Geeraar ka hadlaya dadka Somaalida ee ku dhaqan Dalka Koofur Afrika iyo dhibaatada ay Soomaalida u geystaan South Afrikaanku. Geeraarka waxaa tiriyey Abwaan Max'ud Axmed Cabdalla (Shiine).
Haddaad South-Afrikaay
Saydhay dhiigga dadkayga
Subax gawrac bilawday
Sinjigayga fogeysay
Seedda aad iba goysey
Samahaygii illowdey
Haddaad South-Afrikaay
Maatadaydii sumaysay
Budhcad aad nagu seertay
Sawracayga gumaysay
Sebigii la bireeyayoo
Siriq laygu bakhtiiyey
Haddaad South-Afrikaay
Maydkaygii solanayso
Saancadaale madoow
Hindi seef ugu dhiibay
Sababteeda la dooninoo
Bilayskiina ka seexday
Haddaad South-Afrikaay
Soomaalidoo la gumaado
Saaka laysu bahaystay
Waa midaanan sugayne
Maanta saamaha muuqda
Saadambaa ka horraysay
Saadex wayga sifayn
Sadex wayga dardaaran
Sadexna wayga digniin
Saddex wayga sifayn
Sooyaalkaan deyayaaye
Idinkoo sab gumeeda
Sandullaysi ku nooloo
Saxariiray dhibaatoo
Addoonsiga ku sujuuda
Dusha laydin ka saaro
Saamihiisa gumaysi
Sarajoogga ku daalayoo
Sidkanoon damqanaynin
Markii laydin sadqeeyey
Midab soocuna joogay
Safkii kuu diriraayay
Saadadii Afrikaanka
Soomaali baa u horaysee
Abaalkaygii ma saatanbuu
South Afrikay ku dambeeyey!
Saddex wayga dardaaran
Sharaftoo naga suushey
Waayadeer sabarkayga
Saranseerka ku raagey
Qarankayga sadhoobey
Umadayda sabooshay
Colaadaa nagu seentiyo
Salowgaa nagu meeray
Sanadaa xigi doona
Nabad aanu ku saacnoo
Saldhignoo aan ahaano
Sumcad dawlad ku caanoo
Aduunyadu ku safaadinoo
Sed libaaxna la siiyo
Sawdkana kii ugu dheerbaan
Su’aashayda ku muujine
SouthAfikaay ubadkaagu
Maalin laysa saluugayoo
Sabadaadu collowdey
Ma u soo safrayaan
Soomaaliya geyigeeda?
Saddexna wayga digniin!
Cadkaad maanta I siisay
Dilkanaad igu soortay
Saatirkay baan ku dhaartee
Sina taa ma illaawo
Saxalkoo mar wareegiyo
Sahankaan ka war dhawriyoo
Waana kuu samrayaa
Seeto waa godobtayda
Suun biroon la jarayn
Siniin iyo miniinba
Qoorta kuu sudhanoo
Saamaxaad aan lahaynoo
Saawirtaad ila gaadday
Sumuc baan ka xigaayoo
Intaan saarahay uunkan
Siqiir iigu koraayo
Sulub aan rabsho mooyee
Waanaag suurta gal maaha
Sidrigayga nacaybiyo
Sun baa kuugu tallaalan
Sina kuuma walaasho
South Afrikaay magacaa be’
South Afrikaay magacaa be’
W.T. Maxamuud Axmed Cabdalla (Shiine)