Borama-(Lug)-Meherka qarniga oo ka dhacay masjidka wayn ee masjidka jaamac ee magaalada Boorama waa markii u horaysay ee uu meherka dhaco masjid dhexdii iyo intii ka danbaysay mudadii Nabi Maxamad “CSW” u noolaa, Meherkanina waxa uu noqday meherkii ugu horeeyey ee ka dhaca Masjiid dhexdii Magaalada Borama. Si kastaba ha ahaade waxay noqon kartaa tusaale iyo soo noolayn sunihii diiniga ahaa, Boqorka Maxamad Nuuriye Iyo Boqorada Xaawa Muxumad Diiriye waxa ay noqdeen kuwii dib usoo noolaysiiya dhaqankii Islaamiga ahaa. Culimada waawayn ee gobolkuna waxaa ay ku tilmaameen howlahani inay yihiin wax lagaga daydo Mudane Maxamad iyo Marwo Xaawa maadaama oo ay soo noolyeyeen wax aqiido ahayd oo hada laga joogo mudo badan. Waxaanayna ku jawaabeen : sida laga warqabo amaba ay tahay dhabtu inta badan waxaa lagu meherin jiray masjidyo waa mudadii rasuulku joogaye.