Gudcur damuug ah daw laga cabsado, iyo dalluun jeexan
Miiraale dooxyada rogayo, daadku mulucyeeyay
Aar diiqa leyl iyo mas iyo, daallunkiyo tuugga[?]
Amma Dayladhaafoo qabow, Diqimti Jiilaal ah
Dubatada cadceeddiyo hanfiga, diiran hilibkaaga
Dantii nimay waddaa baa dhex mara, diimadiimaha e
Hurdo wayga duuf waayadaan, umal daraaddiiye
Diilalyoodayeey xalay maxay, dihatay laabtaydu
Dawliskaa dhexdii laga jaree, dalawga laallaada
Darka jabay biyaha hoos ka da’ay, dakhalka iimoobay
Cirka da’ay dufaanka ku kacee, deeqdi gaaggixiyey
Geeddiga dib loo raray ciddoo, degi lahayd rayska
Daacuunka darayada noqdiyo, daafka iyo boogta
Ee dabakarruufkiyo kudkiyo, dugato daacaayey
Gabayada qabiilkoo duma-y, tahay dabuubtoodu
Ee duuddi kala qaaday baan, dood ka leeyahay e
Dumaal xumi walaalkoo dhintay, kugu diraysaaye
Ka darsoo hadday dibi dhashiyo, neef dalliigya lehe
Oo “Dooh” na waa lagu dayaa, awr haduuu dido e
Damiirkay canaantaye ma rabin, inan ka doodaaye
Soomaalinimadaa dayacan, yaan ka diir naxaye
Sheeko aanan doonayn bal aan, geliyo diiwaanka
Durub baa la faadhfaadhayaa, digo xabaallayde[?]
Dakhar holob lahaa baa ciddida, lagu damqaayaaye
Dakanaa ba loo yeelayaa, sheekadii Dura e
Doqon baa wax loo sheegayaa, dhaga daboollayde
Daa’imo carruuraa waddada, laga duwaayaaye
Duul aan lagaranaynin baa, loo dardaarwarinne
Tacab aan ku soo daalnay baa, daatay oo lumaye
Mid ka durug midna u durug is ma leh, dawlad iyo reere
Ninka gabayga doogta leh tirshow, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Geel se duqdii u weynayd hadday, orodka deyn weydo
Inu aarrankiisii durdurin, uu ka sii darayo
Dabadeedna kala lumi barkina, uu dibjiri doono
Oo aan dib laysula heleen, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Danwadaag waxaan rabin Allaha, Daa’imaa dila e
Haddaan daarta dhagaxweyn mid fudud, laysu dacal saarin
Darbiga sibirka ciid lagu dharfiyo, didibka hooseeya
Inta diilin laga saara iyo, daaqadda albaabka[?]
Dalays quruxsan diib lagu rinjiyo, midabka loo dooro
Haddii aan intaas laysku darin, inay dillaamayso
Oo aan dugsoon laga helayn, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Dixda hadalku meel lehe anoo, kaagi daba taagan
Iska daa rag dooroo dhintiyo, dumar la laayaaye
Hal waraabe dilay baan ka nixi, oo dalkeenna ahe
Dubbahaa innagu wada dhiciyo, duubiyada naarta
Ey laba da’ood oo is xigay, daabacays galisay
Dubkeennaa la qalayaa wadnuu, ila dubaaxshaaye
Dadka kama xigtide ula sinnow, taa ma dayi weyday
[Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid]
Duddada kii u horaa haddana, didiyey geeliiye[?]
Dabka wuxuu ka qaaataa shacbigu, dood abwaan yiriye
Carrab dalab leh iyo way gartaan, kii dantooda ahe
In la dala’san karo haw malayn, daa’in abaidkaaye
Dadweynuhu waxay leeyihiin, duun u hadalkooda
Lama arag dameer geeso lehiyo, dawlad reer qudha e
Waxay doonayaan wada jirkee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Dab haddii lahaystiyo haddii, gudin la daabaayey
Iyadoo an dawladi ba jirin, deyn u kala goysa
Dilku abidki waa toogo iyo, duunyo kale qaade[?]
Dorraad kii la jabiyaa berrina, daahya goyn jiraye
Inan qolona duub loogu xirin, waranna loo deebin
Ay dabar go’een uun ahayd, taas ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Hadal kama dammana baa la yiri, doqon habowdaaye
Sidaan damacsanaa iyo sidaad, adigu doonaysay
Kala durugsan oo waa Docmiyo, dibirki Ceelbuure
Soomaali oo duuban baan, deji lahaa meele
Diraacdaa ku raagtaan lahaa, roobku haw da’a e
Ha durduurataan lahaa nimcada, dararta xoolaaye
Ha is daadahaysaan lahaa, waa duntaa qudha e
Duud qaybsama sakaaradu ma lee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Dur iyo daabac kii loo ridaa, Naasaweyn dihine
Dabraceliska geeddiga xigeen, damacsanaa raaci
Dadka geedkan yaal baan lahaa, nabad u doondoone
Walaalaha is dooxaan lahaa, ha is daweeyeene
Dabku cadowku keenaan lahaa, daadiyoo quba e
Dillaalkiyo mallaalkaan lahaa, duubta gogalaaye
Daaraha Shawa iyo Xamar markaan, deer isugu keeno
Qaar kalaan ku soo dari lahaa, oo dirkooda ahe
Dawlad weyn ha noqotaan lahaa, waayo dabadoode
Damaashaadka faraxaan lahaa, daawasho u jooge
Arrin kaa dahsoon baa jirtee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Waxaan u mahad celinayaa Jidhidhico [jidhidhico.wordpress.com] oo aan filaya in uu suubiyey qaybta qoraalka ee Gabaygan qiimiga badan.