Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

ERGO GUUR

Dadka Fanka Jecel

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

ERGO GUUR

Postby KeligiiJabhad » Sun Sep 12, 2010 1:06 pm

Arar.

Miyiga ayaa kamid ah meelaha dhaqanka iyo afka Soomaaligu sida xooggan ay salka ugu hayaan sababta ayaa ah in Soomaalidu kamid yihiin bulshooyinka miyiga iyo xoolo dhaqidda noloshoodu ka soo unkantay, waxaana soo raaca beera-qodashada iyo kalluumeysiga oo iyana ay Soomaalidu nolol ahaan ku lug lahaayeen, hayeeshee nolosha hore ayaa loo badan yahay in dhaqan Soomaaliga iyo afkuba ka soo jeedaan, sidaa daraadeed waxa uu dhaqanka miyigu ku biiriyey qaamuuska afka soomaaliga erayo ciiddaas kabadan, sidoo kalana waxa uu ku kordhiyey aqoonta iyo garashada dadka Soomaalida ah ee magaalooyinka ku dhaqma cilmi salka ku haya reer guuraanimada balse hadda la hormariyey lagana yaabo in soomaali badani aanay sidaa u fahmin, marka la eego aqoonta xisaabaadka, dhaqaalaha, qalabka wax lagu cabiro ama miisaanka, qorsheynta, maamulka iyo kuwo kalaba waxa ay ka soo jeedaan dhinaca miyiga, Tusaale kahor inta aan reerka miyiga yaal lararin waxaa odayga ama wiilka hadba qofkii cidda hayaa galaa safar ay tahay ubucdiisu sahan si ciddu uga rogato xerada ay ku nooshahay,marka ay ciddu geeddi gasho ama ka soo guurto gurigii ama geyigii ay tiil, kuna fool leedahay meel ka dhul iyo dhir wannaagsan waxaa jira qaab marka meesha geeddiga loo yahay ay fog tahay loo maareeyo, meel dhexe oo dhulkii loo hayaamayey aan ahayn ayaa awrta caynka looga gooyaa si dadka iyo duunyaduba uga nastaan daalka iyo haraadka ka dhashay geeddigii la soo galay xalay gelinkii danbe, meeshaas waxaa layiraahdaa medbo, sahmin iyo medbeyn sababta loo sameeyo waa in ciddu carro-san cir heshay ku caano-maasho,waana halka ay iska soo gelayaan ciwaanka sare iyo arartani.

Hordhac

Ereyga guur waxa uu ka soo jeedaa miyiga, ujeedkuna waa geeddi laga galo meel si loogu guuro meel kale, macnaha dahsoon ee ku jira garo waa meesha laga guurayo nolosha ka jirta waxaa ka wannaagsan kana barwaaqo badan geyiga geeddiga loo yahay, sidaa awgeed guur waa ka wareegidda nolosha qof ku nool yahay si uu u higsado nolol ka wannaagsan midda uu deriska la yahay, sidoo kalana sahan waa ka war-helidda deegaanka cusub ee ciddu degi doonto ama nolosha cusub ee qofku ku noolaan doono kahor inta aan lala dersin noloshaas cusub.

Nuxurka

Dhallinyaro badan oo rag iyo dumarba leh ayaa kala garan la’ sida looga faa’iideysan karo macnaha ereyga guur kadibna loogu adeegsan karo habka isguursiga iyo guryo yagleelidda, sidoo kalana waxa ay dhallinyaradani kuguuleysan la’yihiin u sahminta guurka ogow si guri iyo guur raaxo leh loo dhiso. Waxa ay u baahan tahay in loo sahmiyo oo Safar loo galo sida reerka miyiga loogu sahmiyo dhul ka barwaaqo badan xerada uu reerko yaal.

Haddaba sidee ereyga guur loogu adeegsan karaa dhinaca isguursiga?

Jawaabta su’aashaasi waxa ay taabaneysaa arrin gaar ah iyo mid guud intaba, inta aynaan jawaab u raadin aan eegno arinta gaar ah ee ay xiriirka la leedahay, guurku waa mid kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee taranka bani’aadamka, waxa uuna la fac yahay inta insaanku jiro, murtida ku jirta ayaa ah in taranka dadku ka duwanaado kan xayawaanka, islamarkaana la ilaaliyo habka tarmidda bani’aadamka, sida aan ognahay xayawaanku uma baahna in uu si sharci ah isu guursado sababta ayaa ah in xayawaanka aanay jirin wax xil ah oo saran, sidaa awgeed marka adduunku dhammaado xayawaanku janno iyo naar midna gelimayaan oo ciidda ayuu ku darmi doonaa, marka laga reebo dhowr nooc oo kamid ah xayawaanka oo iyaga la sheegay in ay jannada geli doonaan, wankii nabi ibraahim la siiyey si uu wiilkiisa nabi ismaaciil ugu furto ayaa kamid ah xayawaankaas sida saxda ahna allaa og, haddaba adigu tilmaan nolosha aad u baahan tahaya iyo cidda ay tahay in aad la wadaagto, iyadoo cidda alle calafka kuugu daray aanad ogeyn haddana talada ku dar in aad leedahay awoodda wax qorsheynta rabbina fulinta ayuu leehay,

Haddii aad tahay gabar albaabka mustaqbalka hortaagan oo diyaar u ah in ay garaacdo si ay u hesho cid la dhista nolosha wada jirka ah ee guurka waxaa habboon inta aadan iriddaas garaacin inaad yeelato qorshe ku wajahan sida iyo qaabka aad jeceshahay inaad u hanato qof ku labeeya oo macnaheedu yahay dhisidda guri ay mugdiyo badan ku wareegsan yihiin illaa nolosha gunteeda la gaaro, waxaad leedahay awood iyo garasho uu alle kugu abuuray oo u baahan inaad ka faa’iideysato, marka la joogo irdaha guurka qof waliba waxa uu leeyahay 2 fursadood oo aan mid saddexaad lahayn, mid waa khasaaro iyo faro-maran, midina waa qorshe iyo qoys lamahadiyo, waxaa horreeysa fursadda qorshaha haddii ay ku dhaaftana waxaa lama huraan ah khasaaro iyo qoys sida deerada kala yaaca oo qofiba cid la hoydo.

Fursadda hore lamawada helo dad yar ayaa hela oo waxtarkeeda ka guulgaara, waa sahmin iyo qorsheyn, iyadoo jacaylku marka laga hadlayo halkan uu da’yarto madax maro oo talada god uga tuuro haddana taas macnaheedu ma aha in sahmin iyo qorsheyn la’aantood guul la gaaray, aniga qoray Ergo Guur Fursadda hore ma arag, sidaa daraadeed waxyaabah aan raadiyo sidii aan uga faa’iideysan lahaa ayay kamid tahay.

Fursaddani marka uu qofku soo hareer maro midda hore waa lama huraan inuu waajaho oo uu la kulmo, waa fursad aan faa’iido lahayn oo keli ah waa ku qasban yahay qof waliba marka uu tan hore oo faa’iido leh gefo, marka aad nolosha la wadaagto qof aan kugu habbooneyn dumar iyo ragba waa arin ay adagtahay inaad saxdo wixii xagga hore ka soo qaldamay, dad badan oo isku deyeyna in ay saxaan wixii soo qaldamay ma mahadin, waxaa jirta murti halkan lagu xuususto:Dumarka waxaa laga abuuray feerta ugu sareysa feeraha ragga, waana midda ugu qallooca badan, ninkii isku daya inuu toosiyo waa jebiyaa, ninkii sideeda ku haystana iyadoo qalloocii kujiro ayuu haystaa, ragguna waa sidaas oo kale oo ninkaaga kama bedeli kartid qaabkii alle u abuuray, haddaad isku daydana waad qalloocin doontaa, sidaa awgeed aqoonso cidda aad dooneyso inuu ku labeeyo marka ay arintu dhaafto labo oo ay saddex gaarto dabcan ay ilmo yimaadaan bal kawaran idinkoo labo uun ah ayuu habka xaasnimadu xumaa hadda oo uu saxddex yahayna waa uu kasii xun yahay.


Sidee Loo Sahmiyaa?

Marka aan ku eegno indhaha dadka arinta wax kayiri waxaan soo qadan karnaa hadalkii barihii ama macallinkii weynaa ee adduunkan soo maray waa nabi Muxamed NNKH waxa uu ka tegey farriimo aad u qiimo badan oo arintan ku saabsan, waxaan ka soo qaadan karnaa hadalka ah {Haweeneyda waxaa loo guursadaa 4 waxyaabood:

1. Wanaageeda iyo waxtarkeeda..
2. Quruxdeeda iyo Muuqaalkeeda..
3. Maalka iyo xoolaha ay leedahay.
4. Diinteeda iyo habdhaqanka diimeed

Dooro gabadha diinta leh haddii kale waad khasaari doontaa ayuu raaciyey, garo ujeedku ma aha inaadan 3da arimood ee kale wax ku dooran Karin. Arinta aad u wannaagsan ayaa ah in qofku doorto kahor inta wax uusan dooneyn aanay qasab ku noqon, rag iyo dumarba arintani waa ay u taal, sababta ayaa ah in dhismaha aqal wanaagsan iyo agaasinka qaab nololeedka wadajirku uu u baahan yahay in si geesinimo leh loo maareeyo islamarkaana ay jiraan qodobo wax lagu xusho. Dadka qaabka xulashada ah adeegsaday kuna guuleystay waxaa kamid ah Cumar Bin Al-khadaab, wiilkiisa C/llaahi Cumar ayuu u xulay isagoo adeegsanaya habka xulushada wannaagsan, qodobada uu ka duulayey si uu u helo qof wannaagsan waxaa sal u haa garsho iyo garaad fiican iyo ka dhabeynta waxa uu qofku aaminsan yahay.

Cumar Bin al khadaab allaha ka raalli noqdee waxa uu ahaa xilliga uu helay baadida astaamaha guur ee wiilkiisu u baahan yahay madaxweynaha dowladdii islaamka ahayd ee nabi Muxamad NNKH ka dhisay magaalada Madiina, waxa uuna dabasocday oo si shaqsi ah ugu kuur gelayey sida uu u dhaqan galay amar ku soo baxay wareegto lagu mamnuucayey in caanaha lagu daro biyo kadib marka la soo liso si ay u noqdaan caano badan, waxa ay ahayd qayaano maamulku ogaaday kadibna uu amar ka soo saaray si loo joojiyo, isaga oo raadinaya waxa wareegtadaas ka hirgalay ayuu maqlay gabar iyo hooyadeed isku haya caanaha halla barxo iyo maya yaan la barxin!!!! Hooyada ayaa ku leh gabadha: Hooyo caanaha biyo noogu dar si aan u suuqgeeyno! Gabadha ayaa leh hooyo miyaadan maqal hooyo in dowladdu soo saartay amar lagu joojinayo barxidda caanaha, oo uu arintaas diiday Cumar Bin Al-khaddaab? Hooyo Cumar inama arkayo ee caanaha biyo noogu dar ayay hooyadii ugu jawaabtay gabadheeda, gabadhiina ma fulin amarka hooyadeed e waxa ay tiri: hooyo haddii aan cumar Na arkayn waxaa Na arkaya allaha abuuray cimar, innagana na abuuray!!!! Cumar intaas kaadka ayuu ka maqlayey sheekada gabadha iyo hooyadeed, halkaas ayuuna ku go’aansaday in gabadhaasi kamid noqoto reer Cumar Bin Al-khaddaab.

Bani aadamku waxyaabaha uu haysto waxaa ugu qaalisan 7 waxyaabood:

1. Nafta.
2. Maalka ama Xoolaha.
3. Waqtiga.
4. Caafimaadka.
5. Firaaqada.
6. Sharafta.
7. Caqliga iyo Garaadka.

Haddaba qofka ku jecel ee ay arintaasi dhab ka tahay waa inuu heerka koowaad ee wadahadalka todobadan waxyaabood mid kamid ah kuu huri karo rag iyo dumarba waa in ay jiraan waxyaabo sababaya inuu qofku nolosha la wadaago qof kale, waxaan ula jeedaa waa inuu wax doorto ma aha inuu rabitaanka xarigga u siideeyo oo taasina sababto in qaylo timaaddo iyadoon waxba laga qaban Karin marka laga reebo in lakala guuro oo gogoshii guurka la laabo, waxaa jira hal hays aad muhiim u ah oo leh: Inta aad fursad haysato ayaad xor tahay.

QORSHEYNTA

Qorsheyntu waa mid kamid ah waxyaabaha dad badan u horkacay dhinaca guusha, inta mahartada lagu hayana dhammaan dadkii adeegsaday waa guuleysteen. Nabi Muaxamed NNKH ayaa ka tegey hadal ku filan soo bandhigidda waxtarka qorsheynta, waxaa kamid ah hadal aan ka soo qaadan karno: Ma qoomameeyo qofkii talawadaag sameeya, mana saboolo qofkii wax qorsheysta, oo dhaqaaleysta ama sida uu yiri.

Sidaas oo kale waxaa jira hadal kale oo ku saabsan qorsheynta, nabi Suleymaan NNKH sida laga yaabo inaan wada ognahay waxaa alle fahamsiiyey luuqadda shinbiraha iyo cayayaanka, maalinmaalha kamid ah ayuu weydiiyey quraanyo inta cunto ahaan ku filan muddo hal sano ah? Waxa ay u sheegtay in mir haruur ah ama meseggo ah uu ku filan yahay, kadibna iyada iyo mirtii haruurka ahayd ayuu iskula riday meel ay ku noolaan karto, sanad kadib ayuu u soo laabtay si uu u ogaado waxa kajira qorshaha quraanyada ee ah in mir haruur ah ay ku filantahay muddo sanad ah balse waxa uu ugu yimid meeshii quraanyadii oo mirkii maruurka ahaa marka labo looqaybiyo mid u yaal midna cuntay, mudadii sanadka ahayd ee uu kamaqnaa!! aad ayuu ula yaabay waxa uuna u sheegay in ay been sheegtay balse waxa ay ku jawaabtay: maya been ma aanan sheegin ee waxa aan go’aansaday in aan sameeysto qorshe dhaqaale, markaa aad ayaan ugu dadaalay inaanan mirta haruurka ku dhammeysan mudadadii sanadka ahayd, waxaanan is lahaa nabi Suleymaan waa bani’aadam waxaa laga yaabaa inuu ku halmaamo, sababta ayaa ah alle ma hilmaamo noolaha uu siiyo nolosha maalinlaha ah, sidaas daraadeed ayaan u dhaqaaleysanayey mirta haruurka ah.
Haddaba haddii quraanyo ay sidan u qorsheyneyso nolosheeda sidee ayay tahay in qofka doonaya inuu qoys dhiso inuu wax u qorsheeyo.

WADAHADALKA

Waa qaybta ugu muhiimsan ee sabab u noqon karta in qorshuhu guuleysto ama uu guul dareysto, dadka bartay qaabka hadalka loo kala bixiyo loona kala hormariyo waxa ay aaminsan yihiin in ay tahay arin adag in qof waliba karti u yeesho kala bixinta hadalka, Nabi Daa’uud ayaa kamid ah dadka qur’aanku sheegay in la siiyey qaabka kala bixinta hadalka, waxa ay dadkani karti u leeyihiin in loosoo istaago oo la dhegeysto, waxyaabaha kaa caawin kara isu diyaarinata qaabkan waxaa kamid ah wax aqrinta iyo fahamka wannaagsan.

Marka la eego arinta ku saabsan wadahadalka u dhexeeya laba jinsi rag iyo dumar afka ay kuwada hadlaan waa uu kaduwan yahay afafka kale ee lagu hadlo marka waxyaabo kale laqabanayo, dabcan shukaansi, dhedeysi, xodxodasho iyo erayo kale ayaa loogu yeeraa, waxaa jira sheekooyin aan sal lahayn oo marka loo adeegsado wadahadalka sababa burbur iyo dadkii shalay isku fiicnaa oo maanta isku xumaada mararka qaarna xumaantu waa ay ka gudubtaa xubnaha reerka guul dareystay oo waxa ay gaarta reeraha ay ka soo kala jeedaan oo qoloba ay la si la noqoto, tusaale reerka gabadhu ka dhalatay ayaa u fahma arinta in gabadhoodu aanay wax dhibaato ah keenin balse ninka guursaday uu mas’uul ka yahay waxa dhacay, sidaas si kaduwana waxaa ku dooda reerka wiilku ka soo jeedo, waxaad ogaataa in labada reer iyo xubaha qoyska fashilmayba aanay fahmin meesha haantu ka biyo deysay, udub dhiggii reerkan ayaa loo adeegsaday habka: Been kusoo xero geli Runna ku dhaq, sidaa daraadeed wax waliba oo loo maro waddo qaldan waxa ay ku dhammaadaan natiijo aan lagu farxin, marka waa inaan u bedelno murtida ah:Been kusoo xero Geli Runna ku dhaq,murtida sida saxda ah ula saanqaadi karta waxa ay tahay inaan xaqiijino waa inaan qaadano:Run Kusoo xero geli runna kudhaq.

Kalsooni darida naga haysata habka hagaajinta guurka waxaa laga yaabaa in ay sal u yihiin sheekooyinka aan qiimaha badan lahayn ee aan ka dhaxalnay dadkii naga horreeyey, haddii ay ahaayeen kuwo qalloocan oo qaabka nolosha aan ku habboonayn waa inaan bedelnaa oo ma aha inaan qalloocii ku haysano kadibna aan lakulano dhibaatooyinkii ay lakulmeen dadkii naga horreeyey, si ay ubadkayagu u badbaadaan waa in dib u habayn lagu sameeyo oo la qalad-bixiyo dhammaan sheekooyinka ku saleysan dhaqanka ee dhiirigeliya dagaalka, is xaqiridda, kalasareynta iyo in dumarka iyo raggu is dhagraan oo is colaadiyaan, bal dhugo halheyska ah: Silac kunool soddon guursataa dhaanta!!! waxa ay kutimid dumarkii oo la dhagray ayaa shiray oo soo saaray halhayskaas oo dhiirigelinaya in aan lahagaajin wadajirka iyo nolosha xaasnimo ee haddii dhib yimaado laga doorbido in haweenku ay dhaqan geliyaan halhayskan: Silac kunoo soddon guursataa dhaanta, inkasta oo uu halhayskani jiro haddana waxaa jira halkudhegyo kale oo ceebeynaya oo farriinta uu sido u arka aragti sumeysan, dhammaanna dhaqanka soomaalida ayay ku jiraan, dadka waxaa ugu wannaagsan kuwo hadalka dhegeysta kadibna raaca kan ugu fiican, sidaa daraadeed wixii aan wanaagsanayn ee kujira dhaqankeenna waa inaan meesha kasaarna oo kuwo ka fiican ku bedelano, raggana waxaa ugu wannaagsan kuwa xaasaskooda u roon oo dhaqan fiican kula dhaqma, dumarkana waxaa ugu haggaagsan tan dhowrta ninkeeda oo hagaajisa habsami u socodka qoyskeeda.

Sida laga yaabo in dad badani xusuustaan dumarku waxa ay soomaalidii hore ugu jireen kaalinta maanta ay danjireyaashu ugu jiraan dowladaha ay u joogaan dalalka kale, nabadda ayay horseedi jireen oo marka la doonayo in lasoo afjaro colaadda laba cidood oo loo caalwayey laba gabdhood oo labada cid kasoo kala jeeda ayaa la isdhaafsan jiray oo xidid iyo xigaalo ayaa la noqon jiray, dhaqan soomaaligu xididka waa dhowraa oo sida kamuuqata magaca uu siiyey ee xidid ayaa kaaga filan halka uu uga jiro dhaqanka, kaalinta xididadu uga jiraan jirka ayuu xiddidkuna uga jiray bulshada, gabadha loo geed iyo gole fariistaana waa ay ka duwaneed midda lala baxo oo kadib marka la guursado loo geed fariisto, haddaba wadahadalku waxa uu ku xiran yahay hadba sida loo dhigo, labada qofood ee is doonaya ayaa ah farshaxanka qurxin kara wadada loo marayo isla iyaga ayaana horseedi kara in lagu hungoobo, sidaas oo kalana waxyaabaha kaabi kara inuu sifiican u miro dhalo waxaa kamid noqon kara heerka garaadka iyo garashada labada ruux ee uu dhexmarayo, hablaha aqoonta diineed ama tan maadiga ah wax kayaqaan waa ay ka wannaagsan yihiin gabdhaha adduunka u jooga sidii hooyadood u dhashay ee aan waxba baran, dhanka raggana waa sidaas oo kale iyana, sababta ay u kala fiican yihiin ayaa ah garashada diineed ama maaddi ee ay is dheeryihiin, waddanka India marka la eego dhaqanka waxaa la doonaa oo loo gogol galaa ragga, haddii gabadhu ay jeclaato wiil gayaankeed ah oo dhammeeyey jaamacadda waa ay adag tahay in loo doono maxaa yeelay dhaqaale badan ayaa ku baxaya, waxaa ka sahlan in ay la haasaawdo mid dhammeeyey dugsiga sare kaasna waxaa ka qarash yar kan dugsiyada dhexe iyo hoose dhammeeyey, rag aqoon heer sare ah leh haddii ay gabadhu arkato ciddu waa ay ka murugoonayaan dhaqaalaha badan eek u bixi doona doonidda ninkaas, si taas ka duwan Soomaaliya arintaas kama taagna, sidaa daraadeed dooro qof aqoon haba yaraatee leh, taasina waxa ay ka qayb qaadan doontaa in waxbadani kuu hirgalaan, tusaale fiican oo caqliga u dhow aan ku siiyo, islaamku laba ey ayuu mid xalaaleynayaa wixii uu qabto midna xaaraan ka dhigayaa wixii uu qabto!!!!! Waa maxay sababtu? Meel dheer majirto mid waxbaa la baray oo aqoon ayuu ku adeegayaa, midna waa dugaag, wixii dugaaggu cunayna ama uu qabtana waa xaaraan.

Dadka arintan daba-galka iyo raadraaca ku sameeyey adduunka marka la eego aad ayay u badan yihiin qolo waliba afka ay ku hadlaan ayay wax uga qoreen oo si qoto dheer ayaa looga hadlay, afka Soomaaliga ayaan ku hayaa barasho iyo baaritaan aan uga gol leeyahay sidii aan guul uga gaari lahaa dhinaca qoraalka iyo adeegsiga suugaanta dhex ceegaagta, afafka carabta iyo ingiriirskana si gaar ah ayaan u kuurgelid ugu wada, marka aan dooneyno inan kala aqoonsano ereyada uu kitaabka qur’aanku adeegsado ee ku saabsan guurka iyo dumarka oo aan u dan leenahay inaan ku saleyno afkeenna Soomaaliga waxa ay u baahan tahay dad aqoon u leh labada afba, kan carbeed ee kitaabka qur’aanku ku qoran yahay iyo kan Soomaaliga ee aan ku hadlano, haddii aad xasuusataan markii uu alle kor ahaaye ka hadlayey Nabi Ayuub NNKH waxa uu yiri: Xaaskiisii ayaan u hagaajinnay, waxa uu adeegsaday ereyga Zowj, markii uu ka hadlayey Nabi Zekeriye iyo sidii isagoo da’ah looga farxiyey in la siinayo wiil Yaxye layiraahdana waxa uu qur’aanku adeegsaday erayga Naag ama Imra’ ah, markii uu ka hadlayey sheekadii Nabi Muuse NNKH ee uu tegey ceelkii madyan waxa uu quraanku leeyahay waxa uu ku arkay nabi muse meel ka sokeysa halkii ay dadku xoolaha ku waraabinayeen laba naagood, Imra’ ah ayuu adeegsaday, markii danbe ee gabdhihii middood uu guursaday ee Nabi Shuceyb ballantii uu lagalay ay dhammaatana waxaa uu qur’aanku adeegsaday ereyga reerkiisii “Ahlahu’ haddaba waa maxay sababtu?

Erayadaas kala duwan ee qur’aanka ku jira kuna wada saabsan Guur iyo xaasnimo murti weyn ayay xanbaarsan yihiin haddii ay jiraan dhego u duleela, marka la adeegsado ‘Zowj’ ama xaas waa laba qofood oo is fahsan iskuna qanacsan si aad ah si fiicanna u fahansan qiimaha xaasnimada, marka la adeegsado Imra’ ah, waa laba qofood oo is qaba balse aan nolosha xaasnimda isku si u arkin, ama aan sida ereyga hore oo kale aan isku dheereyn, alle ayaa og sida toosan, afka soomaaligu waa uu leeyahay ereyadaas oo kale balse marka loo kaco dhinaca afka soomaaliga aqoon fiican uma lihi, waxa aanse ogahay in ay jiraan erayo aan ragga ka maqlo oo i xasuusiya heerka ay kula nool yihiin dumarka ay qabaan, tusaale ragga qaar ayaa yiraahda Islaantii! carruurta ii dhashay ayaa xannuunsan!!! Kuwana waxa ay yiraahdaan Xaaskii ayaa I sugaya oo aan doonayaa inaan meel geeyo!!! Naagtii! gurigan lahayd waa ay maqan tahayna kuwaa yiraahda, Carruurta hooyadood ayaa iga maqan oo guriga kama aanan soo bixin, ragga qaarkood ayaa yiraahda, Tii ayaan weli qabaa oo mid kale ma guursan isna waa halhayska rag badan, weerahan oo dhami ujeeddooyin kala duwan ayay tilmaamayaan, kuwana waxaa kamuuqda xushmeyn iyo qiimo u eyelid kuwana waxa ay muujinayaan yasid iyo hoos u dhigid, sidaas oo kalana waxa ay tilmaamayaan sida uu yahay xiriirka u dhexeeya laba qofood, haddii ay erey fiican adeegsadaan waa ay isku fiican yihiin haddii ay mid laga fiican yahay adeegsadaana waa dad is qaba balse iskuma fiicna, haddaba labadiinna lammaanaha isku ah is qiimeeya, erayo caynkee ah ayaad adeegsataan?

WAXTARKA GUURKA

Marka xusuusta iyo garashada dib loo celiyo ayaa si mug leh oo muuqata looga jawaabi karaa marka ay timaadda su’aasha ah waa maxay waxtarka guurku? Mana filayo in ujeeddooyin kale maskaxda ku soo dhacayaan marka lasoo hadal qaado guur, isla markiiba waxaa maanka ku soo dhacaya xiriirka ka dhexeeya labka iyo dheddigga, dhammaan afafka looga hadlo adduunka nuxurka ay isku raacsan yihiin ayaa ah kaas, waase suuragal in qoloba dhaqammo iyo dhaxal awoowe haystaan kaas oo guurka ku lifaaqan, sida runta ahana xiriirkan meelna kama soo gasho xumaani, balse bani’aadamka ayaa si aan habboonayn u dhiga mararka qaarkood, markii alle abuuray nabi aadam allaha nabad iyo naxariis geliyee ayaa hooyo xaawana laga dillaacshay halka ugu sareeysa feerihiisa, sababta ayaa ahayd si uu u weheshado, su’aasha ayaa ah oo maxaa nin kale loo abuuri waayey oo ay is weheshadaan, maaddaama dhanka dagaalka iyo is difaacadda ay raggu uga karti badan yihiin dumarka? haddaba waa inaan garano murtida kujirta in qofka loo abuuray si uu nabi aadam u weheshado oo ah hooyo Xaawo, markaas ayaan fahmi karnaa jawaabta rasmiga ah ee su’aasha ah waa maxay waxtarka guurku?

Marka aan si gaar ah u eegno waxtarka nolosha xaasnimada waa lama huraan inaan soo qaadano waxa ay dadkii hore ka yiraahdeen, nabi Muxamed NNKH ayaa kaalinta koowaad uga jira aqoon yahanada warkooda ay tahay in lasoo qaato marka arintan la gorfeynayo, waxaa kamid ah hadalada dhaxal-galka ah ee guurka iyo is-gacaleysiga lamaanayaasha is qaba uu uga tegey: ‘Qofkii guursada waxa uu dhammeystiray kalabar rumeyntiisa ama iimaankiisa ee ha ku dadaalo inta hartay” sidaas oo kale waxaa kamid ah:Kulanka dhalinyaradow qofkii awooda dhigidda xafladda maharka ha guursado!!! Kii aan awoodin ha soomo”

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo laga yaabo in dhallin yaro badan ay ka qabaan guurka, kuwaas oo ay suuragl tahay in qaarkood aanay dhabta ka shidaal qaadan, sababta ayaa ah in dhallinyarada soomaalida maanta aanay fahmin ujeeddooyinka guurka iyo waxtarka uu leeyahay marka la eego nolosha iyo waddooyinka guusha loo maro.

GUUR WAA IS FAHAM FIICAN!!

Lammaanayaasha doonyaa in ay nolosha qurxiyaan oo y si dhab ah uga guul gaaraan waa in ay maanka ku hayaan in marka hore ay tahay in ay is fahmaan oo ay si dabiici ah qofiba qofka kale u dabeecad barto, taasina waxa ay u sii googol xaari kartaa in reerku si muuqata oo wax ku ool ah u taabbo galo, sidaas oo kalana waa inaad meesha kasaartaan hal-ku dhegyada aan macnaha badan lahayn ee dhiirigelinaya dagaalka iyo isfaham xumida sida: Nin iyo naag Isqabaa colna ma aha nabadna ma aha!!!! Haddaad awooddaana isku daya inaad wax ka horjeeda ku bedeshaan sida: Nin iyo naag isqabaa waa nabad!!! Waana is fahmi karaan, taas kalama jeedo la isma qaban karo oo in la is khilaafo waxa ay kamid tahay nolosha adduunka oo dhammaanteed kudhisan heshiis, dagaal, abaar, barwaaqo, isfaham, isafgaran-waa iwm, bale waxaan leeyahay intii aad awood leedahay oo ay ku jiraan awoodaha qarsoon ee bani’aadamka isugu geeya inaad si xarago iyo is faham leh u noolaataan, nin kasta oo dunida soo maray oo leh magac iyo muuqaal ama ka tegey raad iyo wax nolosha aadanaha waxtar u leh waxaa ka danbeysay qof dumar oo la’aanteed ma gaareen halka sare, tusaale aan ku siiyo weliba mid maanka u dhow! Islaamku inuu soo dhaafo jasiiradda carabta af iyo addinba waxaa si xoog leh uga danbeeyey qof dumar ah, iyadoo raggii la marsiin la’ yahay ayay af iyo anfacaba isugu dartay, raga ay dumarku dhiirigeliyaanna lama loodin karo ama hooyadi ha noqoto ama hooyada carruurtiisa ha noqoto, nabi Muxamad NNKH oo aad u niyad jaban ayaa u yimid Khadiijadii ina Khuweylid ahayd, waxa uu ka codsaday in hu’ la saaro ama la daboolo! Si layaab eh ayay u tiri: Alle kuma hoojinayo sababta oo ah waxaad caawisaa miskiinka, agoonkana waad hagaajisaa, saboolkana waxbaad siisaa, qofka baahanna waad quudisaa!! Dhiirigelinteeda iyo waxqabkeedu waxa ay sababeen in islaamku ka tallaabo halkii uu ku soo degey, sidaas oo kale nin kasta oo dhibban ama rafaad hayo qof dumar ah ayaa ka danbeysa tusaale kale oo caqliga u dhow nabi Nuux NNKH iyo nabi Luud NNKH labadaba dadkii loo diray waa la rogey, reerkii loo diray Nabi Nuux biyo ayaa lagu halaagey haweeneydii nabi Nuuxna waxa ay ka mid ahayd dadkii la halligay, reerkii loo diray nabi Luud iyana dhulka ayaa lala geddiyey, guryihii, meelihii la isugu iman jiray iyo dhammaan wixii ay hanti lahaayeenba mar uunbaa ciidda laga hoos mariyey, haweeneydii nabi Luud NNKH waxa ay kamid tahay dadkii dhibayey nabi Luud, markii loo soo martiyo haddii ay maalin tahayna Qaac ayay shidi jirtay oo ay kadhii jirtay astaan ay cadawga nabi Luud ku gartaan in loosoo martiyey haddii ay habeen tahayna Holac ayay shidi jirtay,labadaas qofood ee dumarka ah waa ay dhagreen raggoodii, raggiina howshoodii kuma aanay guuleysan oo dadkii loo diray waa la halaagay, halka nabi muxamed uu guulo waaweyn gaaray, dumarka ayaa saameyn xooggan ku leh in raggu guulo gaaro iyo in ay gacmo maran iyo guul darro golayaasha kala tagaan.!!

Sidee u noqon kartaa hooyo wannaagsan?

Waa suuragal in hablaha oo dhami ay isu arkaan hooyooyin wannaagsan, kuwa noqday hooyooyinka iyo kuwa laga yaabo in ay isu diyaarinayaan, balse haddii dumarka oo dhami yihiin hooyooyin fiican oo waxtar leh maba dhaceen dhibaatooyinka maanta ka taagan wada dhaqanka qoysaska, marnaba looma fadhiyo lamana filayo in dumarka oo dhan ay noqdaan hooyooyin hagaagsan sidaas oo kalana lama eegayo in ragga oo dhami noqdaan aabayaal la majeersado ama la higsado halka ay gaareen, hadalka oo kooban dumarku waa 50% rgguna waa 50% haddii la doonayo heer ah 100% waa marka ay raga iyo dumarku is fahmaan oo ay si wada-jir ah u lablisaan qurxinta nolosha qoyska, waxaa jira waxyaabo dhisa qofnimada hablaha, balse inta ugu badan waxa ay qofnimada dumarku ku dhisantaa waxyaabaha ka jira guriga ay ku nooshahay iyo hab dhaqanka ay ka dhaxasho hooyada iyo aabaha ay la nooshahay waana meesha ay habluhu kala yimaadaan dhaqanka sahayda u noqda noloshooda, taasina waa sababta ay soomaalidu u yiraahdaan gabar lama guursado ee ciddeeda ayaa la guursadaa!! Waxaa loola jeedaa in gabadha la guursanayo ay dhaqan ahaan xiriir la leedahay hooyadeed iyo reerka ay ka soo jeeddo oo haddii lagu yiqiin dhaqan, garasho iyo garaad suuban waa gabar guurkeeda inta badan la mahadiyo.

Si aad u noqoto hooyo wanaagsan uma baahna inaad dhar iyo dahab badan is dul dhigto ama aad dadadaal badan geliso qurxita jirkaaga, oo keli ah waa in ay kaa go’an tahay hagaajinta xiriirka kaala dhexeeya qof nolosha kula wadaagaya oo aad dhammaan kartidaada jireed iyo taada maskaxeed isugu geyso sidii aad muuqaal wanaagsan u tusi lahayd indhaha dhiggaaga nolosha, marka aad qariso ceebaha ninkaaga oo aad la timaaddo talooyinka wax dhisa ee ku aaddan dhaqaalaha, dhaqanka iyo dul-qaadka waxyaabaha aan kugu habboonayn ee ka iman kara ugu yiraan waxa aad ku guuleysan kartaa inuu kuu arko qof uusan la’aanteed noolan Karin, taasina waxa ay horseedi doontaa inuu wax badan ka bedelo aragtidiisa kugu wajahan, haddii ay maskaxdaada kusoo dhacdo “oo intan oo waxyaabood oo dumarka uun ku aaddan maxay yihiin? Raga miyaanay iyagu lahayn kaalinta la imaanshaha waxyaabahan oo dhan? Haa!!! Waa runtaa, hayeeshee kaalinta dumarka ee qoysku waa kaalinta naaquudayaasha ee doomaha ama duuliyeyaasha dayuuradaha!! Ninkaaga iyo Carruutaadu waa rakaabka doonta aad waddo, talooyin iyo cabasho ayay kuula fadhiyaan, adiga ayay tahay inaad qeexdo xilalka ay ku leeyihiin nolosha, midda kale aan kusiiyo xog laga yaabo in ay saad kuu noqoto: Haddii aad og tahay iyo haddii kalaba xooluhu qofka u roon waxa ay yaqaanaan dharkiisa iyo codkiisa marka aanay arkayn muuqaalkiisa, qofka kamid ah qoysaska ee xoolaha dab-joogta ah sida ariga guri-joogga ah ama diggaagga siiya waxyaabaha ka soo hara cuntada ee waraabiya marka ay arkaan waa ay ku ordaan ama kusoo didaan, mararka qaarkood isaga oo aan waxba siineyn!! Waa maxay sababtu? Oo keli ah waxa ay ogyihiin inuu u aroon yahay ma garan karaan waxba ma hayo!! Ragga aad aragtaan haddii aad hablo tihiin waa sidaas, haddii aad u roonaataan oo ceebahooda qarisaan hagaajinna aad ku waddaan, oo ay idiin arkaan inaad u roon tihiin cid kale ma qabanayo, dadka waxaa ugu gocosho badan nin wedku ka qaaday qof dumar ah oo aad ugu rooneyd, raga qaarkood ayaa noloshu ka fool xumtaa marka wedka ama calafku ka qaadaan lammaantiisa nolosha, si taas ka duwan marka wedku qaado ama calafku meel kale u wareejiyo nin aad ugu roon gabadha u dhaxday dumarku waxa ay ka qaataan waayo aragnimo oo raga danbe ee guurkooda haweysta ayay barbar dhigaan halyeygii wedka ama calafku dhaafiyeen ee ay dhaqankooda barteen, ogow weli lama hayo qof dumar ah oo ay nin hore kala tageen oo markale guursatay nin cusub isla markaana ninkeeda cusub ugu yeertay magaca ninkeedii hore!!! Balse waa la hayaa rag dumarkii ka geriyooday ama calafku cid kale uga wareejiyey oo hablihii danbe ee ay guursadeen uguyeeraya magaca xaasaskoodii hore!!! Waa maxay sababtu ayaad isleedahay? Raggu sahal kuma illaawaan dhibka iyo dheefaha soo mara, mararka qaarkoodna ma ay laha go’aanka qaybaha xusuusta ee maskaxadooda, halka dumarku ay si sahlan u illaawaan dhammaan wixii dhibaato soo maray kadib marka ay galaan gole barwaaqo ah, balse waxa ay yaqaaniin is garab dhig, noloshii ka jirtay gurigii ay ka soo baxday iyo hab-dhaqanka ninkeedii hore iyo sida ay noloshu uga socoto gurigan cusub, haddii ay isku dhawaadaan waa ay ogolaadaan, haddii ay kala duwan yihiin oo nolosha cusubi ay ka hooseeyso tii hore inta badan waxa ay la yimaadaan farsamooyin is qancin u badan, balse gocosho ma yaqaanaan,

Sidaa daraadeed raga uma fiicna in ay guursadaan dumar ay uga horeeyeen rag ka sareeya xagga nolosha, dhaqanka, xallinta, u roonaanshaha dumarka, iyo reerka ay ka soo jeeddo, taasii waxa ay lamacno tahay nin xirtay shaar aad uga weyn oo suuqa u baxay!!!! Imasaa qof ayaa eegi doontaa? Dadka qaarkood ayaa dhihi doona: shaar kula eg soo Xiro!!!!

Ragga waxaa ugu wannaagsan kuwa wannaajiya dumarka u dhaxay!!!

Haweeneyda kuu dhaxday waa marada aad xiran tahay haddii ay maradaadu kaa cabatana ceebi kuuma laabna, iyana ceebi uma laabna haddii aad ka calaacasho lawadaagidda nolosha ee xaaskaaga! waa cudur ay rag badani qabaan hagaajin la’aanta lammaanayaasha u dhalay carruurta ama uu xiriirku kala dhexeeyo, dad badan oo arimahan wax ka qora ayaa qaba in dumarku ay dabeecad ahaan qaataan hadba sidii loola dhaqmo, haddii si wannaagsan loola dhaqmo aad ayaa loogu badinayaa in iyana ay si wannaagsan u dhaqmaan, waase suuragal in rag badan oo wannaagsani la kufaakacayaan dumar aan qiimo iyo qaayo lahayn oo kala tagga ay kawanaagsan tahay in loo dul qaato, sida haddii carruur badan jiraan oo in ay dayacmaan ay ka wannaagsan tahay in aabuhu adkeysto intii ubad aan waxba galabsan ay la kulmi lahaayeen hooyo iyo aabe la’aan, soomaalidu siyaabo badan ayay u cabiraan marka uu xumaado xiriirka labada lammaane, tusaale dumarka nolosha lawadaaga raga ay soomaalidu ugu yeeraan Xilo-gube waxaa jira sheekooyin lagu muujiyo sida uu ninkaasi ugu liito ladhaqanka dumarka, waxaa kamid ah:Haweeneey da’ ah ayaa la wydiiyey wixii ugu xumaa ee ay maqashay, iyo wixii ugu cabsida badnaa ee ay aragtay intii ay adduunka joogtay: wixii ugu xumaa ee ay maqasho ayay ku sheegtay in ahaayeen: Nin xilo-gube ah oo xoolo badan ayaa cidda la soo dersay, oo maanta guriga reerkaaga kusoo harsaday!!!!, ciddu xoolaha ayay ujeedaan, aniguna gabar ayaan ahay oo xilo-gubenimada ayaan ujeeday ayay tiri, wixii ugu cabsida badnaana waxa ay ku sheegtay:Hebla caawa waxa ay u hoyatay hebel oo xilo-gubenimo lagu xanto!!!.

Xilo-gubanimadu malaha waa dabeecad aad u klul oo raga qaarki ay leeyihiin, waa suuragl in dumarkuna ay leyihiin dabeecad caynkan ah, tusaale wiil iyo aabihi ayaa wada socdaalay, doon ayay raaceen oo badda ayuu socdaalkoodu marayey, mar ay maalmo socdaan ayaa baddii kacday oo hirar rog-rogmanaya ayaa doontii helay, halkaana waxaa ku burburay doontii oo idil, wiilkii iyo aabihii waxa ay wada heleen loox yar oo guro leh labadiiba looxii ayay wada koreen, hayeeshee meel uu u socdo midkoodna magaranayn, oo waa uu sabbeynayey!!, wiilkii ayaa aabihi su’aalay: Aabe maanta wax naga ayaan xumi ma jiraan ayay kula tahay adduunka? Ninka ay aqalka haweeney xumi uga horreyso ayaa naga ayaan xun ayuu odaygii ku jawaabay!, haddaba raggu waa in ay fahmaan in xiriirka kala dhexeeya hablaha u dhaxay ay hagaajin araan haddii ay go’aankaas gaaran, oo keli ah aqoonso halka ay lammaantaadu ku liidato iyo halka ay ku wanaagsan tahay, sidaas oo kalana garo waxa ay neceb tahay iyo waxa ay jeceshahay, marna ha isku deyin inaad kadhaadhiciso in ay jeclaato wixii aad jeceshahay amaba ay necbaato wixii aad neceb tahay, taasi waa in ay u timaaddo si dabiici ah, bani aadamku ma aha qalab iyo aalad la adeegsan karo mar waliba, su’aalo iyo falanqeyn ayuu la imanayaa, haddii aad dooneyso inaad dhisto nolol farxad leh waa in aad dareensiiso xaaskaaga inaad ku qanacsan tahay, halkii aad cannaan iyo erayo kulul ku dhihi lahayd adeegso habka wadahadalka wannaaggsan ee wax u sheegidda haweeneydaada, haddii ay garanweyso, kadhig wax u sheegidda xilli ku habboon, dhibaatada maanta ka dhextaagan reeraha dhisan waxaa qayb weyn ka qaata dad aan is fahan fiican dhexmarin ayaa si howl yar isugu sheegta jaceyl aan laabta jirin, kadib guurkana xil iskama saaraan in wixii soo qaldamay la tifaftiro oo runta la isu sheego mar haddii ay heleen fursad ka wanaagsan tii ay haysteen guurka kahor, si guurkaagu u hagaago oo aad nolol wannaagsan higsato u meel dayo guurka oo marnaba ha guursan rag iyo dumarba qof aydnaan si fiican isu fahmin oo aadan ku qancin lawadaagidda nolosha, dadkii wadadaas maray ee reeraha ku dhisay sidaas ma aanay mahadin waxqabadkoodii badankoodna waa ay k fashilmeen, taas oo sas iyo anfariir dad badan ka gelisay in ay dib danbe u guursadaan, haddaba ogow wiilkaagu habeen uunbuu hiillo kaaga baahan yahay waana marka aad hooyadi ama aabihi dooneysid.

Hashiiska Guurka

Qeexid
Marwo


1. Magaca_____________________________________

2. Da’da ______________________________________


Xigasho: http://kismaayonews.com/pageView.php?articleid=2395

User avatar
LooxJiid
Posts: 220
Joined: Tue Feb 22, 2011 9:16 am
Location: Caasimadda

Re: ERGO GUUR

Postby LooxJiid » Thu Mar 03, 2011 1:50 pm

Hm... t :clap: his is good.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Literature - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests