Hargeysa (HWN) Wasiirkii warshadaha iyo taliye xigeenkii ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Puntland iyo gaadhi ciidan ah oo wehelinayay ayaa xalay ka soo goostay isla markaana soo galay dhinaca Somaliland.
Masuuliyiintan oo sii heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa la sheegayaa in ay hadda marayaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyaga oo ku soo jeeda magaalada Hargeysa.
Xubno ka mid ah xukuumadda Somaliland ayaa la sheegaya in ay gadhwadeen ka yihiin Wasiirka iyo taliye xigaanka, waxaana goob kasta si heer sare ah ugu soo dhaweynayay madaxda gobolada iyo degmooyinka ay soo marayeen.
Lama oga sababta wakhtigan ay xubnahani uga soo goosteen maamul Goboleedka Puntland oo ay xilal sare ka hayeen, balse waxa la filayaa in marka ay soo gaadhaan Caasimada ay faahfaahin ka bixiyaan sababta ay uga soo goosteen.
Si kastaba ha ahaatee goor dhaw ayaa loo badinayaa in Wasiirka warshadaha iyo taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland ay soo gaadhaan caasimada iyada oo la kulmi doonaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Waa goosankii ugu heer sareeyay ee tan iyo intii ay xukuumada cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegtay u soo talaaba dhinaca dalka Somaliland.