Taageerayaal Ballaadhan oo ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Taageerayaal Ballaadhan oo ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Post by Siciid85 »

Image


Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Xaflad Ballaadhan Oo Soo Dhawayn Ah U Sameeyey Taageerayaal Badan Oo Ku Soo Biiray

Xisbiga UCID oo Xaflad Balaadhan U Sameeyay Taageereyaal Ka Soo Baxay Xisbiyada UDUB iyo KULMIYE

“Dawladii Hoose iyo Tii Sareba way inaga saqiireene’e ilaahay ha u naxariisto faataxa”

Hargeysa (Ramaas) Mar.10, 2010 - Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta xaflad soo dhawayn ah ugu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa taageereyaal tiro badan oo ka soo kala baxay xisbiyada UDUB iyo KULMIYE.



Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad naqay dhalinyarada degmada 26-ka June ee ku soo biiray xisbigiisa waxaanu ka waramay xaalada dalku maanta ku jiro.



Faysal Cali Waraabe wuxuu si qoto dheer uga hadlay midnimadii Somaliland la gashay soomaalidii koonfurta waxaanu tilmaamay inaanu jirin midow sharci ahi ee ay Somaliland isu dhiibtay Soomaaliya.



Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya ee dariska la ah Somaliland wuxuu yidhi “Markii Somaliland aynu nabadda iyo dawladnimada dhisanay ayay Soomaaliyana dagaal bilaabeen dagaalka dagaalka ugu xun ayay ku jiraan waad ogtihiinoo dawlad gacan ku ribis ah ayaa Jabuuti loogu soo yagleelay, waxa la doonayaa in la keeno ciidamo gaallo ah iyo Maraykan ah taasna waxa keentay tallo xumadooda. Ummadda haddii uu Hoggaanku kaa xumaado waxa dhibteeda waxa tusaale inoogu filan dalka Ciraaq.”



Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in dawlada Somaliland ay ku guul daraysatay inay ka soo dhalaasho waajibaadkii loo igmaday ee dhinacyada arrimaha bulshada, waxaanu yidhi “Shacbigeenu way dedaaleen waxay dalka abuureen shirkado kala duwan oo noocyo badan laakiin waxa meesha ka maqan doorkii dawlada. Shacbigu wuxuu leeyahay inuu cashuurtii bixiyo dawladuna waxa xaq loogu leeyahay inay waxbarashadii dhisto, caafimaadkii keento, wadooyinkii samayso, biyihii keento, nabadgelyadii ilaaliso. Maanta biyo ma haysano, iskuuladu waa lacag tayana ma laha, caafimaad hadalkiisaba daa, laydh ma lihin. Walaalayaal meelaha aanu xooga saaraynaa waa meelahaasi waa inaynu gaajada la dagaalano walaalayaal caasimadeenu miyay caasimad u egtahay.”



“Waxaynu noqonay qoys laba carruur ah lahaa oo labadii ilmoodba ka saqiireen dawladii Hoose iyo Tii Sareba way inaga saqiireene’e ilaahay ha u naxariisto faataxa. Walaalayaal waxaanu doonaynaa xisbi ahaan inaanu waxaasi bedelno oo aanu ka shaqeyno inuu qof kastaaba biyo nadiif ah helo,”ayuu yidhi Md. Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi “Walaalayaal illaa 2003-dii markii la doortay Madaxweynaha maamulka Somaliland oo dhammi miyuu gaadhay dalkii oo dhan, Burco kama jiro magac ahaan uun bay maamulku uga jirtaa.”



Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inay doonayaan haddii la doorto inay dalka ka hirgeliyaan dawlad awood leh oo shaqaynaysa. “Dawlada waxaan leeyahay diinka ayaa la yidhaahdaa indhaha ayuu wax ku koriyaaye’e dadku diin ma ahee gurmad bay u baahan yihiin, waxa laga sheekaynayay dhawaan meelo dalka ka mid ah markii carruurtii yar yarayd roobkii meel ay ka galaan ay waayeen ayaa digadii adhiga la jiifiyay, Walaalayaal intee in leeg ayaynu konton Wasiir masruufi karnaa muddo todoba sanadood ah ayaynu masruufaynay,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.



Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Murrashaxa madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID Prof. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, waxaanu u mahad celiyay dhalinyarada xisbiga ku soo biirtay, waxaanu ka waramay barnaamijka xisbigaasi ee la xidhiidha dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurista iyo siyaasada.



Prof Maxamed Rashiid Sh. Xasan wuxuu ugu baaqay inay doorashada u diyaar garoobaan isla markaana ay codkooda siiyaan cida ay is leeyihiin wax bay ummadda iyo dalka u taraysaa.



Xubno ka mid ah taageereyaashaasi oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xisbigan ugu soo biireen markii ay ku qanceen siyaasadiisa waxaanay tilmaameen in Hoggaankiisu yahay dhiig cusub oo wax ka tari kara xaalada dalku maanta ku jiro.



Ramaasnews Desk

Hargeisa
Last edited by Siciid85 on Wed Mar 10, 2010 1:51 pm, edited 1 time in total.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Xaflad Ballaadhan Oo Soo Dh

Post by The_Emperior5 »

Xisbiga ucid iyo faisal cali waraabe, :up: its just funny though when they say xisbiga ucid wa xisbiga dhaliyarada :lol: hada faisal cali waraabe wa 64 jir :lol: hooyadii baanu garanayna :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Taageerayaal Ballaadhan oo ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Post by Siciid85 »

Emperior, dee Faisal ali waraabe is Dhalinyaro compared to Muj. Siilaanyo who is in his late 70s , wax bana ugama hariin ba 80kii. :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Taageerayaal Ballaadhan oo ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:Emperior, dee Faisal ali waraabe is Dhalinyaro compared to Muj. Siilaanyo who is in his late 70s , wax bana ugama hariin ba 80kii. :lol:
Daahir rayaale ba dhaliyaro ah he 58 years old :lol:
Silanyo must be old laakin Wa fressh wali sidu u hadlayo wa xoog wali Cabdilahi yusuf kama yara 8-)
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Taageerayaal Ballaadhan oo ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Post by Siciid85 »

Emperior, even though Dahir Riyaale is 58 he seems bit older since he is suffering from the "Kursi" Jacel syndrome which mostly happens to older odayaal. :lol:


I think Muj Siilaanyo is older then Abdulahi yusuf though, does anyone have the birthdate of Muj. Siilaanyo?
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Xaflad Ballaadhan Oo Soo Dh

Post by hargaysaay »

The_Emperior5 wrote:Xisbiga ucid iyo faisal cali waraabe, :up: its just funny though when they say xisbiga ucid wa xisbiga dhaliyarada :lol: hada faisal cali waraabe wa 64 jir :lol: hooyadii baanu garanayna :lol:
do you realy know his mother :?
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Taageerayaal Ballaadhan oo ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Post by LiQaaye_TDH »

Mujaahid Silaanyo is 74... while Caasho Bijo were 80....even Mugabe, Barlascooni all of them are older then silaanyo....
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Xaflad Ballaadhan Oo Soo Dh

Post by The_Emperior5 »

hargaysaay wrote:
The_Emperior5 wrote:Xisbiga ucid iyo faisal cali waraabe, :up: its just funny though when they say xisbiga ucid wa xisbiga dhaliyarada :lol: hada faisal cali waraabe wa 64 jir :lol: hooyadii baanu garanayna :lol:
do you realy know his mother :?

yeah i know magaceeda ma ku sheega :P
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Taageerayaal Ballaadhan oo ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Post by Siciid85 »

Liqaaye, thanks for the details of Siilaanyo. :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Oo Xaflad Ballaadhan Oo Soo Dh

Post by Siciid85 »

hargaysaay wrote:
The_Emperior5 wrote:Xisbiga ucid iyo faisal cali waraabe, :up: its just funny though when they say xisbiga ucid wa xisbiga dhaliyarada :lol: hada faisal cali waraabe wa 64 jir :lol: hooyadii baanu garanayna :lol:
do you realy know his mother :?



I think Faisals mother is S.M.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”