Wilaayaadka Islaamigaa Ayaa Kolanyo Baabuura Oo Calanka Towxiidku Ka Babanayo Oo Caawimaad Sida U Diray Gobalka Hiiraan Iyo Shabelle, WFP Iyo Wadaad Xumo Ishaa Macalin Ah (DAAWO)
ilaa toban baabuur oo xamuul ah islamarklaana sida raashin kala duwan sida Galay, Bur, iyo Saliid, oo ay gudiga gurmadka abaaraha ee Xarakatu Shabaabul Mujaahidiinta ay direen ayaa maantay u amba baxay gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan oo kamid ah gobolada ay kajiraan abaaraha xoogan ee saameeyaya dadka iyo duunyada si loo gaarsiiyo dadka dhibaataysan ee ay abaaruhu saameeyeen.
Gaadiidkaan ay saaraayeen raashinka gurmadkaa ayaa waxay si toos ah maantay ugu amba bexeen goboladii ay gurmadka u sideen,iyaga oo ay kadul babanayaan Raayada tooxiidka.
Sh Jaamac Cabdi salaan oo xubin ka ah gudiga gurmadka abaaraha ayaa isna waxa uu ugu baaqay shacabka soomaliyeed in ay sii wadaan gurmad ay u fidinayaan walaalohooda dhibaateysan.
Sheekh Suldaan Maxamed Aala Maxamed oo ah madaxa maktabka diiwaanka sakawaadka ee xarakada mujaahidiinta al shabaab ahna madaxa gudiga gurmadka abaaraha oo lahadlay warbaahinta wax yar kahor inta aysan ambabixin gaadiidka gurmadka waday ayaa waxa uu kawar raashinkaan gurmadka ee ay maantay direen isagoona carabaabay in raashinka uu gaarayo ilaa afar kun oo kiish marka la isku daro galayda iyo burka saliiduna ay gaareyso sadex boqol todobaatan iyo shan jirgaan.
Sh Suldaan Maxamed Aala Maxamed ayaa sidoo kale wax uu sharaxaad kabixiyay inta kiisha iyo saliid gobol walba loogu talagalay in lagaarsiiyo iyo inta dad loogu talo galay in ay kafaa iidaystaan raashinkaasi gurmadkaa, isagoona shaaca kaqaaday in raashinkaan uu yahay kii laga aruuriyay shacabka soomaliyeed.
Madaxa gudiga gurmadka abaaraha Sheekh Suldaan ayaa sidoo kale waxa uu kula dardaarmay dadka qaybin doona raashinkaan gurmadkaa in dadka aysan kudhibin siinta raashinka dadkana aysan karaamada kaqaadin sida looga bartay hay ‘adaha.
Aala Maxamed ayaa dhanka kale wax uu shaaciyay in ay jiraan dad kudhibaataysan deegaanada ay dowladu kataliso,isagoona kubaaqay in laga hor wareego gudiga gurmadka si ay ugaarsiiyaan gurmad dadka dhibaatadu heesato.
Source: http://somalimidnimo.com/2011/02/02/wil ... -ah-daawo/