Garoowe, Mar 26 - Dawladda Puntlnad ayaa sheegtay in ay canshuur-dhaaf u samayn doonto ganacsatada maal-gashiga ku sameeya wax soo saarka maxalliga ah ee Puntland. Wasiirka wasarada ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Jaamac Xasan 'Geerash' oo Daljir la hadlay ayaa sheegay in ay tallaabadani tahay mid ay dawladdu dib ugu eegayso siyaasaddeeda ganacsiga iyo maal-gashiga gudaha.
Wasiirka ayaa sheegay in geyiga Puntland ay ka buuxaan khayraad badan, isla markaana ay jiraan fursado aad u badan oo lagu samayn karo maal-gashi, loogana faa'idaysan karo siyaabo kala duwan. Ganacsatada Puntland ayaa aad uga caga-jiidayay in ay maal-gashi ku sameeyaan wax-soo-saarka gudaha, taasoo ay ku sababeeyeen dawladda oo aan lahayn siyaasado ay ku dhiirri-galinayso wax soo saarka gudaha. Mudane Geerash waxa uu sheegay in tallaabada cusub ee dawladda ay ka jawaabi doonto dareenkaas.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay dawladu wakhtigaan diyaar u tahay in ay isgarab-taagto ganacsatada Puntland ciddii u diyaar ah in ay maal-gashi ku-sameeyaan waddanka,isla markaasna loo samayn doono canshuur-dhaaf inta uu ganacsigaasi horumar ka samaynayo. Wasiirka ayaa si gaar ah ugu dhiirrigaliyey ganacsatada iyo qurbajoogta Puntland in ay ka faa'idaystaan fursaddan ganacsi ee ay dawladdu ugu baaqday ganacsatada iyo muwaadiniinta Puntland.
Siyaasaddan cusub ee ay dawladda Puntlaned ku dhiiri-galinayso wax-soo-saarka gudaha iyo maal-gashiga ayaa imanaysa xilli ay ganacsato horay u maal-gashatay dalka kana sameeyay warshado yaryar ay culays wayn ku hayaan ganacsato bagaash ahaan uga keena isla agabka ay soo saaraan dalka dibaddiisa, taasoo markeedana culays iyo sicir jabis ku sameeysa suuqooda.
tax in puntland product
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 514 Views
-
Last post by BaByGaL_8701
-
- 7 Replies
- 664 Views
-
Last post by ms.Ali
-
- 0 Replies
- 347 Views
-
Last post by waraabe251
-
- 36 Replies
- 2337 Views
-
Last post by YummyMummy
-
- 20 Replies
- 1269 Views
-
Last post by Koronto91
-
- 0 Replies
- 1033 Views
-
Last post by Fredie
-
- 2 Replies
- 14999 Views
-
Last post by martha
-
- 0 Replies
- 1605 Views
-
Last post by Highland
-
- 0 Replies
- 542 Views
-
Last post by Kramer