Horta murti yaqaan ma tahay? Haddaba waatane HOO. Sadarro goos goos ah oo laga soo qaatay dhawr gabay oo jira ayaa marka laysu keeno waxaad ka dareemaysaa, murti iyo maadeys wada socda iyo sifaadkii suugaani lahayd.
Geellaa markuu dararan yahay; Laba nin duugtaaye
Wax SHISHEEYE kaa soo galaa; Gaajo bixin waaye
Harka galay hurdadu way xuntee; Hohey maxay seexshay
Cirradiyo JACAYLKOO dhan baa; Caawa noo yimide
Sayid Max'ed saw kama gilgilan; Xumihi loo gaystay
Diintii ISLAAMKIYO kufrigu; Daa'in kala roone
Jeeniga hortiisay RASAAS; Igaga joojeene
Hadii culimo maalkeed ; La dhoco magan Illaahay'e
Qabqabtaay dagaalki hadduu; QAAYO leeyahaye
Nacalluhu kuwuu fuulay baad; Daba NASHLAYSAAYE!
Kicina mayso qoladii kuftoo waa kabdaha saare
Arday meel uun buu uga; Ekaan macallinkiisiiye
Ha karaamo seeginaay ; Habaar laygu kari waaye
Inaad cararto waxa kaaga roon; CAAWADAA dhimo'e!
Geesiga Illaahay ma xillo: Guunla waw halise
Cabashadu ma fiicnee rag; Waa layska celiyeeye
Carsaanyada sideedii miyaan; GEES WALBAW cararay
Bacdal QADADA Qaynuunku waa; Innaad Qaxwaysaaye