Hargeisa (Buraoonline.com) 16.08.10 Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Col, Maxamed Axmed Caalin, ayaa laba maalmood ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweyne Caalin ayaa Hargeysa u yimid si uu uga qayb galo Siminaar ay soo qaban qaabisay mid ka mida hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliland.
Maamul goboleedka Galmudug ayaan iyagu ka mid ahayn maamulada ka jira Somaliya ee ka soo horjeeda qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waxaanu dhowr jeer oo saxaafada uu la hadlay uu sheegay in aanu wax dhibaato u arkayn gooni isu taaga Somaliland.
Sidoo kale Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Col, Maxamed Axmed Caalin waxa uu hambalyo u soo diray madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday 26 June ee sanadkan.
Lama oga in madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin uu la kulmi doono madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Maamul goboleedka Galmudug ayaa isagu si weyn uga soo hor jeeda siyaasada maamul goboleedka Puntland iyo Dawlada Sheekh Shariif, waxaanu in badan naqdiyay siyaasada madhalayska ah ee maamuladaasi.
si kastaba ha ahaatee maamul goboleedka Galmudug, ayaa loo arki karaa saaxiib cusub oo ogol qadiyada madax banaaanideena oo ay Somaliland ku yeelatay mandaqada Geeska Afrika.