Dagaal ay ka qaybqaadanayaan ciidamada Itoobiyaan ah oo ka bilowday duleedka degmada Baladweyne
Arbaco, 23 Feberaayo, 2011 (HOL) – Dagaal culus iyo duqeymo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwo Itoobiyaan ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa goor-dhow ka qarxay garoonka diyaaradaha iyo buurta Qowlad oo bari kaga beegan Baladweyne qiyaastii 8-km.
Madaafiic culus ayaa ku dhacaya buuraha ku hareereysan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo dagaalka fool-ka-foolka ahna ee ka socda duleedka Baladweyne rasaastiisa laga maqlayo gudaha degmada.
Ciidamada Itoobiya ayaa madaafiicda ku garaacaya buuraha ku hareeraysa degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa saameyn guud ku yeeshay degmada Baladweyne iyadoo inta badan ganacsiga degmadaas la xiray dadkuna ay bilaabeen inay guryahooda aadaan, waxaana ay shacabku u dheg-taagayaan waxa xigi doona dagaalka qarxay.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dagaalkan uu dhaliyay, haddana waa mid daba socda dagaal saqdii dhexe ee xalay ku dhexmaray xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo kuwa dowladda KMG ah deegaanka Ceel-gaal ee gobolka Hiiraan.
Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore dagaallo ay ku dhexmareen ciidanka DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab iyagoo dhowr jeer kala qabsaday, balse waxaa degmada haatan gacanta ku haysa Xarrakatul Shabaab.
Saraakiil u hadlay dowladda KMG ah ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay duulaan ku yihiin degmada Baladweyne, si ay u qabsadaan, waxaana sidoo kale dagaalada qayb ka ah maamul la baxay Dooxda Shabeelle.
Wararka dheeraadka ah ee dagaalka kala soco Hiiraan Online.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya