Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Postby MALMAHA » Tue Aug 11, 2009 2:58 am

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle
Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye

Bicir100
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 324
Joined: Fri Mar 06, 2009 10:56 am

Re: Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Postby Bicir100 » Wed Aug 12, 2009 7:46 am

Malmaha why didnt you finish gabayga sxb Let me help you out

Haddaan Diini magantiisba nahay ama Mareexaan ba :lol: :lol:

Nama midab-takoorshoo xaquu noo mitihiyaaye :lol: :lol:
Mataano iyo waxaan nahay dad aan kala maqnaanayne :lol: :lol:

ma adaa malkada caabudwaaq miig ku tegi doona
Sow inaan mataanaha ku jari miinka kuma taalo :lol: :lol:

KHalif:
Sidii inan lasoo meheriyoo loo mashxaradaayo
Mindhis maad ku keenteen xornimo madal dharaareede

Muqdhishiyo Hargeysaan ahayn oo mataano ahe

Isticmaarku maantuu ka kacay labada meeloodba

Muunays hashaadii dhashayoo muraha loo qaatay

Mulkigeedii waatii rag kale kaa marooqsadaye

adigoo martabadaad lahayd galab lagaa meershay (cigaal wagii la afgambiyey) :clap:

adigoo maruuryo iyo ciil wada madoobaaday

oo meel xilleh taagan baan maandhoow kaa naxaye(Cigaal Watii C/rashid raisal wasaare ka dhigey)
Intaad Diini magantiis tahoo daba-mushaaxayso :lol: :lol:
Daaroodka moolkaa intaad mid uun ku biirayso :lol: :lol:
Nacasyahow maqiiqani maxaa adiga kuu meel ah

User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Postby MALMAHA » Sat Aug 22, 2009 7:57 pm

siidan aya gabayadani uu dheceen,
dhbayacyahay uuraysaa. weliga hay iss odhanin, rag baad tihin. :mrgreen:



xaga hoose uu fiirso nacasow. :twisted:





Dharbaaxo Jin vs Khaliif Marruuryo
Dagaalkaas suugaaneed waxa ragga suugaanta u dhuundaloolaa ku soo gebagebeeyeen in Dharbaaxo jin ku guulaystey hadday noqoto, Gabay iyo murti, Asluub suugaamed. Gabayga Khaliif wuxu ku dhacay cay, cabaad, calaacal, cataw, ceebayn dad kale, caqiido xumo iyo ciraabtiisa oo ciishay oo uu ku ciilbixi kari waayey
1.Aftahannimo.
Khaliif oo is diidsiinaya gabaygii dharbaxojin ayaa yidhi
Hadii Qaasin soo marin lahaa kama masuugeene
Dharbaaxo-jin halkaas goldaloollo ayuu ka helay ah inaan khaliif ragaas murti ku gaadhin iyo in raggaas aysan caytamin sida khaliif uu u dhar dhigtayna aysan suubiyeen.
Haddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadsha
Murtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanayso
Maarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkooda
Muska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyahe
Kamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigaye


Dharbaaxo jin waxa uu tusayaa sida aakhiru-sabanku amuuro hor leh u keenay ee majeerteen murti ugu haweystey maansada macalimiinteedii.


Adduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdey
Adduunyadan malay dabatadii magaca doonayso
Adduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayey
Adduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyo
Addunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo
waa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiye


Wuxu abwaanku ku xijeyey inuusan ka masuugeen murtiyahanadii Daarood ee maasa tirinta lagu majeeran jirey.


Raggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meerye
Raagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helay'e
Seyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegaye
masalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marine
ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeene
Adigana inaan kula murmaa way macno la'aane
Mujiibtuba khasaaray ku tahay badaw Majeerteene


2.Cay mutuxan
khaliif markuu arkay in gabaygii laga helay ayuu bilaabay galgalasho iyo inuu
Af-lagaadeeyo hablaha durriyadda. Wuxu yidhi khaliid Sh Maxamud

hablihii mudnaan jirey maxaa magane soo dhoofshey
masjidkii ilaahay maxaa loo mushkiladeeyey



Dharbaaxo jin waxa u bannaanayd laba arimood.
Inuu xeerka islaamka iyo kan umadnimada dhawro oo uusan caytamin iyo
Inuu caytamo sida khaliif oo hablihii majeerteen ee madmadoobaa ee majeerteen caayo. Taas way la noqon weydey isagoo u arkay inaanay hablaha labada quruumood ahayn kuwo la isu caayo. wuxu malaha soo xasuustay murtidii Salaan Carrabey ee ahayd;

Goonbaartu waxay caasidaa midanay gaadhayne
Ma gudboona gaarida sare iyo gibirta naaxdaaye
Wuxu yidhi DHarbaaxo-jin


Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne
Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'e
Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye

Majeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne
Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye
Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne

Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye
Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay


3.Madax iyo Caloosha yaa cuna
Waayadii Somalidu magaalooyinka gashay waxay daruuri noqotay in raggu hotel furtaan oo ay raashin ku kariyaan si ay uga faaiidaan. Arrinka karinta raashinka wuxuu ka ahaa ceeb dhaqanka miyiga sidaa darteed bay Daaroodka qolyaha miyiga ku danbeeyey u arkayeen
in rag raashin karinayaa ay ceeb tahay oo ay Isaaqa ku caayi jireen. madaxa iyo caloolaha dad baa cuna Majeerteenka ku lammaansan oo Sab la yidhaahdo laakiin dhaqan ahaan isaaqu waa ka caagganaa oo ceeb bay ku ahayd.
Khaliif yidhi;

bal maxaa minjaha ugu gaddaan gigan makhaayaadka
maxaa fuudka maradaad qabtiyo mariyey shaadhkiinna


Dharbaaxo jin oo ka jawaabaya arrinkaas wuxu yiri;

Mid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaadday
Wanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawday
Madaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenay

Marongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdo
Mulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed leh
Idinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaane

Waase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyle
Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershey
4.Is beraanber.


khaliif wuxu yidhi;


iidoorku waa niman mahwiya muranku waa ceebe
Waa niman mahiigaan ka badan ama malaayiine
waa niman magaalada Berbera maal ka dhoofsada'e
hayeeshee marduug qaadi waa meheraddoodiiye


Dharbaaxo oo la yaabban kala hadalka kahliif wuxu yidhi;

Inaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba jooga
Inaan nahay dad wada muuminoo badi mashaa'iikha
Inaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelay

inaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayo
Ma og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalye
Micna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiye

Malaa'iigta Eebbiyo inaan Maxamed(CSW)caayayno
Inaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylaba
Inaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeynin

Inaannaan masuul qaban karayn maamulada guudka
Ma og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalye
labadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiine

Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
maskaxyare, malay hadhig ku dabe muramo naagodle
Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye

Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye

Maqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyey
dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye


5.Dawladnimo vs madaxnimo
labada nin midna Wuxuu ka gabyay dawladnimo iyo Calan midna madaxnimo qabiil lagu doonto bal ila fiiri akhristoow;

Muqdishiyo hargeysaan ahayn labada meeloodba
isticmaarku goortuu ka kacay labada meeloodba
Ee muunays hashaadii dhashee muraha loo qaatay

Mulkigeeda waatii rag kale kaa maroorsadaye
sidii inan makaan loo dhisoo loo mashxaradaayo
muqdishaad u geyseen xornimo madal dharaareede
maxaad aniga igu maadsataa lagu muquuneeye


Dharbaaxo jin oo hal-raacaya Khaliid wuxu ugu jawaabay

Taariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodo
Muqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiye
Maalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodba

Mulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujey
Mirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhowe
Haddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystay

Waad maqashay mooyee adaan joogin madashaase
Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye
Macnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanne

Waxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteene
Calankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyne
Shantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keen'e


User avatar
abdi342
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 250
Joined: Sat Nov 01, 2008 9:14 pm

Re: Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Postby abdi342 » Sat Aug 22, 2009 8:13 pm

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle
Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye

Walee inan fariid ah baad tahay oo xasuusta gabayada war heedhe kan ma kii la curiyey baa ka hor INTAAN HOOYADAA JILFO MAJEERTEEN GELIN!

Bicir100
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 324
Joined: Fri Mar 06, 2009 10:56 am

Re: Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Postby Bicir100 » Sun Aug 23, 2009 6:29 am

Haddaan Diini magantiisba nahay ama Mareexaan ba

Nama midab-takoorshoo xaquu noo mitihiyaaye
Mataano iyo waxaan nahay dad aan kala maqnaanayne

ma adaa malkada caabudwaaq miig ku tegi doona
Sow inaan mataanaha ku jari miinka kuma taalo
Sufficient-Enough

User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Postby MALMAHA » Mon Aug 24, 2009 8:59 pm

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle
Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye

Walee inan fariid ah baad tahay oo xasuusta gabayada war heedhe kan ma kii la curiyey baa ka hor INTAAN HOOYADAA JILFO MAJEERTEEN GELIN!

ninka asaladiisa laysku haystaa dadka inuu mago maha. :lol:
baall ila eeg gabaygan hoosta ku qoran




Macbudkii na kii dhaafiyey aan mahadinaynaa
Mus ka soo dhac iyo cayi waa meheraddiiniiye
Idinkoo madhsaday xeedhyahoon madhax idiin oollin
Haddana inaad masala doontahaan maanka ka arkaaye
Anigoo masuul qaransidoo sharafya maamuusle
Dad maxaysato ah lama tirsado oo masaafuray :lol:

Iyagaaba malaggood galoon madax bannaanayn
Adoo mudhuxsan oo qaawan baa meel lagaa helay :lol:

Maraay aa lagaa soo dejiyey maalin duhurkii
Markhaatina waxaa lagu hayaa maqalyo taariikh



Adigoo maqaar bahalle iyo aadmi madixiisa
Markaan ku arkayoon kaa samroo kaa moral jabay
Murdisadi aad iga taabataan maydhay toban jeer

:lol: :lol:

Marjafkii ninkii kaa jaree marada kuu iibshey
Markaad dheregtey inad caydo waa Garac maqaankii
Mushkiluu dhaxlaa ruux kastee wacal masruufaaa

waa waxaan minhaaj iyo ku dhalan meher xalaaleed
Oo aan muftiyo hooyadiis macallin loo geyn
:lol: :lol: wa tii majerteen oo dhan dhashay love ba lagu shegaya. :mrgreen:

Marti kibirtey waa ba'antay iyo magan cadhootaaye :lol:
isa soo mutuxa waa waxaad naga macaashtaane :evil:

User avatar
abdi342
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 250
Joined: Sat Nov 01, 2008 9:14 pm

Re: Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Postby abdi342 » Wed Aug 26, 2009 7:56 am

Waxaan ka xumahay inaan kuso jawaabin waxaan ku maqnaa safar.

Waxaa tahay ilmo aan kuu sheego majeerteen weligiis dhilonimo laguma ceeyn. Waxaan filayaa weligaa ma tegin rugaga ay HJ ka degaan degomoyinka
aad ula baxdeen SOOMAALI LAAN oo hadii la tafsiiro u dhiganto siilki soomaaliya.

Wedii dadka kaa waaweeyn in aad na oran jidheen Boowe lacagta hana dhaafin inagaa isku reer Bari ah... Kkkk

Hadii wecelnimo laga hadlo waa la yaqaan cidey ku dheceeyso oo Isaaq weligiis ma dhalin wiil wuxuu ka tagey gebdho hal wiil baa u ahaan jirey gacan haye
oo Oramo ah waana kan kula duugan XIIS ee weydii reerahaaga. Kkkkk

User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle

Postby MALMAHA » Mon Aug 31, 2009 8:47 pm

Dad maxaysato ah lama tirsado oo masaafuray :lol: :lol:




Adoo mudhuxsan oo qaawan baa meel lagaa helay
:lol: :lol:

wale ninkan wuu gumaye ninmanka majerteen la yidhadoo, wayo dadku tuusay waxa ay yihin. :clap:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 10 guests