Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby yawle » Sat May 15, 2010 4:37 pm

Wasiir Cawil Oo Ka Hadlay Doorashoyinka iyo Waraysi xiiso badan

(Hadhwanaagnews) Saturday, May 15, 2010



Hargeysa(HWN) -Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay sida ay u aragto taariikhda ay koomishanka doorashooyinku u cayimeen doorashada madaxtooyada oo ah 26 Juun oo ay muddo yari inaga xigto.

Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan wakhtiga cusub, islamarkaana uu Madaxweynuhu sida ugu dhaqsaha badan u saxeexi doono hirgelinta maalintan. Wasiirka, oo shalay waraysi gaar ah uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu saadaaliyay inay doorashada ku guulaysan doonaan, isagoo sheegay in xisbiga KULMIYE aanu wax dan ah u wadin shacabka iyo dalkaba. Wasiir Cawil, waxa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay si nabad ah u qaataan kaadhadhka cusub. Waraysigaas oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:

Wasiir doorashadii Madaxtooyada waxa loo cayimay inay dhacdo 26-ka bisha Juun ee sanadkan, markaa sideed u aragtaan.?


Aad ayaanu ugu faraxnay in maalin la cayimo, waayo awal muhmal ayay ahayd, markaa in gudida doorashadu maalintii sheegaan aad ayaanu ugu faraxnay waanuna soo dhawaynaynaa.

Wasiir maadaama oo xisbiyadii kale soo bandhigeen barnaamijyadoodii siyaasadeed, doorashadiina bil iyo dheeraad ka hadhsan tahay maxaad isla haysaan.?


Horta barnaamijka aanu soo wadnaa waa mid culus, waxqabadkayagii ayaa ka muuqda, waxa ka muuqda waxa aanu doonayno in aanu qabano, markaa halka axsaabta Mucaaradka ahi ay soo qoreen waxoogaa dhowr bog ah, taayadu way ka cuslaanaysaa oo xil-baanu haynay, mudadii aanu xilka haynay halka aanu dalka soo gaadhsiinay waa inay ka muuqataa, waa in aanu iyadana ku darnaa wixii aanu jecelnahay in aanu umadda u qabano haddii aanu guulaysano, markaa mar walba way ka cuslaanaysaa axsaabta mucaaradku waxay soo saareen, taas ayaana keenaysa inay maalmo dib u dhacaan, maalmahan ayaanu barnaamijkaasi soo baxayaa.

Laakiin Wasiir dad badan ayaa idin dhaliilsan oo leh maxay dawladu la shir iman doontaa, mar haddii Mucaaradkii soo bandhigeen barnaamijyo habaysan, sida mushaharka shaqaalaha, oo ay kordhiyeen, miisaaniyadda oo ay dejiyeen, mushararka ciidamada oo ay isna kordhiyeen.?


Horta mucaaradka ragga madaxda u ah nin aan xil soo qaban kuma jiro, xilkii ay soo qabteena mid meel gaadhsiiyay ma jiro, barnaamijka ay soo qorteena waa mid aan hubo in aanay wadi karinba, waayo meesha wax ay kordhinayaan iyo waxa ay samaynayaan dakhliga meesha ay ka soo saarayaan may sheegin, anigu Wasiirka Maaliyadda ayaan ahay waxaan ogahay ciidamadeenu tiradda ay tahay, culayska ay tahay, markaanu 50,000 shilin kordhinay 2007-dii oo ciidamada ah, waxay noqotay 8 bilyan, waxaan ogahay culayska, dawladnimadu waa miisaan, waxa ay maanta qoreen mid qudha oo fulin karaa ma jiro haddii ay yimaadaan, anagu dalkan Zero (Meel madhan) ayaanu ka soo qaadnay, ciidamo ayaanu dhisnay, ciidamadaa aanu dhisnay kama sheekayn karno halka aanu ka soo qaadnay iyo halka aanu soo gaadhsiinay, ciidamo waxa aanu dhisnay awood u yeeshay dalkii inaga maqnaa sida Laascaanood oo kale ay soo ceshaan, ciidamadaa waanu dhowraynaaye maalin hore ayay ilaa xuduudka fadhiisan lahaayeen, anaga ayaa doonayna tartiibtii berrigii horeba aanu ku wadnay ee aanu dadka ku qancinaynay, qobalada Puntland-na aanu tusaynay in ciidamadu soo dhaw-yihiin, markii ay bixi waayeena waynagii Laascaanood ugu tagnay, waynagii guusha ka soo hoynay, xuduudiina waynu gaadhaynaa, ciidamadaa dhisi-doodu culayska ay leedahay nin masuul ah oo Wasiirkii Maaliyadda ah ayuunbaa garan kara culayska ay dawlada ugu jiraan, dal la caawiyo ma nihin, oo hal door oo caawimo ah ma helno, waxa aanu wax ku wadnaa waa cashuurtaa yare ee ina soo gasha, Miisaaniyadda 79 Bilyan ayaanu ka soo biloway 363 bilyan ayaanu soo gaadhsiinay, cashuurtii aanu qaadanay ayuunbaanu halkaana ku soo gaadhiinay anaga oo aan wax cashuur ah kordhinin, mudadaa aan Wasiirka Maaliyadda ahaa shilin cashuur ah oo aanu kordhinay ma jirto ee tii inaga baaqan jirtay ayuunbaanu urursanay waliba si dadka aan culays ku keenin baanu u urursanay, ilaa maanta xawaaladihii waxba kamaanaan qaadin, telefoonadii waanu dhowraynaa oo sharciyaddii iyo habka lagaga qaadayay ayaanu u baahanahay, markaa anagu barnaamijka aanu halkaa dawlada ku soo gaadhsiinay waad ogtihiin, ta kale dalka inaad nabad ku hayso oo sharcigiisa iyo kala dambayntiisu sugnaato oo bileysku dhisnaado oo ciidamadu dhisnaadaan, waa dawladnimada ugu horeysa, dawladnimadu waa cudud, cudud uu cadowgu kaaga baqo iyo ciidan boolis ah oo dhisan oo nabadgalyada suga, haddii aynaan ciidan dhisanin waxba maynaan qabsan karneen, oo ciidamadaa Puntland jooga ayaa inagu soo durki lahaa.

Laakiin iyaguba (Mucaaradka) anagu waxaanu soo marnay Wasiir Maaliyadeed markaa xog-ogaal ayaanu nahay ayay ku doodayaan oo wax badan waanu kordhin karnaa.?


Markaan run u hadlo Wasiir maaliyadeed way soo mareen laakiin way wadi kari waayeen xaqiiqdii, ninka aad macdaar u dhiibato ee macdaarkii fashiliya caqli maaha Super-Market ayaan u dhiibanayaa, Wasiir Maaliyadeed ayuu ku fashilmay waana xaqiiq, bal ha sheego waxa ay qabteen mudadii ay wasiir maaliyadeedka ahaayeen, maalinta aan anigu is idhaahdo jago tan ka wayn raadso waxa la odhanayaa Cawil muxuu qabtay, haddii la arkay inaad fadhiid noqotay oo aan waxbana qaban waayay waxba la ii dhiiban maayo, ganacsiga muxuu u qabtay oo uu u soo kordhiyay hala waydiiyo oo ha sheego, haddii uu sheegi kari waayo oo aniga oo Wasiirkii ganacsiga ahina aan sheegi kari waayo waa in la yidhaahdo xil kaa ka wayn kuu dhiiban mayno oo kii aanu kuu dhiibnay ee Wasiirka ahaa ayaad ku fashilantay, xitaa qaarkood Wasiirka daakhiliga ayay noqdeen, nin xilkii uu hayay aan ku fashilmin maba jiro, KULMIYE qof qof baan u sheegi karaa.

Mucaaradku waxay leeyihiin doorashada la iskuma dhawaanayo oo tiro badan ayaanu ku badinaynaa, idinku rajo intee leeg ayaad ka qabtaan inaad badisaan.?


Doorashadii hore daad ayay soo dhaqaajiyeen dawladuna wakhtigaa way jilicsanayd, Madaxwaynuhuna ku meel gaadh ayuu ahaa, wax walba way soo kordhiyeen, lacag bay meel kasta ka heleen, waxa dhacday ololahii ayay ku wadeen si guracan oo wax dareen abuuraya ayay is lahaayeen wax ku hela, labada xisbi KULMIYE dareen ayuu abuurayay dadka is nacsiinaya oo cunsuriyad wadata, UCID-na u fiirso, dalka ayaan wax u qabanayaa ayuu lahaa waanay ku waayeen labadooduba.

Haddii KULMIYE dalka qabsado maxaad yeeli, ma dalkaad iska joogi.?


Haddii cid kale qabato Anigu buugtaydii ayaan dib ugu noqonayaa, laakiin waxaan aaminsanahay Mucaaradku adduunka oo dhan way buuq iyo sawaxan badanyihiin, dawladuna way ka aamustaa, waxaan aaminsanahay in aanu cod aad u fiican oo sidii barrigii hore aanay isku dhawaantii jirayn oo aanu si fiican fiican uga guulaysanayno, umaddana waxaanu u sheegaynaa waxaanu qabanay, iyaguna waxay u sheegi doonaan wixii dhib ah ee ay gaysteen, waanuna ka guulaysanaynaa waanad arki doontaa.

Wasiir dad badan ayaa aaminsan in Xisbiga UDUB kala daadsan yahay, adigu sidaas ma qabtaa.?


Maya ma qabo, xisbiga UDUB ma kala daadsana, ololahana waa la galayaa, ololaha waxa xirfadu ku jirtaa inaad dib u yara dhigato, Obama (Madaxwaynaha Maraykanka) ayaan buugiisa akhrisanayay waxa uu yidhi ololahayga dib ayaan u dhigan jiray, ragga kalena way isa sii daalin jireen, markaa ololahayaga marka aanu bilowno waxa aanu u dhaqaajin doonaa si culus oo aad yaabi doonto, laakiin wax walba waa inoo diyaar xisbiguna ma kala qaybsana.

Wasiir dad badan ayaa adiga iyo wasiir kale idinku eedeeya inaad tihiin kuwa Madaxwaynaha ugu dhow ee la taliya mararka qaarkoodna booraan ku rida, arintaa maxaad ka qabtaan gaar ahaan adigu.?


Waxba kama jiraan waa dacaayado aan sal iyo baar lahayn, dalkan aniga oo dhalinyaro ah ayaan inqilaab u sameeyay oo aan is idhi kala goo (Wakhtigii soomaliya) oo dawladnimadii u soo celi, iga daacad ayay ahayd oo wax kale oo aan rabay ma jirin, naftayada ayaanu khatar galinay aniga iyo saraakiishii kale, waana wax aanu aaminsanayn, marka aan wasiirnimada aqbalay wax badan ayaa igu seegay, waayo buugaag ayaan qorayay, USAID-ka ayaan la taliye ka ahaa oo dhowr kun oo doolar ka qaadan jiray aniga iyo niman kale oo Afrikaan ah, oo sagaal wadan oo Afrikaan ah oo la isku yidhaahdo Geeska Balaadhan ayaan la taliye u ahaa, markii aan aqbalay wasiirnimada waxa aan la rabay uun Maxamed Xaashi iyo Dr. Sacad Sheekh Cismaan, ee anigu ma rabin, waayo xitaa waxa jira buug aan nus dhameeyay oo lacag la iga sii siiyay oo aan imika dhamaystiri kari waayay, kuwo kale ayaa jira, marka aad buug qorto ee la aqbalo ee aad mid labaad qorto ee la aqbalo, shirkadaha waawayn ayaa kula soo xidhiidhaya oo ku odhanaya arimahaa Soomalidu wali may dhammaane wax nooga sii qor, markaa waxaan shaqadaa iyo culayskaa iyo xilkaa u qabtay waxa weeyaan bal inaan umadda inta cimrigayga ka hadhay wax u qaban karo oo taariikhda ku faanto oo aad tidhaahdid mudadaa ayaan wax qabtay.

Markaa waxba kama jiraan miyaa hadalada dadka yidhaahda Madaxwaynaha booraan ayaad ku ridaan.?


Xaasha! Dalka wanaagiisa ayaan rabaa, taariikh-baan ku leeyahay, waa halkaan ku dhashay waa halka xuduntaydu ku aasan tahay, wax kale iskuma haysano xisbigaa KULMIYE, waxaanan qabaa in aanay wanaaga dalka wadin.

Sababtu waa maxay Wasiir, haddii uu xisbiga musharax ka yahay Axmed siilaanyo oo ahaan jiray hogaamiyihii SNM oo ah jabhadii dalka xoraysay. Maxaad u leedahay KULMIYE dalka wanaag uma waddo?

Marka aan xaqiiq u hadlo, madaxnimadu waa ayaan, cilmi, quwad iyo lacag midna kuma xidhna, ninku buruud iyo ayaan ayuu la yimaadaa, dalkaa Jabuuti ee jaarkeena, Ismaaciil ayaa yimid oo ayaan ayuu la yimid, ninbaa meel madax ka noqda markaas ayuu dhulkaasi gubtaa, ninbaa meel aan jirin Madaxwayne ka noqday, lixdii sanadood ee uu Siilaanyo hayay waa lixdii SNM baaba’day waana xaqiiq, maalintii uu la wareegay SNM jabhad ayay ahayd maamul iyo kala dambayn leh, maalintii uu ka tagayna dhulka ayay taalay oo saraakiishii ayaa is qabsaday oo kooxo noqday oo ka carar ayay ahayd aasantaye, anigu taariikhda ayaan ururiyaa, bishii Agusut, ayaa nin SNM loo doortay dabeedna dalka ayaa la soo galay, ayaanka ayaan kuu sheegayaaye, lixdii sanadood ee Siilaanyo lix bilood oo Cabdiraxmaan Tuur ah ayaa badashay, ayaanka ayaa qofka diyaarad u noqdo oo qaada midna banjariya,

Markaa idinku doorashada Madaxtooyada iyo warqada uu Komiishanku idiin soo gudbiyayba waad soo dhawaynaysaan oo waad ku faraxsan tihiin miyaa.?

Boqolkiiba boqol waanu soo dhawaynaynaa, Madaxwaynuhuna warqada digreetada ah wuu ku qorayaa, waanuna ku faraxsanahay in aanu tartankii doorashada galno oo aanu iska reebno xisbiga naga daba hadlaya.

User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby yawle » Sat May 15, 2010 4:40 pm

This is an interesting interview, Mudane Caawil has delivered many nuggets in here.

Markaan run u hadlo Wasiir maaliyadeed way soo mareen laakiin way wadi kari waayeen xaqiiqdii, ninka aad macdaar u dhiibato ee macdaarkii fashiliya caqli maaha Super-Market ayaan u dhiibanayaa, Wasiir Maaliyadeed ayuu ku fashilmay waana xaqiiq, bal ha sheego waxa ay qabteen mudadii ay wasiir maaliyadeedka ahaayeen, maalinta aan anigu is idhaahdo jago tan ka wayn raadso waxa la odhanayaa Cawil muxuu qabtay, haddii la arkay inaad fadhiid noqotay oo aan waxbana qaban waayay waxba la ii dhiiban maayo, ganacsiga muxuu u qabtay oo uu u soo kordhiyay hala waydiiyo oo ha sheego, haddii uu sheegi kari waayo oo aniga oo Wasiirkii ganacsiga ahina aan sheegi kari waayo waa in la yidhaahdo xil kaa ka wayn kuu dhiiban mayno oo kii aanu kuu dhiibnay ee Wasiirka ahaa ayaad ku fashilantay, xitaa qaarkood Wasiirka daakhiliga ayay noqdeen, nin xilkii uu hayay aan ku fashilmin maba jiro, KULMIYE qof qof baan u sheegi karaa.

User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby yawle » Sat May 15, 2010 4:45 pm

Marka aan xaqiiq u hadlo, madaxnimadu waa ayaan, cilmi, quwad iyo lacag midna kuma xidhna, ninku buruud iyo ayaan ayuu la yimaadaa, dalkaa Jabuuti ee jaarkeena, Ismaaciil ayaa yimid oo ayaan ayuu la yimid, ninbaa meel madax ka noqda markaas ayuu dhulkaasi gubtaa, ninbaa meel aan jirin Madaxwayne ka noqday, lixdii sanadood ee uu Siilaanyo hayay waa lixdii SNM baaba’day waana xaqiiq, maalintii uu la wareegay SNM jabhad ayay ahayd maamul iyo kala dambayn leh, maalintii uu ka tagayna dhulka ayay taalay oo saraakiishii ayaa is qabsaday oo kooxo noqday oo ka carar ayay ahayd aasantaye, anigu taariikhda ayaan ururiyaa, bishii Agusut, ayaa nin SNM loo doortay dabeedna dalka ayaa la soo galay, ayaanka ayaan kuu sheegayaaye, lixdii sanadood ee Siilaanyo lix bilood oo Cabdiraxmaan Tuur ah ayaa badashay, ayaanka ayaa qofka diyaarad u noqdo oo qaada midna banjariya,

User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby GENERAL_SNM » Sat May 15, 2010 4:57 pm

Image

We coming for you....

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby The_Emperior5 » Sat May 15, 2010 7:03 pm

cawil muxu ka ogyahay snm , walahi iidoorku wa jabbbeen maalintay ka waraysteen Cookie maxammad siyaad barre cuntada uu karrin jiray iyo weelka u xali jiray maalintay snm ka waraysteen la xawla :down: :down: yawle . cawil lamaba hubbo xita inu muse care yahay abihi maba dhali jirin ducaale :lol:

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby Goljano Lion » Sat May 15, 2010 7:06 pm

cawil muxu ka ogyahay snm , walahi iidoorku wa jabbbeen maalintay ka waraysteen Cookie maxammad siyaad barre cuntada uu karrin jiray iyo weelka u xali jiray maalintay snm ka waraysteen la xawla :down: :down: yawle . cawil lamaba hubbo xita inu muse care yahay abihi maba dhali jirin ducaale :lol:
:lol: :lol: X-play said it before

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby The_Emperior5 » Sat May 15, 2010 7:09 pm

cawil wrote a book and said that his father maba dhali jirin and then aabihi wuxu u tagay naag faalisa, and then she told him to marry an arab lady , slaanti arabku guursaday and then Mucjiso baby cawil ba dhashay ,. Sidu nin madhalaysi wax u dhala? :lol: :lol:
I still dont get how cawil can talk about SNM we all know why he was appointed by siyaad bare as the ambassador for somalia in kenya, We all know what he did. This guys is No good he is a shame To isaaq h.y. And even to the The Noble Muse care clan.
Last edited by The_Emperior5 on Sat May 15, 2010 7:10 pm, edited 1 time in total.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby Siciid85 » Sat May 15, 2010 7:09 pm

I was surprised that Cawiil was in the 1961 group which attempted coup against the somalia government led by Muj.Xassan Kayd.

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby Goljano Lion » Sat May 15, 2010 7:11 pm

cawil wrote a book and said that his father maba dhali jirin and then aabihi wuxu u tagay naag faalisa, and then she told him to marry an arab lady , slaanti arabku guursaday and then Mucjiso baby cawil ba dhashay ,. Sidu nin madhalaysi wax u dhala? :lol: :lol:
now adays, its very easy to prove DNA test does wonders , ha laga qaado DNA test odayga waxaan maqaly waa mareexaan odaygu

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby The_Emperior5 » Sat May 15, 2010 7:12 pm

cawil wrote a book and said that his father maba dhali jirin and then aabihi wuxu u tagay naag faalisa, and then she told him to marry an arab lady , slaanti arabku guursaday and then Mucjiso baby cawil ba dhashay ,. Sidu nin madhalaysi wax u dhala? :lol: :lol:
now adays, its very easy to prove DNA test does wonders , ha laga qaado DNA test odayga waxaan maqaly waa mareexaan odaygu
:lol: :lol: :lol: He is either arab ciidagale or ogaden Walo dhalay aabihi wa hubaal

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Cawil: Nin ku fashilmay Dukaan, Supermarket looma dhiibto

Postby Siciid85 » Sat May 15, 2010 7:18 pm

Emperior, let samatr verify if there is any truth to those rumours ileen asaga Musa arreh ah ee.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 30 guests