Maamulka Degmada baladxawo Oo Ka Warbixiyay Xarigii Ay U Geysteen Dad Ajanabi Ah.
Written by GMN
Thursday, 26 March 2009 13:19
Mar 26, 2009(GMN) Maamulka degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada dalka Kenya oo shalay lagu qabtay gudaha degmadaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Balad Xaawo Axmed Max’ed Barkuus oo ka warbixinayay ilaa 5-macalin oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee dalka Kenya oo ciidamada maamulka Balad Xaawo ay shalay gacanta ku dhigeen ayaa sheegay in 5-taan ruux oo labo ka mid ah Soomaalida Kenya yihiin ay si sharci daro ah ku soo galeen degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo iyagoo aan soo wargalin maamulka.
Waxaa uu tilmaamay in dadkaasi xiligaani aysan xabsi ku jirin hase ahaatee ay baaris ku socoto,isagoo gudoomiyuhu intaasi raaciyay in askarta dalka Kenya ay Soomaalida sharci darada ku joogta wadankooda ay xiraan iyaguna ay baari doonaan cid kasta oo ogolaasho la’aan ku soo gasha degmadooda. “Haa waa ay jirtaan in dad Kenyan ah oo xadka ka soo gudbay oo iyagoo Balad Xaawo dhexmaraayo lagu qabtay,hade labo dal oo daris ah ayaan nahay
su’aalo ayaan weydiinaynaa oo sida Soomaalideena loo baaro ayaan u baaraynaa kadibna waan sii daynaynaaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Maamulka Balad Xaawo Axmed Max’ed Barkuus.
Sidoo kale Axmed Max’ed Barkuus ayaa waxaa uu sheegay in culumo isugu jirta Soomaalida Kenya iyo kuwa kale ay soo booqdeen halka lagu haayo saraakiishaani ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee dalka Kenya islamarkaana ay ka wada hadleen.
Shalay ayey aheeyd markii Shantaan ruux oo ka soo gudbay xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya lagu qabtay degmada Balad Xaawo iyadoo ilaa iyo haatan aan la’ogeyn waxaa uu ka yeeli doono maamulka degmada Balad Xaawo oo gacanta ku haya dadkaasi.
X-Shabelle