Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q1AAD

Isbarasho guud ahaaneed

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
libaaxyare
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1408
Joined: Sat Mar 15, 2014 11:22 pm

Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q1AAD

Postby libaaxyare » Fri Jul 24, 2015 10:43 am

True story
Waxaa Qoray:Mohamed

Image

Waxaan ahaa ardey xoogga saara, sara u qaadidda aqoontiisa iyo siduu u kobcin lahaa garaadkiisa ogaaleed. Galab anoo ka soo rawaxaya dugsiga sare, ee Ganacsiga iyo Xisaabadka ayaan is barannay gabar la yiraa Mudan.

Mudan waa gabar da’yar, amusnaan badan, howlkar ah, shaqeysata, haddana, waxbarata, sidayda oo kale. Inta badan waxaan ku wada xariirijirney qadka taleefanka maalin iyo habeen, oon ku haasaawi jirnay.

Waxaan ka go’ay bulshada inteedii kale, oo waxaan u gooni noqdey Mudan, maadaama ay si walba ii qancisey.
Waxaan xasuustaa inaan bishii ugu horraysay, ee xiriirkeenna, aan ku hadalney lacag gaareysaa 950 Doollar, intaas iyo in ka badanna, Mudan wey igu bixisey, oo wayga jeeb rooneed, igana dhaqaale fiicneed, ha yeeshee, iima muujin hantida ay haysato, balse, waxaan ka heley, waxaanan waligey ka helin dumarka intiisa kale!

Sheeko wadaag anaga oo ah, lix bil ka dib isbarashadeennii, ayaa waxaa geeriyooday aabbeheed, oo u ahaa jaalle iyo wadaay, mar iyo wax walbana ay kala tashato, sidii ay u maarayn leheed. Maalintaa waxaan la qeybsadey murugada iyo mashaqada ku dhacday, gacan iyo garabgalna aan u noqday. Geeri lama celinkaro, haddana, haddaan cududdeeda lahaan lahaa, waan ka cabbin lahaa.
Shukaansi, sheeko iyo shaahiyeyn ka dib, Mudan, ayaa waxay ii soo bandhigtay guur, igana codsatey inaan lammaane la noqday, si aan u wada qaybsanno nolosha, maadaama uu aabbeheed ifka ka tagey!

Inuusan guur sahlanayn waan ogaa, aqoon fiicanna u lahaa. Sidaa awgeed, waxaan kala soo tashtay walaalkeey iga weyn, aabbe oo kalana ii ah, ahna curadka hooyadey Idil, korriimadaydii iyo waxbarashadaydiinna gacan mug leh iyo ka gastay gargaar wacan. Walaalkeey Mahad, wuu oggolaaday, nalka cagaarna ii shiday, in aan hore u galno guurka.

Waan ajiibey codsigii Mudan, oo waxaan wada saxiixannay, qalinkana ku duugnay, inaan ka gungaarno xiriirkeenna, guur xalaal ahna yeelanno, aqalna aan yagleelno.
Hal bil ka dib, waxaa i casuumey hooyadeed Xasiino, oo ogeed, warna u haysay xiriirka naga dhaxeeya gabadheeda Mudan. Waxey ii sheegtey hooyo Xasiino in gabadhan gabadhii ka weyneed lala baxsdey, oo lala tagay, lana meher xaday, igulana dardaaran tahay inaanan sidaa oo kale yeelin, ee aan waddada wanaagsan iyo dhabbaha suubban soo maro! Waan ka aqbaley, anoo muujiyey sida aan uga xumahay in gabadheedii lala dhuuntay, una ballanqaaday inaanan la mid noqon doonin wiilkii hore, ee gabadha masaafaystay!

Erayada hooyo Xasiino, mar waxay iila mid ahaayeen madfac la igu ganayo iyo hoobiye la igu ridayo, waran iyo mudac la igu mudayna iiga darnaayeen, toorreey, faas iyo iyo godin la ila dhacayana iiga xanuun badnaayeen, halka ay dhanka kale, ii ahaayeen in aan helay fursad kale, oo aan ku kasban karo kalsoonida hooyo Xasiino iyo gabadheeda Mudan, haddii aanan sidii hore u dhacday aanan u dhaqmin, iina eheed awood iyo xoog aan ugu sii dhiirrado inaan ka miradhaliyo guurka Mudan, maadaama uu walaalkey Mahadna ila aqbalay.

Aniga iyo Mudan, waxaan isweydiinney; goorta ey ku habboon tahey guurka iyo sida aan isula qaabeynkarno. Waxaan go’aansanney in aan ka dhiganno marka ay iskuulka dhammeyso, inta ka sokeysana aan sii tabaabusheysanno.

Iskuulkii ayaa ku dhaawadey gabagabo. Waa bishii shanaad ee sanadkii farxadda. Sanadkii aan ku lahaa sanaddada. Sidoo kale, waxaa dalka dib ugu soo laabtey walaalkeey Mahad, oo dibadda ku maqnaa. Waxaan u bandhigey taladii ay ii soo jeedisay Mudan hooyadeed iyo go’aanka aan wadaqaadannay aniga iyo Mudan, wuuna iga aqbaley. Wuxuu i weydiiyey; qorshaha aan wadanno, waxa noo diyaarsan iyo habka aan rabno in loo galo ama loo maareeyo guurkeenna. Waxaan si wadajir ah ugu sheegney in uu aqalkii, jiif iyo macuunba diyaar noo yihiin, oo aan isaga kaliya ka rabno inuu qaabeeyo odayaashii hortagi lahaa Mudan waalidkeed iyo sida uu gabadha iigu dooni lahaa.

Mahad halhaleel ayuu u guddoomey, qarasho wuxuu hayo ayuu na tusey, ka dibna, Mudan ajar badan Alle ha siiyee, ayaa waxay ku dartey waxoogaa lacag ah, mahad badan ha ka gaarto iyo abaal aanan illaabine.

Xaajo duni iyo xaal adduunba, sida aad rabto kuuguma socdaane, anagoo ku mashquulsan qabanqaabadii guurka iyo aqalgalka, ayaa waxaa dhacdey in maalmihii ugu dambeeyey, ee arooska, iney carqalad ka timaaddo gabdho la dhashey Mudan, balse, aaqirkii aan ka guuleysanney caqbaddoodii, arooskii iyo aqalgalkiina uu dhacey maalin Khaamiisa.

Toddobadii markaan ka baxnay ka dib, galabtii Shaash saarka, ayaa waxaa dagaaldhexmaray gabdho ka kala socday labada qoys, dagaal laba dhinacle ah, oo uu seeddigeey xabbad ka kor ridey dumaashidey, oo uu qabay curadka hooyadey Mahad.

“Waryaa, qoriga dhig, xabbadna ha ku ridin, waa dumaashideeye!” ayaan ku iri seeddigeey.
“Seeddi cafwan, aqoon uma lahayn, balse, waan kala cirdeeynayey” ayuu iigu warcelshay.
Dhacdadaa ka dib, waxaa shaqadooda qabsanayey xuma u jooggii ku midoobey duminta aqalkan qimaha badan, ee lagu taagey isfaham, kalgacal, dareen iyo dooq.

60 cisho ka dib, waxaan ka soo guurney aqalkii aan ku aqalgalnay, oo waxaan dagney guri ay leheed Mudan hooyadeed Xasiino, waana halka uu ku aasmey gurigeennii quruxda badnaa!
Waxaa batey caraqaladihii, oo waxaan waayay waqti aan xaaskeyga kula qaato waayaha nolosha.

“Nafta samaha loo diidey
Sinnaba waa u dagi wedey!”.
Anigu dhib uma arkin, balse, culays ayaa yimid aad u weyn, oo ka yimid, xagga dhaqaalaha, oo loo arkay in aan ku noolahay dhaqaaladeeda, oo la yiri; wuxuu biishaa, baartaa, oo ka faa’iidaystaa gabadha hantideeda.

Qeybta labaad coming soon.......................

User avatar
Libix
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 976
Joined: Tue Oct 28, 2014 9:31 am

Re: Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q1AAD

Postby Libix » Fri Jul 24, 2015 4:18 pm

lol alla beerjilicsanaa

User avatar
Bella18
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Sun Jul 13, 2014 3:18 am
Location: I imagine, therefore I belong and am free.

Re: Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q1AAD

Postby Bella18 » Fri Jul 24, 2015 5:04 pm

Qaybti labaad la soo dhaqso :clap:

User avatar
HorseedS
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2495
Joined: Sun Jun 30, 2013 3:47 pm
Location: Dal Udug

Re: Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q1AAD

Postby HorseedS » Fri Jul 24, 2015 5:27 pm

:lupe:

libaaxyare
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1408
Joined: Sat Mar 15, 2014 11:22 pm

Re: Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q2AAD

Postby libaaxyare » Fri Jul 24, 2015 7:01 pm

Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q2AAD

Maalin jimce ah, ayaa aniga iyo Mudan daraaseynney, oo baarnay dhibku halka uu ka jiro, waanna wada fahamney, oo waa meel annaan awoodin inaan xal ka gaarno labadeennaba. Waxaa soo dhexgaley sal u dhigidda iyo xal u helidda aqalkeenna walaalkey Mahad, oo waxa uu ka dhawaajiyey FURRIIN!

Alla maxaan isbadalay markaan maqley ereyga FURRIIN! Wajigeyga ayaa doorsoomay, oo naclad iyo nacayb daboolay.

Waxaan isweydiiyey; waxa ka keeney in Mahad uu ku taliyo in aan aqalkeyga dumiyo!
Mahad wuxuu ahaa, waaya arag, garaad iyo aqoon yahan ah. Wuxuu si fudud iyo muran la’aan noo tusay, noona taabsiiyey qodobkii iyo qaabkii aan isla aragnay aniga iyo Mudan, oo aadba mooddo inuu na dhagaysanayey markii aan sheekaynaynay!
Wuxuu adeegsaday isla eraydii aan adeegsannay. Midda ka sii daran, ayaa eheed, inuu si deggan noo dareensiiyey, in aannaan awoodin inaan xal u helno, kana guulkeeni karin, oo ahaa gunaanadka wada hadalkeennii hore.

Anoo og in ay tahay tallaabo aan la hurayn, ayaan iska maahiyey, kana maagay, oo isku dayey inaan gadaal u dhigo, celiyo ama aan ka hortago, haddana, haddii waqtigu ku ciilayo ama kaa hiillinayo, fariid walba oo aad tahay, waxaad noqon nacas iyo doqon aan tabar lahayn, oo aan taako buuxin karin! Furriin ayaa loo yimid, arrintuna waxay dhaafi waysay in aan furo Mudan, kuna furo hal DALAAQO! Haddii furriinkii ku dhacay rabitaankeenna oo lalaalay awgii, xiriirkeennii ayaan u sii wadannay, si aan isugu soo laabanno marka jawigu dego, buuq la’aan!
Naf wax jecel iyo lammaane is raba, labadaba lama loodiyee, Mudan waxaan soo ceshtay 14 cisho ka dib.


Haba soo ceshan lahaydaa! Malintaan ku laabtey ayaa waxaa dhacey, wax aanan fileyn qorshahana ku darsan.

Waxaan goor subax ah ka soo tagey gurigeyga, waxaanna ku sii jeedey goobta shaqdayda. Waxaan arkey gaari miraayado madow ku xiran yihiin, oo aan loo jeedin waxa dhexdiisa ku jira dad iyo duunyaba.

Gaariga waxaa ka soo dagey Mudan abtigeed iyo walaalkeed. Seeddigey oo xiran tuute qorina sita, ayaa wuxuu igu amrey inaan raaco gariga.


Anigu waa iska diiday inaan gaariga raaco, maxaa yeelay, ma ogeyn meel uu ii wadi doono iyo waxa uu igu samayndoono. Markaan ka diidey, ayuu waxa uu wacad ku marey inuu i dili doono. Gaariga waxaa lahaa guddoomiye ku xigeen degmo. Waxaan ku iri:
“Mar baan dhiman, ee dhaqso, walaashaa asaay u saar!” Waa uu sii xanaaqey, ka dibna igu afuufay xabbado, afarta jihana iiga furay rasaas.

Waan wareerey. Waxaan garan waayey jiho leyga jiro. Xabbadihii uu igu furay, waxay dhexmareen qaarkood dharkii aan watay, oo ay duleelsheen. Ayaan wanaag waxba ima yeelin, oo Ilaaheey amarkii wax ima gaarsiin, xagatinba ha ahaatee, waana ka badbaadey Alle ayaanna uga mahadceliyey.


Aniga dhan waxaa i qariyey, boor iyo habaas oo qofka i hortaagan iyo anigu aan is arki waynnay, maxaa yeelay, waxaa is qabsaday uuro iyo bito.

Waa waqtigii iigu adkaa, ee i soo mara intii aan noolaa. Maalintaa maalin iiga madow ima soo marin abid.

Waxaa goobtii la igu dili gaaray soo gaarey nin odeya, oo bar garanayey xuma falaha dhiiggeyga banneystey, haddana, xilaha iga mudan. Ka dib waxaa la wacay walaalkeey iga weyn, oo caro badan hayso, oo asna ka badbaaday dil qorshaysan. Waan ka soo tagey goobtii geeridaydu ka dhici gaartay, oo waxaan dib ugu laabtey hoygii aan deganaa.


2 maalin ka dib, waxaa kulmey odayaasha 2da qoys, waxaana halkaas ey ku gareen heshiis aan marnaba oggoleyn, inaan si xorriyada kula noolaado marweyda aan jclaa, ee Mudan. Kulan lagu gooyey, sidii la ii cuuryaamin lahaa kas iyo kama’ba ayaa halkaa ka dhacay. Heshiisku wuxuu ahaa, in reerka gabadhu baxshaan magteyda, anna aan furo gabadhooda!
Waa laba qodob oo is qaadan, haddana, la isku qoofalay. Si kan hore loo hirgalsho, waa in kan dambe laga hormarshaa.

Waa waalli cad iyo wehel la’aan.

Waxaa maankaygu qaadan waayey go’aanka la qaatay, waxaanna isweydiiyey;
Gabadhooda mise xaaskayga? Nin maxaa gabar looga furaa? Maya, maxaaba looga furtaa? Ma inuu dhaqan waayo? Ma inuu xilagube yahay? Mise, inuu jecel yahay, kaligeedna u go’ay?

Dalabka ah in aan gabdha furo, waan iska diiday markii hore, maxaa yeelay, waxaa iiga fududeed ama iiba dhaantay, inaan ku dhinto xabbadihii la igu furay! Haddii la arkay inaanan aqbalayn, ayaa la igu yiri, hadal nuxurkiisu ahaa; adi wiil yar ayaad tahay, ee talada odayasha qaado! Sidoo kale, aabbaheey ayaa igu yrii;

“Ha na ceebayn, ee talada tolka raac!” taa kaliya ma ahayne, ee walaalkey Mahad ayaa asna culays igu saaray, iguna soo celcelshay inaan lagu sii socon karin jidkaa, asoo ka eegaya dhibaatooyinka aloosan iyo xumaha abuurmay aqalgalkaygii ka hor iyo ka dibba.


Waxaan si qasaba ah, oo aanan raalli ka ahayn iyana ahaysan ku ahayn, aan mar kale ku DALAAQAY Mudan, oo inaysan mudnayn ka sokow, xitaa aan ogeyn, balse, dantu ey keentey, waayoo, waan daaley, oo dhibtoodey, dabcan, iyana ila mid ayey aheed, haddii aysan iiga darrayn.
Markii la iga furtay Mudan ka dib, waxaan u soo dhoofay waddanka dibaddiisa. Teer iyo maalintii nala kala furay illaa hadda ma aannan kala harin, xiriirkeennuna ma joogsan.

Xiriirkeenna aan hakadka lahayn ayaa waxaa ogaaday walaalkey, oo igu yiri;
“Wixii shalay ku soo maray, wax ka baro, cahsarna ka qaado!” haddana, ma awoodo inaan hilmaamo, mana awoodo inaan ku laabto! Waalidkeey iyo walaalkey raalli kama ahan inaan ku laabto, dadkii aan la xididey, ee i xumeyeyna raalli kama ahan. Waa; laba daran mid dooro!
Waan qaadan waayey, anoo Mudan jeceyl, iyana ay i jeceshahay inaan wada noolaa waynnay.

Wax badan baan maqlay wiil gabar laga furtay ama gabar wiil laga furaye, maantase aneey igu godlan tahay!
Haddaad gabar guursaday gacalkeey ah, in qabyaalad qayaxan la iiga furto, iyana waan qaadan waayey.

Qalad kuma lahan waalidkeey iyo walaalkeey, oo waxay fiirinayeen nafteyda iyo ammaankayga, balse, isu geyn, gunnimo ka weyn miyaa jirta: gacalladaa guurkeedu inuu gef noqdo!

Dhammaad.............................

User avatar
Bella18
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Sun Jul 13, 2014 3:18 am
Location: I imagine, therefore I belong and am free.

Re: Gacaladeey haddaan guursaday ma gef baan galay?! Q1AAD

Postby Bella18 » Sat Jul 25, 2015 8:17 am

Oo maa sidaasa lagu kala tagay? :tocry:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “e-pals - General discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest