Xaflad aad u baladhan oo jaaliyada Somaliland ee dalka Ukraine ay ku xuseen maalinta 18ka May
SDWO (Ukraine 22/05/2010) Waxa habeenkii arbacada ee bishu ahayd19ka bishu ahayd lagu qabtay hotel onix oo ku yaala badhtamaaha magalada vinnitsa dabaaldag lagu maamuusayo sanadguuradii 19naad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii gooni isu taaga s/land
Xafladaasi oo ay soo agaasimeen dalada ardayda wax ka barata dalka ukraine ee somaliland students assocition in ukraine iyo jaaliyada s/land ee ukraine,xafladaasi oo si wayn looga soo qayb galay waxaana kasoo qayb galay martisharaf daladaha ardayda ajaanibka ah ee wadankaasi wax ka barta iyo maamulka jaamacada venitsa national technical university oo uu hor kacayay prov, yremjyk yuri,waxaana halkaasi kelmadii furitaanka ka jeediyay gudoomiyaha qaban qaabada axmednaasir maxamed yuusuf isaga oo hadalkiisii ku bilaabay mahadnaq iyo salaan uu udiray dhamaan shacbiga s/land meelkasta oo ay joogaan ,waxaanu sheegay ahmiyada ay u leedahay maalintan 18may reer s/land iyo siday ku timi iyo marxalada uu maanta marayo dalku waxaanu uu baaq udiray xukuumada iyo axsaabta qaranka iyo shacbiga in meel looga soo wada jeesta midnimada iyo jirintaanka qaranka iyda oo wadanku uu galayo dooradshooyin bishan 26ka june hambalyo iyo bogaadina udiray komishanka qaranka halka ay hawsha marinayaan.
waxa halkaasi ka dib microfonka lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha dalada ardayda s/land ee wadanka ukraine ,.eng maxamed xasan ismaaciil oo isna halkaasi ka jeediyay kalmado isugu jiray salaan iyo hambalyo uu udirayo xukuumad iyo shacaba iyo xisbiyada qarankaba waxaana hadaladiisa ka mid ahaa,isagoo aad ugu dheeraaday ahmiyada ay leedahay munaasibada 18may lana dardaarmay dhamaan ardayda reer s/land ee wax ka barta ukraine iyo jaaliyadaba inay meel uga soo wada jeestaan sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen jirintaankooga wadankan aynu ku noolnahay isagoo tibaaxayna waxyaabaha u qabsoomay urur ahaan intii uu dhisnayd daladan ardaydu iyo siday ardaydu hadyo goor uga dhaadhicyaan qadiyadooda iyo jiritaankoogaba wadankan ukraine,intaa ka dib isna waxa halkaasi kalado mahadnaq iyo hambalyo kasoo jeediyay prov yaramjyk yuri.
waxa halkaasi isna hadalo kooban kasoo jeediyay gudoomiyaha jaaliyada s/land ee ukraine cantar kidaar cune kana waramay halgankii dheera ee s/land usoo martay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida s/land ee godka kaga dhacday 1960kii,xafladaasi oo jawi wanaagsan ksuoo gabo gabowday