Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

MASAR:IF NILE TREATY BROKEN OGADEN NOT PART OF ETHIOPIA.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

MASAR:IF NILE TREATY BROKEN OGADEN NOT PART OF ETHIOPIA.

Postby hanqadh » Sun Jul 25, 2010 2:27 am

Masar oo isku xirtay Nile iyo Ogaden

Sida ay illo aad ugu dhaw masuuliyiin katirsan dowladda dhexe Itoobiya u sheegeen illo xidhiidh la leh wabishabeele.com, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Axmed Abul Gheit, wuxuu Ra'isulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, u sheegay inay dowladda Masar aaminsantahay inay Itoobiya ka danbeyso mucaaraddada ka dhanka ah hashiiskii Ingriiska iyo Masar ee 1959, wuxuuna uga digay Meles inaynan Itoobiya sii ahaaneyn tan maanta, haddeynan Itoobiya si degdeg ah uga bixin arrimaha ay ku jirto.

Waxey illaheena inoo xaqiijiyeen inuu Axmed Abul Gheit ku yiri Meles, "Ogadenya inay kamid ahaato Itoobiya waxaa saxiixay Ingriiska, sidoo kale, Nile inay Masar maamusho waxaa saxiixay Ingriiska. Haddaadan aqoonsan saxiixa Ingriiska ee Nile, ma aqoonsanaan doono kamid ahaanshaha Ogadenya ee Itoobiya."

Murankan oo sii socda ayey hubaal tahay inuu sababi karo dagaal. Xoghayihii Guud ee hore ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali, ayaa kal hore ka digay in dagaalka xiga ee gobolka uu ka dhalan doono biyaha Wabiga Nile. Masar ma cadda inay qorsheyneyso weerar toos ah oo ay Itoobiya ku qaado, laakiin waxaa la qiyaasayaa inay isticmaali doono dalal Itoobiya la daris ah iyo ururro ku kacsan dowladda Itoobiya, si ay u baddasho map-ka Itoobiya ee xiligan.

Wargeysyada Masar oo wajahay Ogaden

Wargeysyada dalka Masar ayaa dhawaan billaabay inay faafiyaan warar ku saabsan Ismaamulka Deegaanka Soomaalida (Ogaden), iyagoo tilmaamaya inay halkaasi ka taagan tahay dhibaatooyin uunan aduunka ka warqabin.

Wargeyska Al-Yowmu Saabic ayaa isbuuci hore sii daayey wareysi uu sheegay inuu ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Yuusuf Ibraahim Xasan (Yuusuf Dheeg), wareysigan ayaa lagu soo bandhigay arrimo badan oo ay kamid yihiin in shacabka qowmiyadda Soomaaliyeed (Ogadenya) ay gumeysato Itoobiya, islamarkaana aanan loo ogoleyn aayo-katashi.

Yuusuf Dheeg oo la hadlayey Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa beeniyey inuu hadalka sida loo qoray uu u yiri, waliba wuxuu diiday inuu ka hadlay wax ku saabsan Itoobiya ama deegaanka Soomaalida.

Ra'isulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa isbuuci hore wareysi uu siiyey TV-ga dalka Masar (ka daawo qeybta Wabishabeele Videos) u sheegay inay dowladda Masar ka tanaasusho fikirka ah inay Itoobiya ka abuurto degenaansho la'aan, isagoo carabka ku adkeeyey in labada dal isku xirnaantooda aynan si nabba u go'ayn. Meles wuxuu u ballanqaaday shacabka Masar inay Itoobiya tixgalin doonto baahidooda biyaha Wabiga Nile, oo aynan marnaba ku dhaqaaqi doonin tallaabo wax u dhimaysa noloshooda iyo jiritaankooda qarannimo.

Guud ahaan biyaha Wabiga Nile ayaa 85 boqolkiiba waxey ka soo daadaan buuraha dalka Itoobiya. Tirada shacabka Itoobiya oo sare u sii kaceyso ayaa keentay inay dowladda Itoobiya dalbato in dib loogu noqdo hashiiskii Masar iyo Ingriiska ee 1959.
Masar waa munafiqiin laakiin wax kasta oo Itoopiya ku ah dhibaato waa la soo dhaweyn.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests