Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Cilmi Boodhari

Luqada Soomaaliga

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
IRONm@N
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5120
Joined: Tue May 01, 2001 7:00 pm
Location: Jannatul-Fardowsa
Contact:

Cilmi Boodhari

Postby IRONm@N » Fri Mar 13, 2009 1:35 am

Layla iyo Qays waxeey aheeyd sheego Carbeed/Beershiya, lakiin Cilmi Boodhari Iyo Hodan waa Qiso dhab ah, oo Somalia ka dhacday!
Cilmi-Boodhari:

1930s waxaa magaalada Berbera caan ka noqday nin dhalanyaro ah oo miyiga ka yimid Waa Cilmi Ismaaciil Liibaan oo lagu naanayso "Boodhari" (ciidagale).
Ninkaas oo ka shaqeeynayay foornada rootiga lagu dubo ee ku taalay Hoteel nin carab uu lahaa, ayaa waxaa goor aroor ah u timid gabar aad u qurxoon oo dhalin yar oo rooti inay gadato rabtay--magaceeda waxaa la oran jiray Hodan Cabdulle Walanwal. Gabadha waxaa dhalay nin taajir ah, oo reer magaal ah, oo ingriiska u shaqeeynjiray, tarjumaan ahaa.
1) Subax wanaagsan.
Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyneyey waxaa soo gashay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abwaan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan:
Markay socodka damacdee
Deggenida tallaabada
Miisaanka lagu daray
Laafyaha la daawado
Dadku waxay yiraahdaan:
“May daarin ciiddee
Indho deeraleeyey!“
Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi moodeysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaagsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay.
2) War dhafoor buu ku yaal.
Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari. „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku yidhi saaxiibbadiis. Markuu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horreeyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay:
Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye
Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay
Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye
Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e
Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!
3) Boodhari oo daaweyn loogu dhaqaaqay.
Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noqday nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolxumo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jirey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!
4) Soomaalidaa caado xume iguma caydeene!
Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waayey caashaqa wuxuu yahay:
Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye
Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye
Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe
Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene
Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene
Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne...
5) Gaadama-galooleey.
Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.
Alla hoobey hobaaligayeey sidirigam hoobalow heeleey
Gaadama galooleeyeey sidirigam hoobalow heeleey
Gidiggeedba Soomaaliya sidirigam hoobalow heeleey
Geyigaan ku nool ahayeey sidirigam hoobalow heeleey
Gabdhaha waad u sidataayeey sidirigam hoobalow heeleey…
Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni ula sheekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag ah, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaabtay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis tooona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkeedu uu talo ahaan qoyskooda ka go‘o.
6) Cadceed soo baxday calaacali ma qariso.
Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:
…Naasahan sidii hooto waran horay u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadasan mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
Ilko aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin
Sankaagaa hanaakiyo qorshaha hadiyad loo siiyey
Dhabannada hareeraha wacan wejiga halac nuuraaya
Suniyaha habkooda wacan hadal dhamayn waaye
Luquntaa habkii geri lahaa hadal wax dhaafsiiyey
Timaha hoos garbaha uga degoo sinaha haabhaabtay
Heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey
Dhexdan aan hareeraha u fidin horayna soo taagmin
Hannaan quruxsan waa taa indhuhu ka haqab beeleene!
7) Qalbiguu wax iga yeelaya naaska qaawaniye
Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ah. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen arrinkii hanaqaad ma noqon, maxaa yeelay odaydii gabadha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada xigaalkii ku jirin bay ku xidheen. Dhowr bilood kaddib bay hablo reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi wwaxay u soo jeediyeen inuu tan ugu qurux badan ka doorto oo iska illaawo Hodan. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan:
…Hablahayow, halkii qoomanayd baad i qabateene
Qalbigaan bugsiinaayey baad qac iga siisaane
Bal qiyaasa waa taan qandhaday qamarey awgiine
Qarqarada jidhkaygiyo gacmuhu wayqadh-qarayane
Qalbiguu wax iga yeelayaa naaska qaawaniye
Qosolka yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane
Inaan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiina!
8) Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey!
Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan, ayna u toosiyasan gabadh kale oo fiican oo deggen Oodweyne. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:
…Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey
Amadariyo Oodweyne way Omos badnaayeene
Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene
Abaaraa ku doogoobi la ereyo daydiiye!..
9) Hoheey maxay seexshey?
Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay u sheegtay Cilmi inuu yimaaddo gurigeeda oo ay Hodan ku martiqaadday. Cilmi aad buu u farxay, laakiin intii uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan waa uu lulmooday. Ninkii seexdaa sicii dibi dhal! Cilmi markii uu gartay wixii dhacay dhulka ayaa la wareegay. Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay. Ciil buu cunihiisu buuxsamay. Indho buurbuuran mooye far-dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay nin nasiib xun oo gabadhuu calmaday hanan waayay.
10) Burco iyo Boodhari.
Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana geeyo magaalada Burco si uu waabayda jacalka uga soo dawoobo. Cilmi inkastoo ka cudurdaartay safarka, haddana waa uu yeelay. Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro mqashiisnayd inuu dibindaabyo caasahaq oo dareenkiisa ku baahday in muddo ah dhinaca dhulka ugu hayey. Muddo kaddib Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo kaftamo. Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto ayuu tash qabsan jirey.
11) Hilaac baa Berbera iiga baxay.
Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi haddii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay. Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi: “Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u jeclahay!“ Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka mid ahayd tixda soo socota:
Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediye!
12) Inta samada joogta waad ugu saraysaaye!
Intii uu Cilmi Burco ku sugnaa ayaa maalin dhallinyaro qado sharaf u sameeyeen, waxayna weyddiiyeen nuu sifeeyo muuqaalka Hodan iyo heerka ay hadda ka joogto qalbigiisa. Cilmi intuu go‘iisii shaalka ahaa madaxa hoos uga dhigay oo hagaag u fadhiistay buu gabay mariyey isagoo leh:
…Ilko saqaf la moodiyo wejiga lagu saruureeyey
Timaha, madoobee, subkane saaran garabkeeda
Indhaha, sanka iyo afka sida sabiibkeeda
Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye!…
13) Dhudhumaduu i jaray caashaq!
Maalintii dambe ayuu Cilmi ka carraabay Burco, isagoo u soo hayaamay. Markiiba uu yimid ayaa wuxuu ku degdegay inuu arko Hodan. Hadalkiisii wuxuu ku bilaabay salaan iyo wareysi guud, kuna xejiyey bal inay la socoto dhibaatada uu darteed u qabo iyo weliba sida ay aragto haddii ay si wadajir ah u furtaan haasaawe ay ku gaadhaan wada-noolaansho dhab ah oo labadooda dhex mara. Laakiin warkii Cilmi Hodan way la yaabtay. Intay indhaheedii waaweynaa Cilmi kor ugu fiirisey bay tidhi: “Weligay kan oo kale ma arag. Waar maxaad sheegayso waxba ka garan maynee ninyohow maxaad u jeeddaa?“
14) Kolkaad Hodan tidhaahdaanba…
Waqtigaas Soomaalidu waxay caashaqaa u arkayeen wax laga fiican tyahay oo mudan in laga dhowrsado. Hase yeeshee markii Cilmi la weyddiin jirey Hodan iyo halkii ay kala mareyeen waxna ma uu qasan jirin. Gabay uu tiriyey kaddib markii uu la sheekeystay gabadhii uu jeclaa wuxuu ku yidhi:
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaye
Hadday hawl yaraan idinla tahay aniga way hooge
Iyadoon xabaal laygu hamsiin waanan ka hadhayne
Hamada been ah mar baan is idhi: “Haabo gacanteeda!“…
Dhinaca Hodan iyadu way ka dheregsanayd Cilmi inuu dhowr goor isagoo saaxiibbadii wata sheeko iyo haasaawe ugu yimid. Xigtada Hodanna ninka gabadhooda marba gabay meel uga tirineya way ka cadhaysnaayeen oo dhaar xagaf ka siiyeen inay dilaan.
15) Saylac iyo Boodhari
Xaaladdu markay meel xun gaadhay baa odayaal soo jeediyey, reerkiisuna isku raacay in Cilmi loo tukubiyo xagga iyo Saylac. Markii gaadhigii la saary uu dhaqaaqay Cilmi wuxuu ku heesey:
Abuteeristi waa gooni maree, cishqi keenaya
Badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya!
Intii uu Cilmi Saylac joogay dadyow ay qaraabo ahaayeen wxay kula taliyeen inuu ka hadho jacaylkii u socon waayay, waxayna u ballan qaadeen in ay u guuriyaan gabadh allaale gabadhii kale ee uu ka doorto hablaha sokeeye iyo shisheeyaba, meeshay doonto ha joogte. Laakiin Cilmi wuxuu sheegey inuusan Hodan ka maarmi karin, gabadh kalena uusan doonayn.
16) Cilmi oo dabayl la hadlaya
Maalin ayuu ku lugeeyey xeebta ilaa uu ka helay taag yar oo dhulka xoogaa kor uga go‘an. Intii uu soo tafay buu wuxuu arkay dabaylo hayaan ah oo u socda dhinaca Berbera. Markay mid mooyee intii kale dhaaftay buu tii ugu dambeysey guddoonsaday inuu farriin gabay ah Hodan ugu soo dhiibo:
Dabaylyahay adaa duulayoon orodka daynayne
Adigaa dul mari meel haday dogobo yaalliine
Adigaan darqii xun iyo daah ku celinayne
Adigaan darboobayn naf waa lala dalumaaye…
17) Maankaba ka jaray naago kale
Maalin kale Cilmi waxaa lagu martiqaaday aroos si heer sare ah loo soo agaasimay. Goobtii aroosku uu ka dhacayay waxaa laga mariyey laba gabay oo mid uu tiriyey Cabdi Gahaydh, middii kalana Cige Baraar. Dabadeedna ninkii la odhan jirey Ducaale wuxuu Cilmi ka codsaday inuu soo daayo gabay uu Hodantii uu jeclaaday ku ammaanayo. Cilmi wuxuu yidhi:
Maryama Xaashii iyo tuu Gahaydh madal ka sheegaayo
Iyo mudantiduu Cige Baraar meel fog kaaga booday
Muran ma leh Ducaalow inay muunad dheer tahaye
Maankaba ka jaray naago kale muhindis-koodiiye
Hadduu Qaaddi ii meheriyoo midigta ii saaro
Ku maqsuuday oo dunidu way maalintaa qudhahe!…
18) Kolba aniga oo sahashaday
Maalintii danbe ayay Cilmi soo booqdeen dhowr dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal ka kooban. Markii cabbaar la sheekeysaneyey bay gabadh intii hore aammusnayd waxay Cilmi weyddiisey bal inuu jacaylkii xanuunka badnaa ka raystay iyo in kale. Isagoo su‘aashaas ka jawaabaya wuxuu yidhi:
Kolba aniga oo sahashaday oo sooriyaha aaday
Ayuun baa Siraad midab-wanaag lay sawirayaaye
Sadrigay ka daabacan tahee uma sarkhameene
Sidii saacadii bay qalbiga iigu socotaaye
Habaynkii markaan seexdo way ila safaadaaye
Salaaddaa hore iga tagtaa Siigo noqotaaye!
19) Cilmi iyo warkii xumaa
Markii uu Cilmi in door ah ku dhex sugnaa Saylac waxaa u yimid nin ka soo socdaalay Berbera oo guddoonsiiyey warqad uu ka siday saaxiibbadii Tabbaase iyo Muuse “Carab”. Waxay la socodsiiyeen Cilmi in gabadhii uu jeclaa uu nin soo dooney, waalidkeedna ay siiyeen, waxayna u soo jeediyeen inuu Hodan laabtiisa ka xorreeyo, uuna gabadh kale helo.
20) Murugadii Boodhari
Markiiba uu soo gabaggabeeyey fahamka nuxurka warkaas xun intuu fardhexada qaniinay buu cirka iyo dhulka meesha ay iska galaaan ku dhaygagay. Naxdin daraaddeed bay madaxa Saani ka kacday. Dhulkii baa la dheeliyey. Wadnahaa gariiray. Cilmi habaynkaas hurdo ma ledin. Wuxuuna ahaa habeenkaasi kii ugu dhibaatada badnaa intii uu Ilaahay uumay. Subixii danbe ayuu gaadhi Berbera u jeeda gundhada jaray. Saaxiibbadii ayaa Cilmi oo aan saddex beri hurdo arag la kulmay, waxayna korkiisa ka dheehdeen dhibaatada uu warkii ay u direen u geystay.
21) Mid kalaa la tegey geenyadii maanku ku xidhnaaye!
Kolkay in door ah Berbera iyo fagaarihii waaya-waayo dhex meeraysanayeen ayuu nin u sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney laysu meheriyey, isaguna uu falkaas goobjoog ka ahaa. Warkaas Cilmi naxdin buu beerkii la qadhqadhay. Meel uu joogo buu garan waayay. Wareer wareer kale ayuu u dhiibay. Wuxuu sameeyo ayuu garan kari waayay. Muddo kaddib buu Cilmi wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:
…Haddaan madal ka sheegayo oo midho ka mansoodo
Martuba waa ka dhici lahayd hablaha muxibo awgeede
Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda
Miyi waxaan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka
Meereysigeedii waxaan ula madoobaaday
Nin kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye
Dadkii baa masoobo ninkii magac lahaa eedye
Muruq kuma kaxaysane rag buu magansanaayaaye…
22) Wehelkii murugada iyo tiiraanyada
Dabadeedna Cilmi wuxuu noqday qof murugo iyo tiiraanyo weheshada, welwel iyo walbahaarna adeegsada. Fekerka iyo maahsanaantuna waxay ahaayeen kuwo uu ku caweeyo. Wareerka iyo xanuunka waxaa u dheeraa hurdola’aan iyo cuntola’aan. Wxuu noqday qof xanuunsan. Si kasta oo loo dooney in la daweeyo ama lagu qanciyo inuu ka haro Hodan iyo jacaylkeeda waa lagu guuldarraystay.
23) Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayay?
Cilmi qaraabadiisii waxay arkeen inuu ka sii darayay. Si ay u badbaadiyaan ayaa waxay ku tashadeen in Cilmi loo guuriyo. Cilmi wuu aqbalay guddoonkii laysku wada raacay. Laakiin intii aan golihii laga kicin ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:
Intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo
Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene
Gaalladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene
Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?
24) Dabbaaldeggii arooska Hodan oo dhegaha Cilmi hafiyey
Maalin ka mid ah kuwii Cilmi ugu dhibaatada badnaa waxaa loo sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney ay is aroosayaan. Wakaas Cilmi dhayal iyo dheel-dheel buu u qaatay. Waxaa ku sii batay welwelkii iyo walaahowgii uu awalba la murugsanaa, waxaana weerar ku soo qaaday tiiraanyo xanuunkeedu si daran qalbigiisa u lulay. Wuxuu wareerkii ku sii batay markii ay hugunkii iyo mashxaraddii arooska loogu dabbaaldegey iyo heesihii cayaaraha hiddaha iyo dhaqanku ay dhegihiisa si toos ah ugu soo dheceen.
25) Guurkii Cilmi iyo Faakhir
Muddo yar kaddib Cilmi Boodhari guurtidii waxay u dooneen gabadh carab ahayd oo la ohan jirey Faakhir. Arooskii Cilmi waa la qalqalay, guri baa la dadbay oo la qurxiyey, xoolaa loo gawracay, dhallinyaraa u cayaartay. Carab oo cadceedda u ekayd oo qiimaheeda iyo qaayaheeda la yaabay baa aqal loogu dalaq siiyey. Hase yeeshee Cilmi kama uu reysan cudurkii hayay. Hodan mooyee hadal kale waa laga waayay. Damaciisu gabadhii oorida u noqotay waa uu dhaafay. Taasina waxay keentay in Faakhir laga furay. Wixii intaa ka dambeeyey Cilmi jirradii ayaa kuu sii batay. Hurdadii ayuu gebi’ahaanba ka haajirey, cuntadiina way ka degi weydey, hadalkiiba wuu yaraaday. Maalinba maalinta ka dambeysa wuu ka sii dareyey ilaa uu socodkii gabay.
26) Waddankeeda Soomaali waan sii waddacayaaye
Maain ka mid ah maalmihii uu Cilmi sariirta saarnaa ayaa wuxuu ka maqlay saaxiibbadii in Hodan iyo ninkeedii ay u guureen magaalo kale. Isagoo ay tiiraanyo xoog lihi ka muuqaato ayuu soo kuududsaday oo tiriyey gabay uu ku yihi:
…Walaalooyinoow, waxaan ka biqi inaan ku waashaaye
Hadda inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye
Wiirsiga ragga iyo waxaan ka tegi wadhida naagaaye
Waddankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye
Wuxuu Eebbahay ii wiciyo waa’ san bal aan dhowro!
27) Boodhari oo aakhiro u guuray
Nin wedkii galay looma taag helo, baa la yidhi. Cilmi ehelladiisii wax kasta oo daawo u noqon kara way isku deyeen. Meel kasta way u cid direen. Fal kasta oo daawo laga raadiyo way tijaabiyeen. Nasiibdarrase, Cilmi xaaladdiisii waxay gaadhay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa in la geddiyo mooyee wuu is rogi kari waayay. Miyirkiisaa ka tegey. Naftii baa qaarka dambe ka soo xawaaraysay. Goor waagu uusan si fiican u beryin buu ka guurey adduunyadii uu toddoba iyo soddon sano ku noolaa e iyadoo u macaan uu jacaylku khadhaadiyey.

Ugu dambayn markii uu Cilmi-Boodhari jacaylkaas u geeriyooday isaga oo ka tegey gabay iyo sheeko dheer oo xanuun badan wuxuu noqday shakhsi aan qof maqlay ismoogaysiin karin.
Xeebta Berbera gaar ahaan meesha la yidhaahdo Batalaale waxa ku aasan aabaha Jacaylka Somalida waa Cilmi Liibaan (Cilmi Boodhari) oo ah inta la xuso ninki ugu horeeyay ee uu asiibo cudurka Jacaylku, taasi oo aakhirkiina dhaxalsiisay in uu iilka la jiifsado cishqigii iyo Jacaylkii xad dhaafka ah ee uu u qabay Hodan.

>Credits go to Ibrahim Mohamed deeq and Dr.Georgi Kapchits,

User avatar
IRONm@N
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5120
Joined: Tue May 01, 2001 7:00 pm
Location: Jannatul-Fardowsa
Contact:

Re: Cilmi Boodhari

Postby IRONm@N » Fri Mar 13, 2009 3:00 am

Hees, Boodhari sidiisii



Elmi Boodhari by Ahmed Naaji (ahmed Naji turns Boodhari poems into song)



OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Literature - Somali Language”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests