Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The People of Gabiley welcome the new Gabiley governer pics

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

The People of Gabiley welcome the new Gabiley governer pics

Postby The_Emperior5 » Tue Aug 17, 2010 1:52 pm

Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Gabiley Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Gabiley, Xilkiina La Wareegay
Image

“waxan idiin balan qaadayaa in aanay jiri doonin xuquuq qof muwaadin ah leeyahay oo lagu faquuqo fikirka" Badhasaabka cusub Daawo Sawiradda


Gabiley(GNS)-Gudoomiyihii cusbaa ee Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh Muxumed (Xaraaro) iyo ku-xigeenkiisa Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) ayaa manta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Xarunta Gobolka Gabiley ee Gabiley, iyaga oo Xilkiina si rasmi ah ugala wareegay ku simihii Guddoomiyenimada Gobolka ahaana Guddomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka C/risaaq Sheekh Aadan.

Badhahttp://farm5.static.flickr.com/4080/4898005880_1029549b17.jpgsaabkan cusub iyo waftigii uu hor kacayey oo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolku iyo Saraakiisha Sarsare ee D/hoose ee Gabiley, iyo waliba Dadwayne aad utiro badani kaga hor tageen Duleedka Magaalada Gabiley, ee bar kaantaroolka dhinaca Bari kaga yaala magaalada, iyaga oo ka soo galbiyey halkaa, kuna soo gaaf wareegay wadooyinka dhex mara Magaalada, halkaas oo aakhirkiina ku soo afjaray goobtii loogu diyaariyey in Xilwareejintu ka qabsoonto

Image
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xilka ay ku kala wareejisanayeen labada Gudoomiye oo lagu qabtay hotel Qasru Cabdalla ee Magaalada Gabiley ayaa waxa kala soo qayb galay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolku ka kooban yahay, Saraakiisha sare ee Ciidamada kala duwan ee Gobolka, Saraakiisha Dawladaha hoose ee Degmooyinka, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Salaadiin, Cuqaal, Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, iyo Marti sharaf kale oo badan.
Image
Badhasaabka cusub oo ugu horrayn ka hadlay Xaflada Xil-wareejinta ayaa balan qaaday in uu muhiimada siin doono adeegyada Bulshada, kana shaqaysiin doono hay’adaha Dawliga ah ee aan ka shaqayn Gobolka, waxa kale oo uu si adag u balan qaaday in uu afkaarta Cabudhsan ee talin lahayd ay talin doonaan. Isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi Gudoomiyuhu:-“manta waxan ahay nin aad u nasiib badan aniga oo marlabaad ku soo noqday Gabiley oo aan ka mid ahaa masuuliyiintii budka u dhigay Maamulka hada shaqeeya bilowgii 1991kii, waxaanu idiin balan qaadaynaa in Dadwaynaha ku nool Gabiley ugu shaqayn doono sinaan iyo cadaalad, anaga oo sii dayn doona Afkaarta cabudhsan ee manta talin lahayd ee ay ka mid yihiin Dhalinyarta Jaamiciiyiinta ah, waxa kale oo aanu aad ugu dadaali doonaa in ay shaqeeyaan xafiisyada Dawliga ah ee aan ka shaqayn Gobolkani, anaga oo muhiimada koobaad siin doona kuwa Adeegyada Bulshada ee ka furan hada Gobolka, waxa kale oo aan idiin balan qaadayaa in aanay Gabiley ka aradnaan doonin Dakhliga soo gala ee awal hore duuduub ku dhaafi jiray”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxan idiin balan qaadayaa in aanay jiri doonin xuquuq qof muwaadin ah leeyahay oo lagu faquuqo fikirka xorta ah ee uu aamin san yahay”.


Gudohttp://farm5.static.flickr.com/4097/4897403047_2ca76d8cf4.jpgomiyuhu isaga oo ka hadlaya hadal hayn badan oo Duqaydii iskugu timi intoodii badnayd ee ka hadashay madashaasi amaan u xambaariyeen Gudoomiyihii hore ee Xilka uga horreeyey kuna xusayeen Khudbadahoodii wax qabadyadii kala duwanaa ee uu ku soo kordhiyey, waxa uu yidhi:-“Odaybaa waxa uu qabay Islaan, odaygu waa ilka la’aa, waanu indho la’aa, Islaantu way u calalin jirtay Hilibka iyo raashinada kala duwan, Islaantii ayaa dhimatay, odaygii waxa uu codsaday in la raaciyo, isaga oo filanaya in uu waayi doono cid u calalisa. Markaa waxaan idin leeyahay, hadii la idiin calalin jiray anagu waanu idiin tumi doonaa”.


Waxahttp://farm5.static.flickr.com/4122/4897409255_59459e610d.jpg kale oo isna halkaa ka hadlay Guddoomiye Xigeenka Cusub ee Gobolka Cali Cabdi C/laahi oo ka araartay Khudbadihii daran dooriga ahaa ee Salaadiintii meesha ka hadashay ku tilmaameen Maamulkii hore iyo wax qabadkiisii waxa uu yidhi:-“manta waxa noo fiicnaa in aanu kala wareegno Xilkan kuwo wax ma tarayaal ah oo aan waxba u qaban Gobolkooda, laakiin kuwo wax u qabtay Gobolkoodii way na dhiiri galin doontaa waxqabadkoodaasi oo waxanu is leenaha haka hoosaynina kuwii idinka horeeyey, dhiiri galinna way noo tahay”. Waxaanu codsaday in loo duceeyo oo Alle ku asturo Xilkan culus ee ay qaadeen.

Image
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Aadan Muxumed Bade oo isaguna ka hadlay halkaa ayaa shegay in Mudadii uu joogay Gudoomiye Xabiib ka raysteen is qabqabsigii Golaha Deegaanka oo ay yaraatay Buuqii ka dhex dhalan jiray Golaha dhexdeeda oo ku can ahaa maamul badal badan, isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi:- “Intii aan Joogay Gudoomiyenimada waxay dhannayd laba sano iyo labaatan casho Guddomiyihii Gobolkuna laba bilood ayuu iga sii horreeyey Muddada intaa leeg may jirin maalin kaliya oo Goluhu is khilaafay, Golaha Deegaanka Gabileyna waxa uu can ku ahaa Xabiib hortii in ay mar kasta is qabsan jireen, oo Maamul badalkuna ku badnaa Magaalada oo ay noqotay Magaalada ugu maamul badal badan. Markaa bal waanu eegi doonaa Guddomiyahan Cusub doorka uu ku yeesho Golahayaga”.

Image
Waxa kale oo madashaasi ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku dheeraaday taariikh hore oo ay soo wada mareen Badhasaabka isaga oo sheegay in ay isku Fasal ahaayeen. Suldaanku waxa kale oo uu ku dheeraaday waxqabadkii uu ka tagay Gudoomiyihii hore isaga oo xusay in Gudoomiyahana laga rabo in uu halkaa ka sii wado, waxaanu Alle uga baryay in uu ku asturo Xilkan culus ee uu qaaday.

Image
Waxa isaguna Xaflada Xilwareejinta ka hadlay Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo Alle uga baryay Maamulkii hore in Illaahay ka jasaa’i siiyo, Maamulka cusubna ku dardaaray in uu halkaa ka sii wado si isagana Taariikhdu u xusto.


Xildhibaan Maxamud Sheekh Xuseen Nuuriye oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka hada la keenay yahay mid la keenay Goobtiisii iyo Goortiisii oo loo baahnaa, isaga oo xusay in Gudomiyahan cusubi yahay shakhsigii ugu horeeyey ee ka bilaaba magaalada Cashuurta, iyada oo aanay jirin Dalka oo dhan meel cashuur la qaadaa, waxaanu xusay in uu isagu(Gudomiyuhu) ahaa Bud-dhigihii Maamulka ee ka hir gala Magaaladani.

Guddoomiyahan Cusub ee Gobolka Gabiley ayaa ah Guddoomiyihii labaad ee loo magacaabo Gobolkani intii uu jiray isaga oo ka mid ahaa Badhasaabadii dabayaaqadii Todobaadkii hore ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo u kala magacaabay Gobolada Somaliland oo dhan.


Image







Weriyayaasha Gabiley News
Gabiley News Office
Gabiley Somaliland
gabileynews@hotmail.co.uk

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The People of Gabiley welcome the new Gabiley governer p

Postby The_Emperior5 » Tue Aug 17, 2010 1:57 pm

its the first time we have a bah gobe governer in gobolka gabiley :lol: :lol:
lali seemeyar skippa so dhaweya badhisaabka cusub

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The People of Gabiley welcome the new Gabiley governer p

Postby The_Emperior5 » Tue Aug 17, 2010 3:53 pm

News

Badhsaabka Cusub Ee Gabiley Oo Ku Faanay Inuu Gabiley Ku Soo Leexinayo Dakhliga Xukuumada Dhexe Uga Soo Xerooda Kastamka Kalabeydh Badhasaabkii Horena Ka Daba Tuurey Maah-Maah

Waxaan idiin balanqaadayaa inaan Gobolka usoo leexiyo lacagta kasoo xeroota Kastamka Kallabeydh




Gabiley(GBN)-Badhasaabka cusub ee Gobolka Gabiley,Rashiid Cumar Sheekh Iyo Kuxigeenkiisa Cali C/laahi (Cali-case),ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilkii uu dhawaan usoo magacaabay Madexweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
Munaasibadii xilwareejintaasi,oo lagu qabtey Xarunta Maamulka Gobolka Gabiley,waxa kasoo qeyb galey masuuliyiin door ah oo ay kamid yihiin Maamulka Golaha Deegaanka Gabiley,Maayarka Aadan Xuseen Bade,Maayar Kuxigeenka Khadra Ismaaciil Yoonis,iyo xildhibaano badan oo katirsan xubnaha Golaha Deegaanka Gabiley,Salaadiin ay kamid yihiin Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar,iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan,Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley,Safiya Aw Aadan Meecaad,iyo dadweyne tira badan oo lagu soo marti qaadey munaasibada Xil-wareejinta.
Gudoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh (xaraaro),iyo kuxigeenkiisa Cali C/laahi(Cali-case),oo xilka kala wareegayay Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Gabiley,C/risaaq Sheekh Aadan oo uu dhawaan xilka ku wareejiyay Badhsaabkii hore ee Gabiley,Maxamed Axmed Aw Cabdi(xabiib),oo isagu iskii isku casilay,ayaa labadauba munaasibadaasi waxey ka jeediyeen hadalo taf dheer ,oo ay kaga waramayaan mawaadiicda cusub ee ay la hor imanayaan dadweynaha reer Gabiley, ee Gobolnimada haystey mudada labada sano iyo dheeraadka ah ee laga joogo xiligii lagu dhawaaqey.
Badhsaabka cusub ee Xilka la wareegay Rashiid Cumar Sheekh (xaraaro), oo ugu horeyn halkaa kahadley ayaa sheegay in uu dadweynaha reer Gabiley uga faa,ideyn doono lacagta dakhliga ah ee kasoo xeroota Kastamka Kallabeydh taas, oo dhamaanteedba ay toos ula wareegto Xukuumada dhexe isagoo arintaa kahadlayana waxa uu yidhi.
"Waxaan idiin balanqaadayaa inaan Gobolka usoo leexiyo lacagta kasoo xeroota Kastamka Kallabeydh,ee Xukuumada dhexe wada qaadato ,oo aan uga faa,ideyn doono hadii eebe yidhaa waxaan kale oo aan iodiin sheegayaa islaanbaa odeygeeda oo indhala,ilkona la,ayay cuntada iyo hilibka ucalalin jirtey dabeetana wey ka dhimatey ,markaasuu yidhi qabriga ii raaciya,barigii danbe ayaa loo dhisay gabadh kale dabeetana tiibaa ,hilibkii ay u calalin jirtey haweenaydiisii hore u ridiqdey ,waxanu cunay isagoo dheecaankii iyo nafaqadii wata ,markaasuu yidhi inkaari ku dhacdaydii hore yaa qabriga ku guba ,waxaan idin leeyahey anigu idiin calallin maayee waan ridqayaa, oo aan idiin tumayaa"Ayuu yidhi Rashiid Xaraaro Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gabiley .
Waxa kale oo isaguna halkaa kahadley Gudoomiya Kuxigeenka Cusub ee Gobolka Gabiley,Cali C/laahi (Cali-case),oo khudbad tafdheer ka jeediyay ,waxana hadaladiisa kamid ahaa.
"Anagu aadbaanu u nasiib wanaagsanahey sababtoo ah waxaanu la wareeganay meel uu Gudoomiyihii hore hortaayo iska casilay,oo nidaamsan oo uu kasoo shaqeeyay,run ahaantiina waxaa xilal lala kala wareegayo, waxaa lakala wareejisanayaa inta ugu badan meelo kabahooda iyo cidaamkooda la cunay, oo deyn iyo dhibaato iyo mushkilad lagaga tagey haseyeeshee, anagu waanu ka nasiib wanaagsanaanaye, noogu duceeya in illaahey nagu asturo waayo waxa wanaagsan in meesha uu kaaga horeeyo nin wax xumeeyay markaasey adiga kuu wanaagsanaaneysaa"Ayuu yidhi Badhasaab kuxigeenka cusub ee Gabiley.
Maayarka Degmada Gabiley Aadan Muxumed ayaa isaguna hadalo soo dhaweyn ah oo kooban halkaa ka jeediyay isagoo xusay in siwanaagsan uwada shaqeyn jireen Maamulkii hore ee Gobolka Gabiley.
Aw Cabdi Cusmaan (Aw-xereeye), oo kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,oo isaguna halkaa kahadley ayaa u duceeyay Maamulka cusub ee Gobolka Gabiley,waxanu ku dardaarey in looga fadhiyo howl adag iyo wax qabad ay layimaadan Gobolka.
Sidoo kalena Xildhibaan Sheekh Maxamuud Sheekh Xuseen oo isaguna katirsan Golaha Deegaanka Gabiley ayaa ka sheekeeyay taariikhda Badhasaabka cusub oo ku sheegay in ay kasoo wada shaqeeyeen Maamulkii ugu horeeyay ee Degmada Gabiley,oo isagu(xildhibaanku)Maayar ka ahaa Badhasaabka cusubina ka ahaa Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley waxanu yidhi.
"Maansha alah maanta mar hadaad mar labaad timid anaguna Gle Deegaan ahaan waanu imaneynaa oo isbadel ayaanu ubaahanahey"Ayuu yidhi Sheekh Maxamuud Sheekh Xuseen Nuuriye.
Waxa kale oo iyaguna halkaa kahadley Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, oo labaduba kasoo jeedaan deegaanka Gobolka Gabiley.
Munaasibada kadib waxa isku soo xoomay dadweynaha reer Gabiley, oo dareen cusub kula kowsadey Munaasibadan xilwareejinta Maamulka Gobolka Gabiley dareenkaas oo aheyd maahmaahda Badhsaabka cusub oo ay dadweynuhu siweyn isku weydiiyeen halka ay ku aadan tahey inkastoo,dadka badidiisu u fahmeen in ay ku wajahan tahey Badhasaabkii hore, oo ay dadweynaha reer Gabiley siweyn uga biyo diidsanaayeen is casilaadiisa maalmihii la soo dhaafey.
Munaasibada xilwareejinata Badhasaabka cusub waxaan kasoo qeyb galin Xildhibaanka Golaha Wakiilada Ibraahim Axmed Heybe, oo katirsan Xisbiga Kulmiye dadweynaha reer Gabileyna aad u qiimeeyaan.
Dhinaca kalena Maamulka Degmooyinka Gobolka Gabiley ee Alleybadey iyo Tog-Wajaale ayaa iyagana maalmihii u danbeeyay waxa ka taagnaa muran adag oo ku xidhiidhsan kaambeyno adag oo ay ugu jiraan xubno badani bedelaada Maamuladii hore ee kusugnaa Degmooyinkaasi, halka Golaha Deegaanka Gabileyna maalamahan laga dareemayay dhaqdhaqaaq cusub oo hor leh oo ay xildhibaano badani doonayaan in ay kaga takhalusaan Maayarka oo siweyn ugu ololeeyay Xisbigii khaatumaystey ee Udub


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 23 guests