Ciidamada dowladda KMG ah oo baaritaano ku sameeyay jameecada masjidka Sheekh Cali Suufi.
Mogadishu 16, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamada dolwadda KMG ah ee Somalia ayaa caawa isku gadaamay masjidka Sheekh Cali Suufi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo baaritaano ay mid mid ugu sameeyeen jameecadii ku dukaneysay, iyadoo dadna ay ka kaxeysteen.
Salaadii maqrib ka dib ayaa ciidamo boolis ah oo ku hubeysan qoryaha AK47 waxa ay isku gadaameen masjidka Sheekh Cali Suufi, iyagoo ku amray jameecadii Masjidka in ay hal meel isugu wada tagaan islamarkaana uu baarayay hal nin oo boolis ah sida uu shabelle u xaqiijiyay Suxufi Madax banaan oo ka mid ahaa dadkii la baaray.
Waxa uu sheegay in aysan jirin waxa dhibaato ah oo ciidamada ay u geysteen dadkii ay baarayeen, marka laga reebo qoryo amaanka u furan oo ay ku taagayeen dadka.
Dadkii la baaray ayay ciidamada booliska u ogolaadeen in ay guryahooda aadaan, iyadoo in ka badan 10 ruux ay gooni ula baxeen, kuwaasi oo qaarkooda la sii daayay halka wararka qaarna ay sheegayaan in qaar kalena ay kaxeysteen.
Arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay jameecada ku dukata masjidkaasi, waxaana ay ku soo beegmeysaa xilli maanta in ka badan 5 qarax ay ka dhaceen suuqa Bakaaraha, iyadoo qaraxyadaasi oo ahaa kuwo lala beegsaday ciidamada booliska ay ku nafwaayeen 7 ruux oo labo boolis ay tahay.
________________________________________________________________________________
I remember when Siyad Barre's troops entered this masjid in 1989 and what a debacle it turned out to be.
The Punthiopians raid this masjid on a weekly basis...yet everyone is silent?
Rather than restore law & order, they resort to raiding mosques and hunting religious men?