Maroodigii iyo Hal Carwo
hal la dhihi jiray (CARWO). ayaa waxaa lahaa Maroodi, malin maalmaha ka mid ah ayaa maroodigii geelisa soo xareysaty markii ay qoraxda dhacday .
hal-carwo oo geela ha mid ahayd uguna caano badneyd ayaa xerada ka booday oo isku dayday iney maroodiga ka baxsato hasayeshee maroodigii ayaa isna eryaday, waxu eryadaba hal-carwo waxay ka kordhacday libaxaa ayadoo leh:-
{LIBAXOOW HAL-CARWO MA I DHAQTAA MA I MASHAA MAROODI CAG WEYN OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA?}
libaxaii:-MAYA..MAYA.
wey ka gudubtay hadane waxy argtay dhurwaa ,
Dhuwraayoow HAL-CARWO MA I DHAQATAA MA I MASHAA MRODI CAGWEYN OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA? DHURWAGII ISNA .. MAYA..MAYA.
hashi hadane dawaco ayey aragtay iyadoo amroodigu eryanayo. dawacooy HAL-CARWO MA I DHAQATAA MA I MASHAA MAROODI CAG WEYN OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA dawacadii:- maya maya..
hal-carwo waxey sii carataba oo marba dugaag iyo bahal magan-galyo weydisato oo mid ksatana yirahdo maya, waxy ugu danbeyntii argtay dabagaale . DABAGALOOW HAL-CARWO MA I DHAQATAA MA I MASHAA MAROODI CAG WEYN OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA?? dabagalihii oo dudumadisa dul- taagan baa yiri haa aniga ayaa kaa celinayaa . dabagalihii hashii ayuu xeroo u sameyey oo xeradi irideda ka istagay si uu maroodiga uga celiyo maroodigii oo ordayo ayaa dulyimid isagoo yasaya dabagalah ayuu damcay inu hashii xerada ugu galo mise gabagalihii ayaa sanka ka galay oo calosha u fadhistay .marodigii oo xanunsaday ayaa yiri:- dabagaloow iga soo bax dabagalihi:- xageen ka soo baxaa. maroodigii afka. dabagalhiihi:-maya afkaga candhufta lahaa!!!!!. wuxu amrodigii marbo meel sheego iga so bax dabagalihina wuxu ugu jawaabaya may ila uu mindhicirada gooyey, maroodigii wuxuu dhahaa "xeerta gooy, xididka dhaaf, xeerta gooy, xididka dhaaf" dabagaalihii wuxuu dhahaa "xididka gooy, xeerta dhaaf" marodigii halkaa ku dhintay. markuu dilay ayuu dabagalihii ka soo baxay asagoo leh.
Nin yar oo nin weyn dilay ma aragteen
Hassanoo hussien dilay ma aragteen,
Dabagaale aar dilay ma aragteen