Gedoweb Gedo on Thursday, May 12 @ 10:09:19 EDT
Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo kamid ah saraakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay dabaalka ka qaaday hadal aysan dad badan ka warqabin oo ah in ururka Al-Qaacidda ee argagixisanimada ku eedeysan uu qeyb ku lahaa riditaankii dowladdii Somalia ee uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.
Abuu-Mansuur oo rag ajinebi ah ay garbaha ka taagan yihiin ayaa hadalkan ka sheegay kulan madaxda sare ee Shabaab ay shalay ku yeesheen degmada Afgooye, wuxuuna tibaaxay in Al-Qaacidda si ay qeyb uga qaadato burburka dowladda u soo dirtay Somalia dagaalyahanno shisheeye ah, kuwaas oo dalka kja furay buu yiri xarumo lagu tababarto iyo taageero ay siinayeen maleeshiyaadkii qaabka qabiilka u abaabulnaa iyo dagaal oogayaashii wadanka burburiyey.
''Tababarka waxaa ka aflaxday dad badan oo dowladda ridday, Mujaahidiintaas waxay ka dagaalameen Muqdisho, Bari iyo Gedo'', ayuu yiri Roobow oo aan sheegin sababta Al-Qaacidda ay u daneynayaan in ay baaba'ashaan dal iyo dad dhan oo Soomaaliyeed nidaam iyo kala dambeynna lahaa.
Sheekh Roobow wuxuu ku nuux-nuuxsaday in markii ay dowladdii duntay ay bilowdeen in iyagii la ugaarsado raggii Al-Qaacidada ahaa iyo kuwii wakiilka ka ahaa oo uu ka xusay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Xasan Turki, ''Mid mid ayey dalka uga baxeen madaxdii Al-Qaacidda, tababaradiina way xirmeen'', ayuu mar kale yiri.
Wuxuu xusay in wixii ka dambeeyey dhicitaankii dowladdii dalka ay Xasan Daahir iyo Turki bilaabeen in kooxa Al-Shabaab kamid tahay aas-aasaan, xiriir toos ahna la yeeshaan Al-Qaacidda oo reer galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso ah oo adduunka qas ka wada.
Hadalkan oo noqonayo kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo Al-Shabaaab ka soo yeero ayaan la ogeyn danta ay Al-Qaacidda lagheyd.
Dad badan waxay rumeysan yihiin in Al-Qaacidda dooneysay in dalku uu noqdo sida uu maanta yahay, su'aasha la isweydiineyse waxaa weeye maxay tahay faa'iidada ugu jirto dad Muslimiin sheeganayo in wadan Islaam ah ay qasaan, nabadgelyo darana ka abuuraan?