Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Hay’adaha Samafalka looga baahanyahay inay gar gaaraan dadka ku dhibaataysan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka jiraan abaaro xoogan gaar ahaan degmada Baladxaaawo oo ay ka qaxeen dadkii ugu badnaa ee ku noolaa halkaasi.
Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu ugu baaqay Hay’adaha Samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed inay gar gaar la gaaraan dadkii ka cararay degmada Baladxaawo ee iminka ku dhibaataysan degmada Mandheera ee dalka Kenya.
Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in degmada Baladxaawo ay ku taalo meel istaraatiiji ah oo ay Hay’adaha samafalka gayn karaan gar gaar bini’aadanimo kuwaasi oo uu sheegay in hadda ay awoodaan in inay caawiyaan dadkaasi dhibaataysan maadaama halkaasi ay ka taliyaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in degmada Baladxaawo ay ka mid tahay degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo islamarkaana si xoogan ay u saameeyeen abaaraha, isagoo xusay in aduun waynaha looga baahanyahay gurmed bini’aadanimo.
Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha dowladda ayaa waxaa uu soo if baxayaa iyadoo degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Gedo ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.