Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Furriinka Shalay iyo Maanta

Luqada Soomaaliga

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LooxJiid
Posts: 220
Joined: Tue Feb 22, 2011 9:16 am
Location: Caasimadda

Furriinka Shalay iyo Maanta

Postby LooxJiid » Sat Mar 12, 2011 8:42 pm

Furriinka oo ahaan jirey dhacdo qarracan iyo qoomamo :broken: badan leh ayaa maalmahan noqday wax u sahlan sidii shaati la siibey, ama sigaar la shiday, ama telefoon la qabtay. Arrintu waxay hadda gaartay in nin iyo xaaskii ay ku murmaan wax u sahlan sida filinkii ay fiirsan lahaayeen dabadeedna ay si degdeg ah u burburiyaan gurigii saacad ka hor hagaagsanaa oo iftiimayey. :down:

Qaar ka mid ah waxyaabaha furriinka ilaa xadkaa fududeeyey ayaa waxay culimada aqoonta duruqsan u leh arrimaha bulshada ee kuna takhasusay qoyska Soomaaaliyeed ku tilmaamayaan in ay tahay ceebtii la xiriirtay furriinka aad u yaraatay. Xaqiiqada ah, ayay yiraahdeen, in dabeecadda qofka Soomaaliga ah oo xumaatay :cry: dagaallada sokeeye iyo dhibaatooyinkii ay wateen awgood iyaduna wax bay arrinta ku soo kordhisay.

Sabab kale oo arrintan lala xiriiriyo waxa weeye ku tiirsanaanta ay haweenku ku tiirsanaayeen nimankooda oo intii hore ka yaraatay. Sidii uu dagaalka u dhacay waxaa soo baxay haween badan oo Soomaaliyeed oo ganacsada ama si kale xoolo kuwooda ah u haysta oo markaa aan u hoggaansanayn sidii kuwii iyaga ka horreeyey. :clap:

Madaxbannaanidaa ayaa keentay in aysan haweenku aqbalin qashin badan oo ay aqbali jireen markii hore ee ay dhaqaale ahaan ugu tiirsanaayeen saygooda.

Guurarka la agaasimo oo ay waaliddiinta labada qof isu xulaan carruurtooda iyaduna qayb bay ka tahay xaddiga korriinka oo xawliga ku soconaya. Gabdho iyo wiilal badan ayaa qoorta la soo qabtaa oo waxaa guri loogu geeyaa qof kale oo aysan weligood is arag. Taasi waxay keentaa in dhawr beri ka dib uu qof waliba geeso u gaar ah la soo baxo oo ay labada qof dab iyo dhagax noqdaan oo meeshii lagu kala tago. :lost:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Literature - Somali Language”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests