Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Siciid85 »

Image

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM, Xuska Ku Aadan Sanad-guuradii 30aad Ee Asaaska Jabhadaa Oo Ku Beegan Maalinta Bari.


Hargeysa (Ramaas) Apr.05 , 2011 - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Cabdi Yusuuf Gaboose, ayaa caawa hambalyo u diray guud ahaan mujaahidiinta SNM ee ka qaybgashay dagaaladi dalka lagaga xoreeyay tasliskii Maxamed Siyaad Barre oo xusuuq ba’an u gaystay shacabka Somaliland.

Hambalyada wasiirku waxay ku aadan tahay maalintii asaasida jabhada oo ku beegan lixda bishan April oo ah maalinta bari, waana soddon guuradii ka soo wareegtay maalintii lagaga dhawaaqay magaalada London, taas oo ahayd 6-dii bisha April 1981.

Waxaana uu Dr. Gaboose ilaahay ugu baryay mujaahidiinta SNM uu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, intii ku dhimatay dib u xorayntii dalkana uu ka waraabiyo naxrristiisa.



Ramaasnews Desk

Hargeisa.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Rightwing »

Ma 30 sanaa durba kasoo wareegtay?
Intii ka dhimatay waa wada ahlu jana
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by RuralMan08 »

Rightwing wrote:Ma 30 sanaa durba kasoo wareegtay?
Intii ka dhimatay waa wada ahlu jana
Only Allah knows who is in Jannah or Jahannam. We dont even know where the Sahaba or scholars will end up man
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Rightwing »

RuralMan08 wrote:
Rightwing wrote:Ma 30 sanaa durba kasoo wareegtay?
Intii ka dhimatay waa wada ahlu jana
Only Allah knows who is in Jannah or Jahannam. We dont even know where the Sahaba or scholars will end up man


You are right only allah knows...
smn freedom fighters may Allah grant them janah. aaaaaaaamiiiiiiiiiiiiin


Wa bilaahi TAWFIIQ
RW
User avatar
Username1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1251
Joined: Tue Feb 15, 2011 11:32 am

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Username1 »

RuralMan08 wrote:
Rightwing wrote:Ma 30 sanaa durba kasoo wareegtay?
Intii ka dhimatay waa wada ahlu jana
Only Allah knows who is in Jannah or Jahannam. We dont even know where the Sahaba or scholars will end up man
The sahaba are guaranteed paradise you idiot. :up:
User avatar
Barkhadd
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 993
Joined: Wed Dec 01, 2010 6:05 am
Location: be good

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Barkhadd »

Allah janadii all mujahidins. We will remember them
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Siciid85 »

Rightwing wrote:
RuralMan08 wrote:
Rightwing wrote:Ma 30 sanaa durba kasoo wareegtay?
Intii ka dhimatay waa wada ahlu jana
Only Allah knows who is in Jannah or Jahannam. We dont even know where the Sahaba or scholars will end up man



smn freedom fighters may Allah grant them janah. aaaaaaaamiiiiiiiiiiiiin


Amiin.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Somalistan »

SNM Geesiyadii rer Sh. Isxaaq Allow Dhawr oo Danbigoodii dhaaf. Janatul Firdowz na geey. Amiiiin. :sland: :rose:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Siciid85 »

Xuska Sanad-Guuradda 30-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururka SNM Oo Maanta Loo Xusay Si Ka Qiimo Badan Xusaskii Siddeedii Sanadood Ee U Dambeeyay.

Hargeysa (Ramaas) Ap 6,2011- Sanad guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aasaasay ururkii SNM ee dhaliyey xoriyadda maanta Somaliland ku naaloonayso, isla-markaana shacabka ka dul-qaaday kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta si wayn looga xusay Magaalo madaxda dalka ee Hargeysa.

Xuskan sanad guurada 30-aad ee aasaaska ururkii SNM (Somali National Movement) ayaa maanta loo xusay si ka duwan sidii loo xusi jiray wakhtigii talada dalka uu hayay Madaxwaynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, iyadda oo lagu qabtay hoolka shirarka ee shawqaalaha dawlada isla-markaana la soo bandhigay taariikhda ma guurtada ah ee SNM ku leedahay guud ahaan dhulka soomalidu degto.

Munaasibadan ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, axsaabta qaranka, qaar ka mid ah aasaasayaashii sanadihii siddeetamaadkii SNM kaga dhawaaqay Magaaladda LODON ee cariga Ingiriiska mujaahidiin kale, kuwaas oo dhammaantood muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin xuska maanta oo si wayn uga duwanaa xusaskii 8-deedii sanadood ee ugu dambeeyay.

Guddoomiyaha jimciyadda mujaahidiinta Sooyaal Mujaahid Xasan Axmed, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaynu joognaa 6-da bisha aprill ah oo maalintii ururkii SNM la aasaasay, waxaana laga joogaa 30 sanadood oo 10-na la halgamayay 20-na dalka aynu haysanay. Anagu SNM ahaan waanu soo taaganahay maadaama oo guddoomiyihii SNM uu yahay Madaxwaynaha Somaliland, waxaanuna diyaar u nahay in dadka reer Somaliland gacmaha is qabsadaan, waxaanuna soo diyaarinay barnaamij horumarineed oo diyaar ah.”

Cabdisalaan Yaasiin Gabay-xadi, oo ka mid ah aqoonyahanka dalka, kana mid ahaa shakhsiyaadkii koobnaa ee SNM aasaasay oo isna xaflada hadal dheer ka jeediyay ayaa soo qaaday “SNM waxay keentay dad xor ah, dal xor ah iyo dawlad xor ah, dawlada aynu haysanana cid inagu haysato, waayo waa dawladii aynu u dagaalanay ee aynu dhiiga u hurnay, sida aynu u sii adkaysanaynana inaga ayay inagu xidhan tahay, haddii la ina ictiraafo iyo haddii kaleba dalkan inaga ayaa leh ma yeelayno adduunimo, ma yeelayno cid dambe oo aanu maamulkeena iyo dawladnimadeena isku daba taagno, waa waxaa dadku u dhintay.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddii aynu keenay dawladnimadii cadaalad ayay dawladnimadeenu wax ku noqon karaysaa, dadkii, dalkii iyo dawladii xorta ahaydba waynu haynaa, waana inaynu diyaarsano quwadeena oo dhan oo aynu wax walba iska celinaa.”ayuu yidhi.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ka nool saddexdii mujaahid ee ugu horeeyay ee ka baxa ciidamadii kaligii taliyihii Siyaad barre ee u talaaba dhinaca dalka Itoobiya oo ay ku sugnaayeen kooxihii ugu horeeyay ee SNM oo isna halkaa kalmado muhiim ka yidhi ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ILAAHAY naxariistee jano haka waraabiyo shuhaadadii u shahiiday halgankii aynu maanta dambarkiisii maalayno.”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Waxa muhiim ah in taariikhdaa la ilaaliyo, ma waxaynu odhan karnaa dadka Soomaliyeed ee aynu soomalida isku ahayn ee aynu isku dawlada ahayn, haddii aynu nahay intan maanta Somaliland ah ama reer Waqooyiga nahay ma waxaynu odhan karnaa waynu ka wanaagsanayn ama waynu ka muslimsanayn, farqiga maanta jira ee ta nabada ka dhigay Xamar iyo hareerahadana aynu wax ka socda aynu ognahay, waxaynu odhan karnaa waa biseylkii siyaasadeed, waa hogaankii, waa garashadii mujaahidiintii SNM ku dhaqday dalka, sida ay xoriyadda aabo iyo hooyo ugu yihiin ayay nabadana aabo ugu yihiin, haddii maalintii la wada kala aar-goostoo oo qabiil la wada noqon lahaa oo aynaan dawlad lahaan lahayn sidaa Xamar ayaynu ahaan lahayn ILAAHAY inagama dhigee.”

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) isaguna ka mid ahaa dadkii halganka sida wayn uga qayb-qaatay isla-markaana isku hawla inuu ururiyo taariikhda mujaahidinta SNM ee shahiiday halganka ayaa isaguna tilmaamay “Intii SNM jirtay 6 guddoomiye ayaa is badalay, taasina dimuqraadiyadda SNM ayay ahayd.”ayuu yidhi Muj. Boobe.

Munaasibadan loo sameeyay xuska sanad guurada oo uu sidoo kale ka hadlay Maxamed Xasan Yoonis Habane oo uu dhalay taliyihii ciidanka qaranka Somaliland ee dhawaanta geeriyooday ayaa iyaguna waxa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Wasiirka daakhliga Dr Maxamed Cabdi Gaboose.
User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by malakumod »

Rightwing wrote:Ma 30 sanaa durba kasoo wareegtay?
Intii ka dhimatay waa wada ahlu jana
Mujaahidiinti iyaga dileyna janadii bey tagayaan inshallah. :lol:
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by juzme123 »

Rightwing wrote:smn freedom fighters may Allah grant them janah. aaaaaaaamiiiiiiiiiiiiin
Somalistan wrote:SNM Geesiyadii rer Sh. Isxaaq Allow Dhawr oo Danbigoodii dhaaf. Janatul Firdowz na geey. Amiiiin. :sland: :rose:
Amiin
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by abdikarim86 »

^ aamiin :sland:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Dhaga Bacayl »

How ironic. :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Dr.Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM

Post by Mr_Alfaas »

RuralMan08 wrote:
Rightwing wrote:Ma 30 sanaa durba kasoo wareegtay?
Intii ka dhimatay waa wada ahlu jana
Only Allah knows who is in Jannah or Jahannam. We dont even know where the Sahaba or scholars will end up man
:up:


The only thing we can do for them is Duca for them May Allah Bless them in Jannah and all the muslim People including the somali ppl
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”