Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Afrikada Dhankii Bari

Gabayada iyo dadka Gabya

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
edleh
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 386
Joined: Sun Jul 26, 2009 12:34 am

Afrikada Dhankii Bari

Postby edleh » Wed Nov 04, 2009 11:47 pm

Geeraarka hoos ku xusan waxaa tiriyey Aden Dirie Ali of England, taariikhdu markay ahayd 9kii September, 2001. Geeraarku waa war bixin uu abwaanku kaga warramahayo Soomaaliya Siyaaso xumadii ka dhacday iyo is-afgaran waaga yaalla oo la isu mari waayey in dib u heshiisiin la gaaro.

Uugaanka geeraar, Nin gabyoo abwaanaa,
Ammuuraha adduuniyo Akhbaarrada ku sheegee,
Haddaan ararta soo maro, Afrikada Dhankii Bari,
Amag aamug weeyoo, Arladii ammaan ma leh,
Sanku neefle oo idil, La is-eeda-eedee,
Balse waxaan iraahdaa, Afrikaannu joognaa,
Uunkii ku noolaa, Illayn waa dan-qaaroo,
Utun kama dhammaatee, Indhaweyd collooboo,
Aalaa dagaaloo, Mar waa kala ufoodaan,
Marna wayska askaaxaan, Hadba kii awood laa,
Kii kale arjumayoo, Itaal yare ma nooloo,
Arxan looma galayee.

Wariyada adduunyadu, Aafadii dhacaysiyo,
Oohintii nafleydii, Maatadii aqdaahayd,
Iyo urugadoodii, Goortay ogaadeen,
Ogeysiiye dunidoo, Unadii Quruumaha,
Ammuurtii u sheegoo, Ayaguna ayaantaa,
Amarkay guddoonsheen, Gurmad bay u aadeen,
Ergo iyo urquuniyo, Daawo iyo alaabiyo,
Aaladii gargaarkiyo, Askartii ilaalada,
Abbaarsiiye meeshii, Aad looga baahnaa,
Aadkana dadaalee.

Dirir oogayaashii, Dabka ololinaayoo,
Ku ajarayey beelaha, Shirkii loo abaabulay,
Addis iyo Jabuutiba, Wixii loo ardaa dhigay,
Oo aqallo waaweyn, Loo furay albaabada,
Alaab caynba caynoo, Xariir lagu asteeyoo,
Udug loogu warayoo, Ay wada ilxaaxeen,
Indha doogsigoodii, Quruxdii ilwaadeed,
Afka looga joojiyey, Abbaanduulayaashiyo,
Odayaashii dhaqameed, Afhayeennadoodii,
Haddii lagu agaasimay, Anficiina loo dhigay,
Ayagoo iddoodii, Ay wada arwaaxeen,
Aslaaxii heshiiskiyo, Ajandihii dantaahaa,
Awgiis loo wacay, Doodiyo ujeeddiyo,
Su'aaliyo abbaariyo, Dawgii ekaa iyo,
Gartii waajib ku ahayd, Daacad maw ansixiyeen,
Oo way ajiibeen, Mase way ka eexdeen,
Ayagiyo kaskoodee, Halkay ka ambaqaadeen,
Aynigay u taliyeen, Taariikhda abadkeed,
La illoobi maaye, Maxay ku andacoodeen,
Uubaysyadoodii, Ajar mawga yaallaa?
Aar baa gurxamayoo, Afkii baaca kala gee,
Cabbaar oofta ka hinraag, Aakhirkii wuxuu yiri,
'Wixii urur dunqaaraah, Teeriyo abuurriin,
Anigaa u talin jirey, Amartina anaa mudan,
Inta kale awooduna, Idiin saami weeyoo,
Sidaad ugu heshiisaan, Idinkaa ikhyaar u leh,
Eynigaa haddaan iri, Anoon amarkutaaglayn,
Ururyahow danleeydaa, Maxaad oran lahaydeen'?
Shabeel baw af-celiyoo, Waad nagu abyootoo,
Ma ayidin ayuu yiri, Afkii ubur ka sayryoo,
Oomaaray buu yiri, Indhihiisii laga yaab,
Eebooyin soo saar, 'Wuxuu yiri arbaan ahay,
Oo waad i aragtaa, waxaan aalad haystee,

Aqoon kula mid baan ahayd,Sidaydana ilbaxayoo,
Sidii hore ma aan ahi, Xukun waw aqaannaa,
Sida adiga oo kale, Ee oday libaaxow,
Kuu adeegi maayee, Haddii aan laguu talin,
Amarkaaga diidayoo, Iima talisid buu yiri'.
Dhurwaa baa ahbiyayoo, Misna waa aloomiyey,
Ilma gaatamoodow , Astakooday buu yiri,
Agagaarka meermeer, Ilmo gobo' ka siiyoo,
Hadba uuro soo kici, 'Ogaadooy ayuu yiri,
Ilma Horor ma aragteen, Anaa ugu da' weynoo,
Abtirsiinyo guudiyo, Isir baan wadaagnaa,
Oo ururka aan ahay, Anigaa u caaqilah,
Af gobaadsi mooyee, Ma akeekamaayee,
Afeef kale waxay tahay,Arbihii maroodiga,
Arsilkaad ogaydeen, duqii Oodda Doolaal,
Ninkaad ka anfariirteen, Geddii amartidiisiyo
Aqalkuu fadhiyi jirey, Adduun wuxuu lahaa iyo,
Wuxuu aalad hayn jirey, Intii aan u daw galay,
Anaa ka eryey buu yiri, Dhaxalkana abaal u leh,
Haddaan lay ilaaqayn'.

Weer baa abraarayoo, Intuu umal la doorsamay,
'Isyeelyeelka dayoo, Edab yeelo buu yiri,
Aleelaalihii dhacay, Anigaa axgabiyoo,
Awlaxa u qaatoo, Ayaantii muquunshaye,
Ha illoobin buu yiri, Inaan dhaxalka leeyahay,
Ama waan ku eedsiin'!!!

Dawac baw af naqayoo,'Labayohow uduufood,
Runta lagama aaloo, Xaqa lagama iishee,
Anshax yeesha buu yiri, Maantii lays armaatiyey,
Idinkoo itaal gabay, Anaa idin hor marayoo,
Ashahaado boobkiyo, Uuba-uubadii hore,
Taliskii asiibayoo, Oobba maarrahaan galay,
Awoodiisii tabayoo, Amartida anaa lehe,
Inaan taliyo weeyaan, Ama waa inoo dirir,
Intaad i arbushaysaan'!!!

'Halyeey baa us yiriyoo, Haygu uusin buu yiri,
Hayska been abuurane, Warkaad ku andacootiyo,
Aabigu gef weeyee, Ma anaad i duudsiyi,
Anigooba kaa adag?, Sow ogid ayuu yiri,
Ilma Hororka oo idil, Inaan ugu af dheerahay,
Taladiyo aqooshana, Aan anigu leeyahay?
Astaqfaarso buu yiri, Intaan aabbe waa dhicin,
Waxaa adiga kuu roon, Inaad iga dambaysee.
Gaduudanaa,'akh yiriyoo, Argagixisadaaniyo,
Ikhtilaafka joogiyo, Iimaan la'aantuba,
Urruf-aarruf weeyoo,

Waa eel hor luu yiri, Haddaan lays adeecayn,
Aqoon talisa mooyee, Arrin lagu heshiin karo,
Aynfaadka muuqdaa, ii lama ekuu yiri.
Xoor baa aleegaday,Asaguna wuxuu yiri:
'Ilka dheerayaalow , Gartii waad arradiseen,
Xaqoo laga ajoodiyo, Aflagaado iyo maag,
Iyo eexo godobeed, Adduun kuma dhaqnaadee,
Ajandaha na hoos yaal, Hagaag maw alkumannaa,
Haddaan la asaruurayn, Wayga talo abwaaneed.
'Ax baa haramcad yiriyoo, Ashqaraaray buu yiri,
Ibo beeshay xaajadu, Haddaan lays af garanayn,
Ajanduhu siduu qoray, Haddaan la ogolaanayn,
Axmaqnimo darteediyo, Naf jeclaysi awgood.
Haddii lays ugaarsado, Doog iyo abaaraba,
Baruur yaa anfuuqoo, Aroos looga heesaa?
Deerada agoorkiyo Cawsha yaa ilaashada,
Cirka uga imaan kara, Oo aayar loogsada,
Sida aniga oo kale?, Orod yaygu gaaroo,
Cago iigu iman kara, Intii habar dugaageed,
Haba lays ogaado ee?

Gorgor baa,'uh yiriyoo, Waa kuu aqoon li'i,
Inaad orod ku faantee, Aniga ma i taqaannaa?
Ma i aragtay waligaa?, Daruuraha agtoodiyo,
Oogadaa dushoodiyo, Samadaa ma aadaa,
Sida aniga oo kale?, Waaya arag ma tahayoo,
Qaaradaha adduunyada, Afrikiyo Ameerika,
Orobo iyo Aasiya, Istareeliyoo idil,
Toddobaad ayaamood, Ma u kala aroodhaa,
Sida aniga oo kale?, Abadkaa ma gaadhaa?
Haddii kale abaabyahow, Axashaada daaqoo,
Ha i eegan buu yiri, Ima orod ekaysidee.
Galow baw af naqayoo, Oon kama baxuu yiri,
Tiig uma arooroo, Afar qooble weeyee,
Muxuu kula ekeeyaa!, Eray kalena waa daw,
Ururkeenna Baalley, Iyo uubadeer kale,
Ilma Gaatamoodiyo, Ilma Hororka weerara,
Axdi laawayaasheer, Xeeriyo asuuliyo,
Ma arlaan wadaagnaa?, Isku alab miyaan nahay?
Sidooba ash maahee, Hadday noo arrimiyaan
Amay nagu aqdaantaan, Sida ugu ayaan daran,
Ii-uuleyaashiyo Ugaxdaan ka soofniyo,
Ummulaha la joogaba, Sow amuugsan maayaan?
Afe yaw garaaboo, 'Afku kuma go'uu yiri,
Sidaan oran lahaa baad, Iigu aabayeeshaye,
Balse aan arrimiyee, Sida aad ogsoon tahay,
Haad ka adag ayaan ahay, Waxaan ahay indheer garad,
Inta baalalleeyana, Anaa ugu il roonoo,
Anaa ugu itaal weyn, Amartina anaa mudan,
Ummuurteenna dawlana, Inoo gooni weeyee,
Ha lay doorto ururow, Aan idin ilaaso ee.
'Waa beray wanaagsane, Siday aniga ila tahay,
Galowgii ayaa yiri, Balse waxaad ogaataa,
Afti qaad ha loo maro, Abbaartii sugnaydiyo,
Ayadaa asluub ahee'.

Atoor baa waswaasoo, Asaraar u soo baxay,
'Afku seeflayaaliyo, Ilka dhiiglayaalow,
Ordoo naga taguu yiri, Kuma jiro orkiinnee'.
Diin baa,'aheey yiri, Ufadaan dableeydoo,
Is ugaarsanaayaa, Ma asaasaqaayaan?!
Gallayr baa'uf yiriyoo, Ardaalyahow kadeedani,
Oohin looma baahnee, Is ilaali buu yiri,
Adkaysina ha moogaan.

Guumayskii awlee, Intuu geed ka oogsaday,
Kala maan intii ahi, Inay kala ekaadaan,
Oo ay kala abqaystaan, Sow uma ekuu yiri?
Guuguule uulee, Tukihiina eedaan,
Orkii dhabad la gaarsii, Sidii laysu eersaday,
La is wada ogeysii.

Goray baa aloogsaday, 'Udbayahow anqaradaah,
Oo ayda xulayaa, Oo wada ambanayaa,
Naga aamusuu yiri.

Shirkii ugu dambayntii, Agab yeelan waayoo,
Lagu kala awaaree, Maantiyo ayaantina,
Dirir oogayaashii, Awr dabar la' weeyoo,
lama kala araarayn.

Injir maaro loo waa, Aboorkii ka sii daran,
Galmi aakihii baray, Magangooye oon mari,
Yaxaas soo antaro dhaaf, Uunraysna soo dhigay,
Ayaxii ka soo guur, Omoskuu lahaan jirey,
Goortuu abaarsaday, Aftidii Shabeelliyo,
Afaafkii Baraawiyo, Arartii Jannaaliyo
Aarankii Kismaanyuu, Awrtii ku soo furay,
Cidihii iska lahaa, Uga amarkutaaglee.
Aboodiga rugtiisii, Waa edeg colaadeed,
Ashahaaday geelii, Rag isugu aloollaa,
Lo'dii waa abaajiday, Oo lama ilaashado,
Ari reer magaalow, Warqaduun aruurshaa,
La idlee biciidkii, Deeradiina waa eber,
Wixii haad ahaa iyo Intii kale ugaartuna,
Agab kama sokeeyaan. Uubaa dhirtii gubay,
Ufankii ka soo haray, Waa dhuxul la iibsado.
Ayaxii markuu degay, Iska dhigay Isbaaroo,
Durbadiiba eel beer, Arlo xaaluf weeyaan,
Waana lays inkirayoo, Hadda la isma aamino,
Nabad laga ugaarow, Abbaanduulayaashuna,
Intay umal la waasheen, Wayska uubateeyaan.
Marka eray su'aaleed, Awaamiirta joogtaa,
Ma anaa amiiriyo, Anaa amarti yeesjiyo,
Anaa udubo dheer baa, Mase waa aqoon li'i,
Ama waa galoof olol, Intay olo-oleeyeen,
Hadday kala irdhoobeen, Uur baari maayee,
Alifleeyda geeraar, Halkaasaan arumayeey!!!

Nabad iyo warsan
Aden Dirie Ali

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Literature - Poems and Poets”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests