Some pics
BOOSAASO: Mudaharaad xoogan oo rabshado wata oo ka socda magaalada Boosaaso kadib markii xabsiga la dhigay...
Posted to the Web Mar 23, 10:36
Boosaaso:-Magaalada dakada ah ee Boosaaso ayaa iminka waxaa ka socda mudaharaad xoogan oo rabshado wata kadib markii Wadaad magaciisa lagu sheegay Sheekh Cismaan ay gurigiisa kala baxeen ciidanka sirdoonka ee PIS. wali ma cadda khasaraha ay gaysteen rabshadahan.
Ciidanka PIS ayaa waxaa la sheegay in wadaadkan oo ah wadaad caan ah ay xoog ku galeen gurigiisa dabadeedna ay la aadeen xarunta ay magaalada ka dagan yihiin, waxaana la sheegayaa xiligii ay wadaadka ka xaynayeen uu geeriyooday mid ka mid ah askarta PIS kadib markii uu jiiray mid ka mid ah baabuurtii ay wateen.
Xaalada magaalada ayaa aad u kacsan waxaana la xiray dhammaan wadada laamiga ah ee dhexmarta bartamaha magaalada waxaana lagu gubay taayiro waxaana la dhigay dhagxaan iyo waxkasta oo dadka caraysan ay heli karayn.
Rasaas nooc kasta leh ayaa iminka dhacaysa oo laga wada maqlayo dhammaan magaalada oo dhan waxaana la sheegayaa in hawada Boosaaso ay isku badashay uuro madow oo sababtay taayirada ay gubayaan dad ka caraysan xariga wadaadka.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale la xiray Culimo caan ah oo la siidaayay kadib markii wax dambi ah lagu waayay,waxaana caro xoog badan ay ka timid dadka shacabka ah ee ku dhaqan Boosaaso.
Hay'adda PIS waa hay'ad sirdoon ah oo dhaqaale ka hesha dawlada Maraykanka dadka reer Puntlandna waxa ay u yaqaaniin ashahaado la dirir wayna neceb yihiin.