War deg deg ah:Shiikh Axmed oo ahaa Aabihii dhalay Shiikh Shariif gudoomiyaha Maxkamadaha islaamka oo Maanta ku geeriyooday gobalka Sh/dhexe. 29 Sep 2007
Posted to the Web 29 Sep 07, 16:57
Allaha u naxariistee waxaa Maanta geeriyooday Shiikh Axmed oo ahaa aabaha gudoomiyaha golaha fulin ta Maxkamadaha islaamka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Xizbiga dib U-xuraynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Marxuum Shiikd Axmed ayaa Maanta ku geeriyooday tuulada Miirtaqwo oo 20-Km kaga beegan degmada Mahadaay ee gobalka sh/dhexe saacaddu markii ay ku beegnayd 3:00 galabnimo ee Maanta waxaana la sheegay in Shiikh Axmed uu ugeeriyooday Xanuun in muda ah hayay.
Marxuumka geeriyooday ayaa Ifka kaga tegay Carruur uu kamid yahay hugaamiyaha qaaliga ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo taageera baaxadleh kuleh gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya, Shiikh Shariif ayaa mar gudoomiya ka ahaa Maxkamadihii Islaamka oo mar katalin jiray geyiga Soomaaliya Allaha U-naxariisto Shiikh Axmed mandhinte waa allaa INaa LILAAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Waasuge Cadaado.com Muqdisho