay hogaaminayaan mu’miniin aqoon iyo xigmad leh. Waxaan dhawaan ka qalin jebiyay Jaamacad kale aniga oo qaatay shahaadada loo yaqaan Master of Divinity (M.Div.). Waxaan ahay wadaad qaliifan oo u guntan ku noolaanshaha nolol qudduus ah iyo wacdinta dadkayga.

Sannado dhawr ah ka hor ayaan wacdiyay curadkii “Shabeel” oo sidaas Masiixi ku noqday. Maanta ina “Shabeel” waa mid ka mid ah hogaamiyeyaasha kiniisadda Soomaaliyeed ugu caansan.

Maanta waxaa jira Masiixiyiin Soomaaliyeed oo badan oo ku kala firirsan dunida oo idil iyo weliba kiniisado guriyeedyo. Masiixiyiintaas badankoodu waxay ku nool yihiin Bariga Afrika balse qaar badan ayaa u soo guuray Woqooyiga America iyo dalka Ingiriiska.

[i]Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan diinta Masiixiga (amaba aad Masiixi tahay), fadlan ila soo xiriir. Waxaan diyaar u ahay in aan kuu caawiyo hadba sidii aan awoodo. igala soo xiriir e-mail-kan bwarsameh@yahoo.com [/i]

User avatar
mahamed99_sex
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6380
Joined: Tue May 24, 2005 7:27 pm
Location: far away from yall
Contact:

Postby mahamed99_sex » Sat Jun 10, 2006 11:13 pm

TOO LONG TO READ AND I DONT UNDERSTAND HALF THE STUFF

User avatar
SAIFULLAH_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2946
Joined: Sat Jun 10, 2006 10:42 pm
Location: 96,345

Postby SAIFULLAH_1 » Mon Jul 24, 2006 7:59 pm

madax ii sii cos u need 2 be bitch slapped Wink

soleadd130
Posts: 4
Joined: Fri May 07, 2010 2:46 am

Re: Rumaysadkayga Sayid Ciise Masiix

Postby soleadd130 » Tue Jun 08, 2010 3:45 am

Waxaa isna la afduubay kadibna la dilay Maxamed Xaaji oo bare ka ahaan jiray Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Xaajigu wuxuu wax ku soo bartay Canada wuxuuna ahaa xilligii la dilayay samafale aad loo jeclaa.


___________
ishiner discount golf


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Africa - General - Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests