Futtoole oo hanjabay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Xaaji_Xundjuf
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1790
Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
Location: Desert Nomadic

Futtoole oo hanjabay

Post by Xaaji_Xundjuf »

Image


Madax weyne C/raxmaan Faroole Oo Hanjabay....


{Garoowe} 3-6-09"Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabi raxamaan Maxamed Farole ayaa ugu baaqay kooxaha ku dagaalamaya koofurta Soomalia in dagaalka ay joojiyaan oo ay u daneeyaan dadka taagta daran ee ay ku kor dagalamayaan mudada dheer.



Farole ayaa hadalkan ka sii daayay Xaflad xariga looga jarayay wada cusub oo loo sameeyay Wasaarada Caafimaadka Maamulka Puntland oo xarun cusub looga dhisay meel dhanka galbeed Ikm kaga beegan Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday kooxaha dagaalamaya hadii ay diin ku dagalamayaan in ay diinta uga danbeeyaan Culumada waawyen ee soomaaliyeed iyagaa xalinaye hadii kale ay u naxaan dadka muda 20sana ku dhaw xabada ka dul socotay.

" Waxaan leenahay waana ka xunaha hadii aan nahay Shacabka Puntland mana jeclin in dadka walalaha aanu nahay ay noqdaan kuwa diris la ah baab,a waxaana leenahay joojiya xabada oo xalka raadsha una daneeya Shcabka" sidaa waxaa yidhi Madaxweynaha Puntland.

Farole ayaa intaa ku daray in Maamulkiisu haatan hayo kooxa sida uu sheegay doonaya in ay khal khal galiyaan amaanka Puntland waxuuna ka dhawaajiyay Madaxweynaha in uusan maamulkiisu u dulqaadan doonin cid kasta oo doonaysa in ay shido ka abuurta deegaanada Puntland.

"Maamulka waxa uu haatan gacanta ku haya kooxa lugu tuhunsanyahay in amaanka ay doonayeen in ay wax u dhimaan waxana la hor keeni doonaan Maxkamada waxana luugu qaadi doonaa sharciga waxa uu ka qabo" sidaa waxaa yidhi Farole

Ugu danbayntii ayuu Madaxweynuhu sheegay in ay hayaan dad badan oo ka soo qaxay dagaalada ka jira Gobalada koofureed ee dalka soomalia hasa ahtee waxa uu sheegay in dadkaa ay haayaan ay ka mid yihiin dadka loo adeegsanayo khal galida amaanka waxuuna dadkaa ugu baaqay in ay ka digtoonadaan waxii naftooda iyo sharaftooda wax u keeni kara.

Ma ahan markii ugu horaysay ee maamulka Puntland baaq ka soo saaro dagaalada ka socda caasimada soomalia ee Muqdisho wana markii labaada ee Maamulka Puntland uu ka hadlo dagaalada u dhaxeeya labada garab ee is diidan e Mucaardka iyo Dowlada.

Widhwidh Online News Desk...Media Center.....
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Futtoole oo hanjabay

Post by sheekh-Farax-zero »

Adi nacayb waa ku googooyn ma dhow :down:
User avatar
Xaaji_Xundjuf
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1790
Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
Location: Desert Nomadic

Re: Futtoole oo hanjabay

Post by Xaaji_Xundjuf »

nacay maxay ah :lol: :lol:
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Futtoole oo hanjabay

Post by sheekh-Farax-zero »

waa maxay dee,, ninku magac buu leeyahay,,maxaad siddii ciyaalka ugu caytamaysa.
User avatar
Xaaji_Xundjuf
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1790
Joined: Tue Jan 29, 2008 2:29 pm
Location: Desert Nomadic

Re: Futtoole oo hanjabay

Post by Xaaji_Xundjuf »

ma anagaa futooole futoole oo biixiinay . farac iyo isir buu oo leeyahay. :mrgreen:
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Futtoole oo hanjabay

Post by Queen_Arawello »

....
Last edited by Queen_Arawello on Sat Jun 06, 2009 11:29 am, edited 1 time in total.
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: Futtoole oo hanjabay

Post by Somaliman50 »

He is a nice man. At least he has concern for his fellow countrymen who are suffering in the capital. Why do we never hear any word of wisdom from Somaliland?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”