Postby AbrahamXirsi » Mon Feb 07, 2011 4:28 pm
Shirqoolo ka Dhan ah Halganka iyo Kacdoonka Shacabka SSC oo ka socda Garoowe.
Tan iyo intii ay bilaabatay kacdoonka shacabka dadaweynaha SSC ee is haysta ilaa Kalshaale iyo Laascaanood, waxaa jiray shirar kala gedisan oo ka soconaya magaalada Garoowe, Shirarkaas ayaa waxaa lahaa dhamaan xubnahaga Golaha wasiirada ee maamulka Faroole kuwaasoo badankoodu soo jeediyeen in taageero Hiil iyo hooba leh la isla garab taago shacabka SSC.
Hase yeshee waxaa arintaas aad uga soo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Abdi Samad Cali Shire iyo weliba xubno kale oo asaga lka ag dhow, waxaana la sheegay in Odey Abdi Samad hada uuba ka cad cad yahay Faroole, waxaana dhawaan uu C/Samad Taliye ciidan u magacaabay Maxamed Raage kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu bur buriyo Ciidamada Tukaraq jooga ee ka soo jeed Deeganada SSC kuwaasoo diidey inay hoostagaan maamulka Garoowe.
Abdi samad ayaa la sheegay inuu lacag fara badan u dhiibey Maxamed Raage isla markaana uu ku amray inuu kala fur furo Ciidankaas iyo weliba shir u soconayey odayaasha deegaankaas, oo ay kaga arinsanayeen mustaqbalka Hubka iyo ciidamada uu hore gacanta ugu hayey Ahmed Karaash.
Maalinimadii khamiista waxaa ka dhacay guriga uu C/Samad ka degan yahay Garoowe qyabtqa madaxtooyada mudahraad ay soo abaabuleen shacabka degan Garoowe ee ka soo jeeda SSC, waxayna ka dalbanayeen inuu fadhiga ka kaco, isla markaana uu dadkiisa is garabtaago. Waxaase jawaabtii ka timid dhanka C/Samad noqotay in xabado lagu rido maatadii banaanbaxaysey kuwaasoo diidanaa ficil la’aanta uu odeygu deriska u noqday.
Habeen hore ayaa la sheegay in la qabtay shir Alabaabadu u xidhan yihiin oo Abdisamad iyo Faroole oo ay weheliyaan Cali Dolar iyo Abdi halas madaxtooyada ka dhacay kaasoo Abdi Halas ka sheegay in mudaharaadkii Khamiistii laga soo abaabulay Tukoraq, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago waxa ka soconaya magalaadaasi.
Warar aanu ka helnay ilo laagu kalsoon yahay oo ku sugan Garoowe waxay sheegeen in hoosta laga xariiqay in ciidanka Tukoraq ku sugan loo aqoonsado cadaw, lana mid ah ciidan ku soo duuli kara Gaaroowe , sidaas daraadeedna hadaan lagu wareejin wasiirka cusub ee Ahmed Cali Askar in talaabo militery laga qaato. Arintaas ayaa la sheegay in la isku waafaq, waxaana intaas ka dib shalay oo ahayd habeenimadii uu shirku dhacay maalinimadeedii hadanma mudaharaad sameeyey shacablka SSC ee goowe degan, kuwaasoo boodhadh ay SSC ku xardhan tahay isla hortubay guriga Madaxweyne ku xigeenka C/Samad Cali Shire.
Waxayna ku dhawaaqayeen” SSC ha noolaato” Dan umada uma haysid” dadkaagaa waa la laynayaa” iyo erayo kale. Waxaase arintaaas aad uga cadhoodhay Odey Abdi Samad oo amarku bixiyey in jeelka la dhigo haweenka, taasoo ay wiilasha dhegaha fudud ee ilaaliya C/Samad markiiba ku dhgaqaaqeen, suuqa Garoowena jiid jiideen gabdho Dhulbahante ah, ayadoo ay dadka kale ee magaalada degana daawanayeen.
Waxaana hada la sheegay in 30 dumar ahi jeelka habeenkii labaad ku hoyanayaaan, tasoo ay aad uga xumaadeen shacabka kale ee SSC ee jooga Garoowe, Xildhibaanada ka soo jeeda SSC ayaa la sheegay in qaarkood basaasiin yihiin, oo qofkii soo qaada in loo hiiliyo shacabka Dhulbahante ay jiraan kuwo Abdi Samad u shaqeeya oo markiiba u gudbinaya taasoo lagaga jawaabo inta badan in xilka laga qaado.
Abdi Salaan Siciid Cartan.
Soomaaliya.