(JIIFTO): "Geeska bari ma lay is galay"
Ibraahin Yuusuf Axmed ' Hawd"
November 26, 2007
Geeska Bari ma lays galay
Colku Xamar ma gayllamay
Toban gaas ma lagu furay
Markay guuto dhimataba
Gurmad kale ma soo dhacay
Gantaaluhu ma xiimeen
Gaban iyo duq guxusha ah
Gabadh iyo gayaankeed
Ummul jiifta gurigii
Gawraca ma laga simay
Ma gumaaday nacabkii
Birtu dhiig ma gobo tidhi
Reer galbeed ma dirireen
Guluf adag ma keeneen
Kiristaanku garabiyo
Gacan ma isa siiyeen
Nacayb gaaxsanaan jiray
Gaaladu ma daaceen
Utun hore ma goosteen
Ma godleen mishiinnada
Cirka gedef ma saareen
Badda gaadh ma ka hayaan
Waa ged lagu yaqaannaye
Galabtana ma hiisheen
Tigree ma u gargaareen
Hubka nooca gaarka ah
Ma u gacala miiseen
Dulmi garab og weeyee
Gabre ma iga loogsaday
Haddii aanan guul helin
Gibirkiina may hadhay!
Gabagabaha hoogga leh
Waxa goofka mayd yaal
Gorgorradu ha haageen
Waxa maato goob wadhan
Gaajiyo harraad qaba
Ma la qariyey godabaha
Ma go’doomay wariyuhu
Dadka ruuxa garasho leh
Car gilgilo ma lagu yidhi
Garbaduub ma loo xidhay
Damiirkuna galiilyada
Ma qaniinay gawsaha
Xaqdarrada geyiga taal
Ma gariirtay samadii
Duniduna ma gudhan tahay!
Markuu geesi haajiray
Guufannays ma loo tegay
Dhuqurjaa ma loo galay
Gocor caadaqaate ah
Xaqa laga gabbaanaday
Gadhwadeen ma laga dhigay
Sharaftii markuu gaday
Ciiddii markuu gubay
Markuu dhiigga gororsaday
Gunnimada abaalkeed
Gob baad tahay ma lagu yidhi!
Xaqudirir ma gaardiyey
Xeryihii gadaannaa
Gucle-orod ma lagu galay
Kurka cadawga laga guray
Gidaarrada ma quban yahay
Bakhtigii ma gegan yahay
Xabashiga guntiga xumi
Durba go’ay ma lee yahay!
Halgan yahow ha gaaggixin
Gelin qudha ha gaasirin
Gama iyo hurdaba daa
Weerarrada galaabixi
Ku galgalo wayaanaha
Axmed-Guray geddiisii
Cad gumeed gayeysii
Naftu goor ma dhaaftee
Geerida xalaalee
Geelba waad u dhimataye
Geyigaaga soo dhici
Gobannimo ku geeraar
Markaad guusha hanatana
Goonyaha u sii faaf
Gudub oo dhul kale gaadh
Gaaddada arlada mari
Goday iyo galbeed qabo
Barta goodku yuururo
Godka halaqu jiifsado
Hootada ku giringiri
Ku garaac garnayllada
Addis gelelef oo jiidh
Gudaheeda baadhbaadh
Gabaarrayda dilatiyo
Gafanaha ka googgoo
Melesoow garaad xume
Gardarrooyinkaagii
Gobolkeennu degi waa
Godobtaada ciirciir
Gashigaaga buuxdhaaf
Gacanyare inaad tahay
Shisheeyuhu ku guuraan
Ku gabraarto naasigu (nazi)
Lagu gubo sokeeyaha
Xaajadaada loo garay
Lagu gaabi sheekada
Weligaaba gurigiyo
Deriskaaga guulguul
Tunka giir ka kaakici
Geesi daran ismoodmood
Gumaysiga la duubnaw
Hadba geed ku loohnaw
Sidii garacyadii hore
Mar baan gooni kaa heli
God abeeso noqotoo
Garan wayday samehee
Shicibkaagi soo guray
Isu gee xaqiisii
Gujadii ka waynaa
Golqaniinki kaa diid
Godli waa maqaarkii
Gadmi wayday beentii
Ka gadood xumaantii
Dabarkiina soo goo
La fur gunudyadaadii
Burjigiina kaa guur
Cimrigaagi gaabnaa
Gabbalkaagu sii ciir
Arrin gelindambeedaw
Mid kaloo gunaanada
Aan ku gooyo hadalkee
Isagoo gubtahanyada
Garan waayey eedaha
Dadku ula gudboon yahay
Waxaa gooni uga dhigay
Wuxuu yidhi nin gedo hore
Gardarrada ka dhiidhiyey:
Gole lagu cargeegtamay
Gabay loogu baratamay
Anigiyo rag ila guya
Ninba geystay tamartii
Gudboon baannu noqonnee
Maxaa aniga gaar iyo
Gorgor baal cad iga dhigay?*
Anna galabta waxaan idhi:
Gocashada la wada qabo
Nabarrada gunaadka ah
Taariikhda guunka ah
Sida buurihii golis
Weligeed geyiga tiil
Guuldarrooyinkoo dhami
Geedka ay ka beermaan
Dhala midhaha geerida
Aynu wada gorfaynnee
Gar allee caddaanoow
Haddii beri gumaysiga
In la gooyo xididdada
Dhaar lagu guddoonsaday
Nin galbeed la wada nacay
Naga guur la wada yidhi
Gumac loogu babacdhigay
Gobannimo la wada helay
Aadmigu gudboonaa
Maxaa laygu galayoo
Soomaali gaar u ah
Muxuu reerku galabsaday?
Arrimahan guntoodiyo
Runta ma isla goobnaa
Guddi culus ma saarraa?
________________________________
*Qisadu waxay xiganaysaa tixdii “Tuke baal cad” ee Hadraawi gunaanadkeeduna ahaa:
Intayada baraarkiyo
Burrusyada ku joogtaa
Barbarraanu noqonnee
Maxaa aniga baas iyo
Tuke baal cad iga dhigay?