Juxa ayaa dameer uu laha suuqa keenay sii uu u iibiyo nin doonayay in uu gato dameerka ayaa qabtay seyntii Dameerka, dabadeetoayuu haraati ku jiiday, haddana wuxuu fiiriyay ilkihiisa makaasuu dameerkii qaniinay ninkoo xanuunsanaya ayaa yiri juxow cidna dameerkan kaama gadaneyso, juxa ayaa u jawaabay oo yiri in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa, ee markii horeba waxaan u keenay in leyla arko dhibka uu igu hayo aniga
Juxa ayaa malin nin dariskiisa ka codsaday inuu dameerkiisa amaahiyo si uu u safro, Juxa ayaa wuxuu sameeyo garan waayay, markaasuu ku yiri, dameerkeeyga shaley ayaan gaday, ninkii asagoo iska sii baxaayo, ayaa wuxuu maqlay dameerkii juxa oo ka qaylinaayo guriga gadaashiis, markaasuu soo laabtay oo yiri, soo kaa dameerkaaga qeylinaayo, markaasuu juxa inuu xanaaqay ku yiray, "nacas yahoow ma dameerbaad rumeynaysaa mise aniga"
Maalin maal maha ka mid ah baa Juxa aadey duurka si uu geed isoo jaro, markasuu geedka fuulay oo laantii ujarayay ku fariistay, nin baa soo maray, oo yiri, war laanta aad ku fadhido maxaad u jaraysaa Juxa? ma ineey kula jabtaa rabtaa?
Juxa howshiisuu iska sii watay, markuu cabaar jarayay, ayay laantii la go'day, markaasuu dhulka ku soo dhacay, Juxa intuu ninkii layaabay, ayaa ka daba orday, oo ku yiri, walaal nin owliyaa tahay ee isheeg, goormaan dhimanayaa, maxaa ayuu ninkii yiri? Juxa wuxuu yiri, dhulkaa ku soo dhacaysaa aa itiri, wanaan ku soo dhacay, ee isheeg!
ninkii baa yiri, markuu dameerkaaga yeero ayaad dhimanaysaa!
Juxa, maanta dhan suu usugayay, ayaa markii dameerkiisa yeeray, intuu mara isku duudubay ii geedka hoostiisa jiiftay!
cabaar ka dib aa dad kale soo mareen jidka, markaseey layaabeen ninka wada qarkeeda jiifo, oo weydiiyeen, magaalo heblaayo intee loo maraa, Juxa ayaa yiri markaan noolaa, jidkaas aa loo mari jiray, intuu dhankaa farta ku fiiqay, dadkii ayaa intey ninka layaabeen, iskaga tagay
Juxxa ayaa maalin maal maha ka midha sab aaday, markaasuu ku arkay cayaal badan oo sabta ku cariirinaayo, markaasuu jar u dagay, wuxuu u tilmaamay sab kale oo ka jirto xaafad kale, mar kaaseey cayaalkii orad is dhigeen, markaasuu intuu Juxa layaabay siday cayaalka u ordayaan uu shakiyay oo u maleeyay inay bo dhabtahay --markaasoo orod is daba dhigay.