Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Fatwo Gaalo Qorshaysay

Gabayada iyo dadka Gabya

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
KeligiiJabhad
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 939
Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
Location: TURMO

Fatwo Gaalo Qorshaysay

Postby KeligiiJabhad » Tue Feb 01, 2011 1:26 pm

Fatwo Gaalo qorshaysay

Maansadan waxay soo baxday 2011-01-23. Waxa ay talo, tusaale iyo tilmaan ka bixinaysaa arrimo mudan in xaglo badan laga iftiimiyo oo la xidhiidha siyaasadaha xaadirka ah ee ka aloosan geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka islaamka. Waxa ka mid ah, fatwooyin diineen oo ay soo dalbanayaan dadkii diinta la dirirsanaa, kana soo dalbanayaan qaar ka mid ah culimadii muslimiinta. Taasi waxay ku imanaysaa hab dadban, waxaanay soo maraysaa jiirooyin qalqalloocan oo aanay fahmi Karin, dadka aan ogaalka durugsan u lahayn tabcooyinka siyaasadeed ee aqoonta ku dhisan. Maansadani waa digniin walaalnimo oo ku socota culimo Soomaaliyeed oo laga yaabo in lagu siro shirar culimo oo dano kale laga leeyahay.

Fatwo gaalo qorshaysay
Carabi soo fangaraysay
Diktaatoor fududeeyey
Wadaad tiisa ku fooganoo
Sirta aan fahmahaynna
Feermo uun laga doonay
Ayaa loo fadhiyaaye
Ma idiin fasiraa
mise waad fahanteen?

Fatwo gaalo qorshaysay
Carabi soo fangaraysay
Diktaatoor fududeeyey
Horaa loo farsameeyey
Fadhiyaa laga yeeshay
Faylal baa laga reebay
Dadkana waa lagu faafshey

Fatwo gaalo qorshaysay
Cadow aad u facweynbaa
Fikirkeeda lahaa
Muslinka aan firqadaynno
Qaarba aan fal ku eegno
Ayey faalliyo doodiyo
Fan ku soo bandhigeen
Qaar in faash lagu laayo
Qaarna fiise la siiyo
Qaar hub loo farsameeyo
Qaar adduun fara weyn
Faraqa loogu xantoobo
Ayey soo falkiyeen

Wadaad tiisa ku fooganoo
Sirta aan fahmahaynna
Feermee baa lagu leeyey

Faanna looma yaraysan
Adigaa yara fiican
Adigaa wax fahmaaya
Furfurraan adigaa leh
Dacwaddaad fidinayso
Fasax baannu ka yeelnay
Fiisahaad ku safrayso
Firii weeye adduunka
Sheekhow noo fasir diinta
Nimankaasi faquuqan
Waa fallaago-adduune
dadka noo fahansii

Wadaad tiisa ku fooganoo
Ficilo ay dhan ka hayso
Sirtana aan fahmahayn
Maragguu furilaabaa
Haddaa loo fadhiyaayoo
Waa la foolinayaaye
Bal maxaad filaysaan?

Faadhumaysi-dhaqaaq
Feker oo isla showr
Sagaal foolim kitaab ah
Hadba meel farta saar
Isaga oon fahmahaynin
Fatwadii la diyaarshay
Ku fadhiisi warkiisa
Fidno weeye dagaalku
Fasahaad dhalinaaya
Fikir weeye shisheeye
Falastiini Ciraaqiyo
Meel fog baa laga keenay
Annaga oo fiqigii leh
Fatwo-ba nooma dirtaan
Waar miyey falanyiin?

Maraykan waaba Fircoonoo
Faallo noogama baahnee
Adduunkaa cirka fuulay
Xiddigaa fananaaya
Kuwa feedh kula rooray
Maayagaa wax fahmaaya
Firqo weeye takfiira
Muu fogaan cilmigoodu
Way faquuqanyihiin
Waa fallaago-adduunyo
Cid kasta oo ku falaadda
Firxad yaacay ka yeesha
Diin ayaa fasaxaysa
Annagaa u fatwoonay
Fii sabiilil qabaa'il
Fii sabiilil xuduud
Fii sabiilil iqliim
Fii sabiili dariiqo
Fii sabiilil Jamaacah
Fii sabiil imbigaati
Fiitoo weeye codkaasi

Fa nacuudu billaah!
Wadaadow ha fidnoobin
Walaalow ha fogaanin
Ficilo yaanay ku qaadin

Adduunkii furin weeye
Rag ayeys fara saaray
Isku taagay fallaadho
Foolka fool isu toogtay
Faranji weeye midkood
Midna waa fi´adii
Idinba aad fahmayseen
Fagaare laysku haleelay
Fardo laysugu joogo
Faylka aad ka gashaa bay
Dadku fiirsanayaan

Bal hareeraha fiiri
Bal gadaal u fanjeedi
Foolaadkaas hore eeg!
Farta saar dhabankaaga
Fikir oo wax xisaabi
Fadlan haysku ciyaarin!

Ninka aad u fadwootay
Isagu wuu ku fahmaa!
Ninkii aad ka fadwootay
Isaguna wuu ku fahmaa!
Allihii fadligiisa
Kaa kor yeelay filkaana
Wuu ku fiirsanayaa!

Wadaadow ha fidnoobin
Walaalow ha fogaanin
Ficilo yaanay ku qaadin
Shir la soo farsameeyey
Ha u raacin falayd
Fudayd haw dhex dabbaalan
Ha feermayn wax qorshaysan
Ka fiirsaa lagu leeyey!

2011-01-23
Mirihii Maxamed Xirsi Guuleed

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Literature - Poems and Poets”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest