Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by LiQaaye_TDH »

Image

Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo wafti ay xubno ka yihiin sulaadiintii beeshaas ayaa maanta ka anbabaxay Magaalada Hargeysa.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan

Waftigan oo ku sii jeeda deegaankii ay dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay labada beelood ee oodwadaagta ah ayaa ugu baaqay in ay hubka dhigaan isla markaana si nabad ah u dhamaystaan wax kasta oo ay kala tirsanayaan.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ay shabakada caalamiga ah Hadhwanaagnews khadka Telefoonka kula xidhiidhay goor dhaweyd iyaga oo markaas uun ka baxay tuulada Qoyta ayaa sheegay in ay dedaalkooda isugu geyn doonaan sidii ay nabad uga dhex dhalin lahaayeen labada beelood ee walaalaha ee ay dhawaan xurguftu dhex martay.

Suldaanka ayaa geesta kale tilmaamay in ay war sugan ka qaadan doonaan shaqaaqo laga soo sheegay dhinaca hawdka oo dhex martay beel ka soo jeeda Somaliland iyo waliba beesha ogaadeen.

Suldaanka ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa aanu nahay wafti ergo ah oo u soo socdo beelihii ay shaqaaqadu ku dhex martay tuulada Kalshaale ee bariga Somaliland ayaanu ku sii jeednaa waxaanan maanta hargeysa ka baxnay 12:00 duhurnimo, waxaanan haddii uu alle yidhaahdo aanu ka qayb qaadan doonaa ergada nabadaynta iyo walaalaynta labada beelood ee walaalaha ah ee ay xurguftu kala gaadhay”

Sul, Xasan waxa uu tilmaamay in waftigan uu hogaaminayaa ay ku kooban yihiin sulaadiintii beesha subeer awal oo keli ah waxaanu yidhi “Waftigan maanta u baxay dhinaca bariga waxa ay ka kooban yihiin Sulaadiinta Beesha Habar Awal, waxaana ka mid ah Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Suldaan Ismaaciil Aadan Baxar, Suldaan Xiis Bare, Boqor Xasan Maxamed Siciid, waanu badanahay waxaanan ku soo baxnay madax dhaqameedkii beeshaas, waxaanan daba soconaa ergada reer Somaliland ee ku sii qulqulaya dhinaca deegaanka ay ka dhacday shaqaaqadu iyo waliba kuwo kale oo iyaguna naga dambeeya, waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu nagu guuleeyo walaalaynta iyo nabad ka dhex dhalata labada beelood ee walaalaha” ayuu yidhi

Suldaanka oo ka hadlayay shaqaaqo laga so sheegayay dhinaca Hawdka oo dhex martay beel ka mid ah beelaha Somaliland dega iyo beesha ogaadeen oo iyaduna degta dhinaca dalka Ethiopia ayaa yidhi “Runtii warkaas, warwarkiibaa na soo gaadhay, insha allaahu xogna waanu uruursanaynaa, waana arrin aanu ka hawlgalayno, madax dhaqameedkuna waxa ay yihiin kuwa mar walba ka hawl gala nabadaynta, meeshii ay dhibi ka dhacdana Sulaadiin uun baa tagta oo ka hawlgasha, sulaadiintuna way badan tahay waanan ka hawlgalaynaa haddii alle yidhaahdo”

Suldaanka ayaa sheegay in waftigan uu hogaaminayo ee ka kooban beesha Subeer Awal in ay xukuumadu la soo xidhiidhay sidii ay uga hawlgeli lahaayeen shaqaaqadaas waxaanu yidhi “Walaahi xukuumaduna way nala soo xidhiidhay, waana waajibkii dee na saarnaa ee muqadaska ahaa, haday meel wax ka dhacaan kolay sulaadiinta ayaa doorka ugu wayn leh, Somaliland waxa ay ku soo caano maashay talada sulaadiinta, madaxa dhaqameedka iyo guurtida in ay mar walba wada hadal la furo dhaqana wax lagu xaliyo, markaa waa waajibaad muqadas ah oo na saarnaa”

Suldaan Xasan oo ka hadlayay bal hada sida ay xaalada labadii dhinac ee ay dirirtu dhex martay sida ay tahay ayaa yidhi “Kolayba ergada Madaxeedii hore ayaa gaadhay, meel fiican ayaanay wax marayaan, inagu waxa aynu kaga duwanahay somalida kale waxa ay dadkeenu ixtiraamaan madax dhaqameedka iyo Sulaadiintooda, insha alaahu dhinac kasta waxa aanu ka rajaynaynaa in ay dhago furan iyo qalbi furan nagu soo dhaweynayaan, waana lagu guda jiraa hawshii, meel fiicana way maraysaa, wax dambena may dhicin,”

Ugu danbayntiina waxa uu ugu baaqay dhinacyadii ay dirirtu ku dhex martay deegaanka kalshaale in ay si nabad ah u xaliyaan wixii dhexdooda yaala waxaanu yidhi “Waxa aan u soo jeedinayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland ee maanta arinta halkaas ka dhacday wada hadal iyo nabadayn lagu dhameeyo, waxaanan leeyahay colka halkaa ku nageeya ayaan u leeyahay”
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Mr_Alfaas »

LiQaaye_TDH wrote: Now we are against this so called Somaliland army for stopping us!!!

Ergada Nabada ma aqbali doontaan. :lol:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by KingWaslawi »

Mr_Alfaas wrote:
LiQaaye_TDH wrote: Now we are against this so called Somaliland army for stopping us!!!

Ergada Nabada ma aqbali doontaan. :lol:

Mr_Alfaas inader haa Nabadi waa lama huraan, wax ka wanaagsan in nabad lagu wada noolaado ma jirto,
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Mr_Alfaas »

Northwind wrote:

:up: Wa dhab inaderNabadu wa shay dadku ku wada noolankaraan . :up:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Keyse_0208 »

Mr_Alfaas wrote: Now we are against this so called Somaliland army for stopping us!!!

:lol: Liqaaye, waxba haka dhagaysanina suldaanka, keep marching Fooooorrrwaarrrrrd bloooood
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by udun »

Subeeriya waa ayo? :lol: :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Mr_Alfaas »

Keyse_0208 wrote:
Mr_Alfaas wrote: Now we are against this so called Somaliland army for stopping us!!!

:lol: Liqaaye, waxba haka dhagaysanina suldaanka, keep marching Fooooorrrwaarrrrrd bloooood
:lol:

badalkas la iskuma ogeyn keyse :shock:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Keyse_0208 »

Mr_Alfaas wrote:badalkas la iskuma ogeyn keyse
loooooool alfaas, Blood-kaasi waa Blood kale abti, xagayagan London blood micnaheedu waa adoo yidhaahda ''Saaxiib'' oo kale :up:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Mr_Alfaas »

Dhibic.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Executive »

Is Super Awal the same as Habar Awal?
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by KyrieJama »

Mr_Alfaas wrote:
LiQaaye_TDH wrote: Now we are against this so called Somaliland army for stopping us!!!

Ergada Nabada ma aqbali doontaan. :lol:
Qasab bay ku aqbali donaan dagaalna ma yaqanaan wa na laangaab nabad waxaan aheen qaddan mayaan naagahan :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Siciid85 »

Super awal, Subeyr awal Suberiya Al Habar Awali all mean the same. :mrgreen: :lol: Well actually it's Zubeyr Awal laakin Emperior likes to have fun with the clan name.
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by KyrieJama »

Abti Suldan soo dhoowow oo eygaga yar yar HJ fadhisi intan genocide ku sameen :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by Mr_Alfaas »

garad13 wrote:Abti Suldan soo dhoowow oo eygaga yar yar HJ fadhisi intan genocide ku sameen :lol:
:lol: :lol:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Suldaanka Supeer Awal Heads for the Warzone Buuhoodle

Post by LiQaaye_TDH »

Garad-- Qurjiile Abti Abti ka Saari Mayso, adkeyso Xabada Aduunka Qurjiile ayaad ka Tahaye, This Kal-shaale skrimish is one of the signs, that i will take over you towns Ones in in 2010 :mrgreen: :mrgreen: :mrgreen:

from Garadag, Caynaba, Ceeldhab, Horufadhi, Habariheshay, Wadaamo go, Qorulugud, Taalo Buur, Caynaba, Haye Yare, Haye weyne, Haye Bari, Yeyle, and now in 2010 Kal-shaale and Maygaagle :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”