Saqiir (9-bilood jir) oo xarfo qur`aan kusoo qorma jirkiisa jimco kasta
MUCJISO! Saqiir sagaal bilood jir ah oo lagu magacaabo Cali Jacqubov una dhashay Ruush ayaa waxa la sheegayaa in ey jirkiisa kusoo qormaan Jimco kasta xarfo qur`aanka ka tirsan oo kala duwan.
Boqolaal kun oo dad ah iyo joornaaliistayaal ayaa usoo daawasho tagtay wiilkaas mucjisada ah, waxaana darbiga gurigooda lagu dhajiyay sawiro badan oo ka tarjumaya xarfihii kusoo qormayay cajirkiisa tan iyo markuu dhashay.
Saqiirkan ayay hooyadiis sheegtay in uu xanuunsado oo uu aad u ooyo marki ey xarfahani qur`aanka kasoo baxayaan wiilkeedaa, waxaana ey intaasi raacisay in jimco kasta aayad ama xarad cusub uu kusoo qormo jirkiisa.
Arrintan ayay saxaafada caalamka maalman dambe hadal haysay, waxaana lagu timaamay mucjiso ey dadka qaar ku fasireen fariin ka socota Ilaahay oo mudan in lagu cibri-qaato
[youtube]=IWKiK-phyUI&feature=player_embedded[/youtube]