Ugu yaraan 11-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo ay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa xoogag daacad ah u ah Ahlusunna Waljamaaca iyo ciidammo Itoobiyaan ah ay ku qabsatay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay tiro intaas ka badanna ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ku sugan degamda Baladxaawo ayaa HOL u xaqiijiyay in degmadaas ay gacanta uga gashay barqonimadii maanta ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay la socdaan ciidamo Itoobiyaa ah iyo xoogagga Ahlusunna, iyadoo ay halkaas isaga baxeen xoogaggii Xarrakatul Shabaab.
Afhayeenno u hadlay dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa iyaguna sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta degmada Baladxaawo, ayna ku dileen ciidamo badan oo ka tirsanaa Xarrakatul Shabaab.
Mas'uuliyiinta u hadlay dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa sheegay in dagaalka aysan qayb ka qaadan ciidammo Itoobiyaan ah.
"Dagaalkii hadda wuu qaboobay degmadana innaga ayaa la wareegnay, ciidamadii dagaalka nala galaynayna waxay degmada uga baxeen dhinaca koonfureed," ayuu yiri afhayeenka Ahlusunna ee koonfurta Soomaaliya Sheekh Cismaan Axmed Abuu-Xamza oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan degmada Baladxaawo.
Gudaha degmada Baladxaawo ayaa waxaa ka dhacay dagaal iyadoo qaar ka mid ah maydadka dadkii ku dhintay ay yaallaan gudaha degmada iyo daafaheeda oo uu dagaalka xooggiisu ka dhacay.
"Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa dowladda oo ayaa gudaha degmada soo galay, waxayna ka bilaabeen baaritaanno," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku harsan degmada Baladxaawo oo saxaafadda la hadlay.
Dagaalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay degmada Mandheera oo daris la ah degmada Baladxaawo, iyadoo Xarrakatul Shabaab aysan weli ka hadlin dagaalkii saakay ay la galeen ciidamada dowladda, Ahlusunna iyo kuwa Itoobiya.