Bidcada ama caksiga Sunnada
Waa lagama maarmaan garashada Bidcada iyo in dadka looga digaba
Haddii kale qofku wuxuu ku dhacayaa Bidcada isagoo dareensanayn, sida in loo ogaado ay tahay Shirkiga iyo noocyadiisa, maxaa yeelay qofkii aan garanayn wuxuu ku dhacayaa Shirkigaas sida Muslimiin fara badan loo arko iyagoo Allaah ugu dhawaanaya wax Shirki ah sida inay ku dhaartaan Awliyada iyo Saalixiinta oo ay ku dawaafaan xabaalahooda, ka kor dhisaana Masaajido i.w.m. oo ay Culimada og yihiin inuu Shirki yahay.
Sidaas darteed in lagu kaaftoomo ma aha garashada Sunnada oo kaliya ee waxaa loo baahan yahay garashada wixii caksigeeda oo Bidce ah, sidaan loogu kaaftoomi karin in la rumeysto Towxiidka iyadoo aan la garanayn wixii caksigiisa ah oo Shirkiyaad ah, waxaana arinkan sheegay Rasuulkii Allaah amaanta Allaah iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee isagoo yiri:
”Qofkii yiraahda: Ilaah ma jiro Allaah mooyee oo ka gaalooba wixii la caabudo oo Allaah ka soo haray waa xaaraan xoolihiisa iyo dhiigiisaba xisaabtiisuna Eebbe dushiisay ahaatay”.
Waxaana soo saaray Muslim.
Kumana kaaftoon Rasuulka c.s.w. Towxiidka hase ahaatee wuxuu sii raaciyay Gaalnimada i.w.m. maxaa yeelay waa in la garto Gaalnimada haddii kale waa intaasuu ku dhacaa isagoo dareensanayn. Sidaas oo kale weeye Sunnada iyo Bidcada, maxaa yeelay Islaamku wuxuu ku dhisan yahay laba Asal oo waaweyn oo ah: Inaynan caabudin Allaah mooyee aynaan ku caabudin wuxuu Allaah jideeyay mooyee, qofkii ka taga midkood wuxuu ka tagay kii kale, mana uusan caabudin Allaah.
Sidaas darteed waa lagama maarmaan garashada Bidcada si qofka Mu’minka cibaadadiisa uga nabad galo Bidcada, taasoo ka hor imaanaysa in loogu gaar yeelo cibaadada Allaah, Bidcaduna waxay ka mid tahay Sharka ay waajib tahay in la garto, ma aha in lala imaado ee waa in laga fogaado sida Gabyaagu yiri:
Waxaan u gartay Sharka ma aha shar ahaan ee waa inaan iska ilaaliyo
Qofkaan Sharka ka garanayna Khayrka waa uu ku dhacaa
Macnahan waxaa lagala soo baxay Sunnada oo wuxuu yiri Xudayfa Ibnul Yamaan Allaah ha ka raali ahaadee:
”Dadku waxay weydiin jireen Rasuulka Allaah c.s.w. Kheyrka, aniguna waxaan weydiin jiray Sharka anigoo ka cabsanaya inuu i haleelo, oo waxaan ku iri: Rasuulkii Allow! waxaanu u soo joognay xilligii Jaahiliyada Shar markaasuu Allaah noola yimid Kheyrkan, oo ma jiri doonaa Kheyrkan ka dib Shar? wuxuu yiri: haa, oo waxaan ku iri: oo ma jiri doonaa sharkaas ka dib wax kheyr ah? wuxuu yiri: haa; oo uu ku jiro qiiq, waxaan ku iri: waa maxay qiiquna? wuxuu yiri:
Waa dad Sunno ka dhiganaya waxaan ahayn Sunnadaydii, Hanuunna ka dhiganaya waxaan ahayn hanuunkeygii, waad garanaysaa qaar iyaga ka mid ah waadna inkiraysaa, oo waxaan ku iri: ma jiri doonaa kheyrkaas ka dib wax shar ah? wuxuu yiri: haa; Ducaad dadka ugu yeera Naarta xaggeeda, qofkii raacana waxay ku tuurayaan naartaas, oo waxaan ku iri: Rasuulkii Allow! noo tilmaan, wuxuu yiri: waa yahay; waa dad annaga naga mid ah, kuna hadlaya afafkeenna ...al-Xaddiis”.
Waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslim.
Sidaas darteed waxaan leeyahay: ”Sheekh Albaani”: Waa muhiim in looga digaa Muslimiinta Bidcada Diinta la soo geliyay, mana aha sida dadka qaarkiis moodayaan: in dadka la baro oo kaliya Towxiidka iyo Sunnada oo aan dadka looga digin Shirkiyaadka iyo Bidacda!
Dadka qaarkiis waxaysan sidoo kale la socon in Bidcada xataa uu ku dhici karo qof Caalim ah, maxaa yeelay waxyaabaha Bidcada keena aad bay u fara badan yihiin, hase ahaatee waxaan halkan ku sheegayaa hal sabab oo ka mid ah, oo aan tusaale u soo qaadanayo, waxaa ka mid ah waxa keena Bidacda Diinta Axaaddiista Daciifka yacni aan sugnayn iyo kuwa mowduuca ah yacni beenta ah, oo waxaa dhacda qaar ka mid ah Culimada inay ka hoos baxda oo ay u maleeyaan Axaaddiis Saxiix ah, oo dabadeed ay ku dhaqmaan iyagoo ka Diin dhiganaya Allaah agtiisa, ka dibna arinkaasi ay kaga daydaan ardayda iyo caamadaba, oo dabadeed ay iska noqoto Sunno la raaco!
”Tusaale ahaan” Fadiilatu Sheekh al-Callaama al-Muxaqiq as-Sayyid: Jamaalud-Diin al-Qaasimi wuxuu qoray kitaab aad u wanaagsan oo la yiraahdo ”Islaaxul masaajidi minal Bidaci wal Cawaaid”, aad ayaana uga faaideystay, sidaas ay tahayna kitaabkiisa waxaa ku jira cutub uu kaga hadlayo arimaha ay tahay in lagu baraarugo, oo uu ku sheegay labaatan mas’aladood ay ka mid tahay mas’alada (16 caruurta in la keeno masaajidda), wuxuu ku yiri (bogga 205):
”Waxaa jira Xaddiis oranaya: ”Ka dheereeya caruurtiina masaajidda” maxaa yeelay caruurta maanta oo dhan way ciyaarayaan, ciyaartoodana waxay qasaysaa dadka tukanaya, waxaana laga yaabaa inuu ka dhigto meel lagu ciyaaro, sidaasna looguma talagelin Masjidka, sidaas darteed waa in laga dheereeyaa”.
Waxaan leeyahay: Xaddiiskan ma sugna xujona lagama dhigan karo, waxaana daciifiyay koox Imaamyo ah; sida CabdilXaq al-Ishbiili, Ibnul Jowzi, al-Munziri, al-Buusiri, al-Haythimi iyo al-Casqalaani iyo kuwo kaleba, sidaas ay tahayna Xaddiiskan inuu daciif yahay way ka hoos baxday Sheekh al-Qaasimi, wuxuuna ku dhisay xukun sharci ah, oo ah in laga dheereeyo caruurta masaajidka isagoo weyneynaya masjidka sharaftiisa, runtiina waa ”Bidco” maxaa yeelay wuxuu ka hor imaanayaa xilligii Nebiga s.c.w. siduu xaalku ahaa, sida ku taalo kutubta Sunnada meesha looga hadlayo arinkaasi.
Waxaadna ka fiirisaa kitaabkeenna ”Sifatu salaati Nabiyi c.s.w.” (boggiisa 73 – dabcada saddexaad).
Sidaas awgeed in dadka looga digaa bidacda waa ku waajib Culimada, waxaana sidaas sameeyay Culimo badan, waxayna ka alifeen kutubo badan Bidacda, qaar ka mid ay yihiin Qawaacida Bidacda iyo Usuusheeda, qaarna ay yihiin Furuuucdeeda, qaarna kulmiyay labada noocba, waana akhriyay dhamaantood, waxaana la barbar akhriyay boqolaal kutubo kale oo ah Xaddiis, Fiqhi i.w.m., waxaana ka soo aruuriyay arimo badan oo Bidce ah, mana u maleynayo qof inuu iiga horeeyay sidaas oo kale, waana asalka kitaabkayga la yiraahdo ”Qaamuus al-Bidac”.
Waxaana maqaalkan ka turjumay kitaabka la yiraahdo al-Ajwiba naafica ee uu alifay al-Muxaddis al-Faqiih Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee-
Waxaana turjumay CabdiRisaaq Maxamed Cilmi "ina Warfaa" ina_warfaa@hotmail.com ama http://www.freewebs.com/ina-warfaa